Madaxweyne Siilaanyo Oo Ka Soo Laabtay Ka Qayb Galka Aaskii Meles Zenawi

0
622

 

antoHargeysa(Geeska)-Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Siilaanyo ayaa shalay gelinkii dambe ku soo laabtay magaalada Hargeysa, ka dib markii uu ka qayb galay aaska Raysalwasaarihii hore ee Itoobiya Meles Zenawi.

 

Madaxweyne Axmed Maxamed Siilaanyo, wuxuu saxaafadda ugu sheegay madaarka Hargeysa inay  qaran ahaan ka qayb galeen aaskii Raysal wasaarihii hore ee Itoobiya Meles Zenawi, waxaanu tilmaamay inay dawlada Itoobiya iyo qoyskii hoggaamiyihii hore ee dalkaasi u tacsiyadeeyeen.

Madaxweyne Siilaanyo waxa uu sheegay in dalka Itoobiya uu ka dhaxeeyo iskaashi qoto dheer oo saaxiibtinimo isla markaana uu halkiisii ahaan doonto cilaaqaadka labada dal.

Hase yeeshe Madaxweyne Axmed Maxamed Siilaanyo, si gaar ah ulama soo kulmin ku simaha raysalwasaaraha Itoobiya Mr. Hailemariam desalegn oo markii ay munaasibadii aasku dhammaatay ay madaxdii dunida ee Addis Ababa ku sugnayd la yeelatay kulamo gooni gooni ah oo ay masuulkan kaga wada hadlayeen sii xoojinta xidhiidhka dalalkooda, maadaama oo uu masuulkii hore meesha ka baxay. Si rasmi ah looma garanayo sababta uu Madaxweyne Axmed Maxamed Siilaanyo ku simaha raysalwasaaraha Itoobiya ula yeelan waayay kulan gaar ah, waxase  la aaminsanyahay inuu Madaxweyne Axmed Maxamed Siilaanyo wakhti fiican u haystay inuu masuulkaas bedelay Meles Zenawi la yeesho kulan balse ay qorshaynta iyo abaabulka kulankaas ilduuftay ciddii Madaxweynaha u qaabilsanayd Baratalkoolka, si uu madaxwene Axmed Maxamed Siilaanyo sida madaxdii kaleba yeeshay uu ku simaha Raysalwasaaraha Itoobiya ugala hadlo sii xoojinta xidhiidhka labada dal iyo welib in halkaas laga sii ambo qaado xidhiidhkii adkaa ee ay dawladda Somaliland la lahayd dawladda Itoobiya ee uu hoggamin jiray Meles Zenawi.