Markii ay wakhti koobani ka soo wareegtay soo xulashadii uu Madaxweynuhu ku sameeyay golihiisa xukuumadda iyo hay’adaha dawliga ah ee kale, waxa uu xilalkii ka fadhiisiyay masuuliyiin tiro badan.
Madaxweynuhu masuuliyiintaas uu xilalka ka fadhiisiyay, markii uu xilka u magacaabay wuxuu mid walba magacaabistiisa raaciyay qoraal kooban oo uu ku sheegayay in sababta uu xilka ugu magacaabay salka ku hayso ka dib markii uu ku qancay kartidiisa shaqo iyo aqoonta uu u leeyahay hawsha qaran ee loo xilsaarayo. Balse marka haddana masuulkaas xilka laga qaado wakhti kooban ka dib ma jirto wax sabab ah oo uu Madaxweynuhu sheego inay xil ka qaadistiisa keentay, waxaana weliba qaarkood loo raaciyaa ammaan iyo bogaadin, marka ay sidaas tahayna waxa ay bulshadu isweydiisaa haddiiba masuulka xilka loo garan waayay la ammaanay taloow muxuu bi’iyay ee xilka looga qaaday.?
Hase yeeshe bulshadu su’aalahaas jawaabo qanciya uma helaan, maadaama oo aanu madaxweynuhu shacabkiisa u cadayn khaladka uu masuulka xilka laga fadhiisiyay sameeyay.
Qaar ka mid ah dadka xilka laga qaaday ayay shacabku u arkaan masuuliyiin ka soo baxay shaqadii qaranku ka sugayay, waxaana la isweydiiyaa sababta keentay xil ka qaadistooda mar haddii ay waajibaadkoodii guteen. Tusaale ahaan wasiirkii maaliyadda Maxamed Xaashi Cilmi, waa wasiirka keliya ee ka dhabbeeyay balan qaadkii KULMIYE ee dhinaca mushahar kordhinta, waxaana markii uu muddo kooban uu xilka hayay uu shaqaalaha dawladda iyo ciidamada dalka u sameeyay mushahar kordhin 100% ah, balse xilkii waa laga qaaday, mana jirto wax sabab ah oo ay madaxtooyadu sheegtay in shaqadda lagaga fadhiisiyay iyaga oo weliba dad badani aaminsanaayeen in uu xilkiisa sidii saxda ahayd u gudanayey.
Wasiirkii caafimaadka Dr. Xuseen Muxumed Maxamed (Xoog), ayaa isna ka mid ahaa wasiirada tirada yar ee ka soo baxay xilkii loo magacaabay, waxaanu Dr. Xoog isbedel balaadhan ku sameeyay hawlaha caafimaad ee dalka, isagoo mudadii uu xilka hayay xataa ka shaqaysiiyay mishiinka kelyaha sifeeya oo uu Imaaraadka Carabtu dalka ku deeqay balse u fadhiyay farsamo xumo. Laakiin Wasiirkii hore, halkii laga sugayay in loo abaalgudo, waxa lagu abaal mariyay xil ka qaadis, madaxtoyaduna may sheegin sabab keentay in wasiirka sidaas u dedaalay xilka laga fadhiisiyo? Waxa iyaguna jira wasiiro iyo masuuliyiin kale oo wax qabad muujiyay balse shaqada laga fadhiisiyay.
Haddaba, mudane madaxweyne bulshadu waxay kaa sugaysaa inaad uga jawaabto khaladaadka ay sameeyeen masuuliyiintii aad hore shacabka ugu ammaantay ee aad xilalka ugu dhiibtay. Si aan iyaga xaqooda meel loogaga dhicin oo aan lagu tuhmin kuwo ka gaabiyey waajibaadkii qaran, ama haddii ay gaabis la yimaaddeen si aan dib loogu diran hawl qaran oo haddana ay bi’iyaan. Haddii aanad sidaas yeelina waxa hirgeli doonta sheekada ay shacabku isla dhex maraan marka ay xil ka qaadisi timaado ee aan ka dheerayn in masuuliyiinta xilalka laga qaaday ay ka gaws-adaygeen siyaasado kale oo aan ku xidhiidhin hawlaha qaran ee loo xilsaaray. Sidaas darteed, madaxweyne mar haddii aad marka hore ammaantay masuulka aad xilka u dhiibtay oo aad garatay inaad hawlkarnimo ku yaqiinsatay, miyaanay qurux badnayn in marka aad xilka ka qaadana aad sheegto ceebaha uu masuulkaasi leeyahay ee sabab u noqday in lagu aamini waayay hawlaha qaranka.
Comments are closed.