Hantidhawruhu Ma Wuxuu la hadlayaa dad indho iyo dhego xidhan? Staff Writer

0
672

Hargeysa(Geeska)-Hantidhawraha guud ee Maxamuud  Aw Cabdi Ismaaciil (Maxamuud-Dheere), ayaa shirsaxaafadeed uu Axadii ku qabtay Hargeysa, wuxuu kaga hadlay baadhis ay hawlwadeenadiisu maalmihii u dambeeyay ka wadeen wasaaradda arrimaha dibadda oo uu agaasimihii is casilay sheegay inuu musuqmaasuq iyo wax isdaba marini aafeeyay.

Hantidhawraha oo ay dad badani sas ka qabeen natiijada baadhistiisu noqon doonto, ayaa waxa maxsuulka baadhistiisa ka soo hormaray hadal ka yaabiyay umadda Somaliland, ka dib markii uu sheegay inay muddo ka hor baadhis ku bilaabeen wasaaradda arrimaha dibadda. “Waxa maalmahanba suuqa ku jirtay Hantidhawr baa loo yidheeday oo la geliyey Wasaaradda Arrimaha Dibeba, laakiin xaqiiqda markaan ka hadlo baadhintaanka wasaaraddaasi waxaannu bilownay muddo ka hor ah. Xilligan aynu joogno sida distoorku na farayaa in Hantidhawrku sannad walba xisaab-xidhka miisaaniyadda u gudbiyo Golaha Wakiillada, waana ta ugu weyn baadhisahayaga oo ah laba baadhisood. Mid waa baadhista inta aannu dekhliga aan la qaban kharashkuna aannu bixin in aannu hab u sii dhigno ka hortag oo kale ah, ta ku xigtaana waxa weeye baadhis wasaarad walba marka aannu xisaab-xidhka miisaaniyadda diyaarinayno.” Sidaas ayuu yidhi hantidhawrku.

Isagoo hadalkiisa sii wata wuxuu sheegay inay marka horeba baadhis ka wadeen wasaaradda arrimaha dibadda isagoo meesha ka saaray inay baadhitaanka bilaabeen markii laga codsaday, waxaanu yidhi  “Markaa Wasaaradda Arrimaha Dibadu waxay ka mid ahayd hay’adaha aannu baadhistan ka wadnay oo aannu bil ka hor ka bilownay, maaha baadhis nalagu hagay iyo mid si kale toona ah, laakiin waa mid si caadi ah ku timi, iyadoo noo socota ayaanu maqalnay iscasilaad iyo waxbaa ka dhacay, maaha mid aannu cid wax gaar ah ku kacday ku daba socono, iminka waa dabayaaqo oo warbixin sugan baanu ka soo saari doonaa hal doollar haddii uu ka maqan yahayna uma joojinayno.”

Qodobka ugu mudan in hoosta laga xariiqaa, waa  hadalka uu hantidhawruhu ku sheegay inay mumddo ka hor bilaabeen baadhista wasaaradda arrimaha dibadda, laakiin hadalkiisaas waxa burinaya warsaxaafadeed ay dhawaan soo saartay wasaaradda arrimaha dibadda Somaliland oo ay ku cadaysay inay dalbatay hantidhawr baadha. Wasaarada khaarajigu qoraalkeeda waxay ku tidhi “Ka dib markii ay Wasaaraddu wada heshay hadaladii uu bixiyey Mudane Maxamuud Raage Ibraahim Agaasimihii hore ee Wasaaradda Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga ee uu kaga hadlay Maamul xumo uu sheegay inay ka dhacday Warasaaradda Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga, waxay wasaaradu goosatay talaabooyinkan:-

Waxaa la codsaday in xafiiska Hanti-dhawraha Guud ee Qaranku bilaabo Hubin Xisaabeed iyo Maamul oo looga golleeyahay xaqiijinta eedaynta uu soo jeediyey Agaasimihii hore ee wasaaradu”.

Waxa laga yaabaa inuu hantidhawrku aaminsanyahay inuu la hadlayo umad aan joogin qarniga 21aad amaba umad indho iyo dhego xidhan oo aan lahayn tixraac iyo baadhista taariikho hadalkiisa ka horeeyay.

Hase yeeshe haddii aynu hadalkiisa dhuuxno maxaa laga akhrisan karaa hadalka hantidhawrku saxaafadda la horyimid ee uu umadda u sheegay.? Ugu horayn waxa laga halacsan karaa natiijada uu ka soo waddo baadhista wasaaradda arrimaha dibadu inaanay noqon doonin mid dhexdhexaad ah oo ay umaddu ku qanacdo mar haddii uu bilowgiiba ku ibo furay hadalo madmadow badani ka muuqdo.

Marka labaadna hadalka hantidhawrka ayaa u muuqda mid ka yaabiyay bulshadii ka warqabtay in wasaaradda arrimaha dibadu qoraal cad ku sheegtay inay codsatay in baadhis lagu sameeyo eedaha musuqmaasuq ee loo soo jeediyay, waxaanu jawaab u yahay cid kasta oo aaminsan dhexdhexaadnimada hantidhawrka. Laakiin si kastooy ahaataba hadalka hantidhawruhu wuxuu sabab u noqday inaanu rayul caamku marnaba rumaysan amaba ku qanci doonin  baadhista uu ka soo saaro hawsha uu wasaaradda arrimaha dibadda ka waddo. Waase la arki doonaa natiijada uu soo saaraa sumadda ay yeelato, si kale haddii loo dhigo waa la joogaa inuu sidii masuliyiintii hore eedeeyo agaasimaha is casilay iyo inuu meel kale ka fad kudiyo.