Waraysi Gaar Ah: Dr. Sacad Sheekh Cismaan Nuur

1
1068

Dr._SacadHargeysa(Geeska) – Safiirkii hore ee Maraykanka u fadhiyay Somaliland Dr. Sacad Sheekh Cismaan Nuur, ayaa ka hadlay sida uu u arko aragtida uu Raysalwasaaraha Itoobiya Meles Zenawi u bandhigay Maraykanka ee ah in Somaliland la siiyo aqoonsi hoosaad u dhigma midka maamulka Falastiiniyiinta.

Ambassador Sacad, oo muddo dheer degenaa dalka Maraykanka, wuxuu sheegay in aragtidaasi ka soo unkantay Madaxweynihii hore ee Somaliland Marxuum Maxamed Xaaji Ibrahim Cigaal oo markii u horaysay dawladda Maraykanka u bandhigay, waxaanu sheegay in Madaxweynihii ka dambeeyay Md. Daahir Rayaale Kaahin, uu isna sii ambo qaaday oo uu dawlada Maraykanka kala hadlay, waxaanu Dr. Sacad xusay in dawladda Maraykanku u riyaaqday qorshahaas oo uu ku tilmaamay mid keeni kara aqoonsi rasmi ah oo ay Somaliland hesho. Ambassador Sacad oo isagoo Hargeysa jooga shalay waraysi gaar ah siiyay Wargeyska Geeska Afrika, waxa kale oo uu ka hadlay aragtidiisa ku waajahan siyaasadda dibadda ee xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo, waxaanu sheegay in siyaasadii dibadda la badhxay tan iyo intii ay xukuumadda xilligani talada qabatay, isagoo xusay in dad badani tilmaamayaan in dib looga joogsaday siyaasadii Somaliland ee salka ku haysay aqoonsi raadiska. Waraysigaas oo dhammaystirani wuxuu u dhacay sidan:

Dr. Sacad, dhawaan wuxuu warsidaha Wikileaks soo bandhigay aragti uu Raysalwasaaraha Itoobiya Meles Zenawi u bandhigay Maraykanka oo ah in aqoonsi hoosaad la mid ah nooca maamulka Falastiin la siiyo Somaliland. Arrintaas oo uu mar soo hadal qaaday Madaxweynihii hore Marxuum Maxamed Ibrahim Cigaal adiguna aad xogogaal u tahay, maxaad kala socotaa sidee ayaadse u aragtaa?

Horta aad iyo aad ayaad u mahadsantahay  waanan ku farxsanahay in aan maanta halkan isugu nimid, arintan imika aad ii sheegtay ee aad i waydiisayna arin aan anigu aad iyo aad ugu war hayo weeye. Arintan maamul hoosaadka oo aan anagu ku sheegi jirnay una bixinay magaca la yidhaahdo [Interim Special Status (ISS)],  waa arin socotay ilaa iyo 1999kiii ilaa 1998-kii runtii, arin ka soo bilaabmatay fikir markaas dawladii marxuumkii madaxwayne Maxamed X. Ibrahim Cigaal uu ka ahaa madaxwaynaha ay rog rogtay  iyada oo marka laga soo bilaabo 1991-kii ilaa 1998-kii in badan  aynu dareensanayn aqoonsigii in uu inaga maqan yahay oo dunidiina ay ina fahmi wayday, ayaa waxa ay keentay arinta markii la rog’rogay in la yidhaahdo waar bal wax horta ka waabsan aqoonsi dhan haddii aynu doono oo aynu nidhaahno bal ninkii ka yara shaacayoow saaka in aad aqoonsi dhan nasiiso mid ka waabsan laakiin noo ogalaada, in aan noolaano, oo aanu dunida xidhiidh dhaqaale la yeelano, oo aan tusaale ahaan hay’adda Boosaha ee caalamka  xubin ka noqono, in aan ka noqono xubin guudka kala socota Baanka adduunka, in baankayagu uu samayn karo xidhiidh uu dunida la yeesho oo baananka adduunka iyo baankeena wada shaqayni dhex marto, In aynu soo saarno baasaboor ama Dhukumenti dadkeena aynu siino oo ay dawladaha saaxiibka inala ahi ay u ogalaadaan baasaboor ahaan inay u isticmaalaan. 

 

Markaas arintii markii la rog rogay Md. Maxamed X. Ibraahin Cigaal markii uu noogu yimid Maraykan sannadkii 1999,  ayaa arintii loo soo bandhigay dawlada Maraykanka markaa ku xigeenka wasiirka arrimaha dibadu waxa uu ahaa gabadh la odhan jiray Susan Rice, imikana ah safiirada Maraykanka Qaramada Midoobay u joogta, arintii markii la rogrogay doodii waxay noqotay, markii aanu nidhi dee meeshii xagii dhaqaalahana dhibaataa na haysata, waxay noo haysataana waa maqnaashiyaha aqoonsi-ga, xagii diblomaasiyada dhibaataa na haysata, xaggii safarka ee  ganacsigayaga iyo anaga dadkayagii ganacsiga gaarka ah lahaa ee ku najaxay inay diyaardo sameeyaan ee ku najaxay inay isgaadhsiin sameeyaan aan Afrikaba ku oolin, haddana maanta dadkii waxan waday safri kari maayaan oo basaboor la’aan ayay u safri kari la’yihiin markaas tasilaadkaas oo dhan inaad noo fududaysaan ayaan doonaynaa oo aad aad nala eegtaan. Dabadeed labaan u qaybinay oo ah xaggii dhaqaalaha iyo xagii diblomaasiyada, arintii waanu soo hordhignay oo waxaan nidhi annagu waxaanu aragna nidaamka caynkaas ah,  maanta idin waydiisan kari mayno aqoonsi dhaba ee mid ka waabsan oo aanu anagu u bixinay  ISS inaan naga aqbashaan ayaanu doonaynaa, waxba kama qabno ayay na-yidhaahdeen, kala kaxeeya dhinacii sida wakhtigan xaadirkaa xaggii dhaqaalahana dhinaciinii u mara, xaggii diblomasiyada iyo aqoonsi doonkana dhinaceedii u mara labadu way isu iman doonaan akhirka oo waxay keeni doonaan aqoonsi, waayo haddii la idin siiyo kan ad noo sheegteen waxba  duwana aqoonsiye sare ayuun baa loo qaadi doonaa darajo qudha, wax kale oo hadhay ma jiraan arintu sidaas ayay ku timid.

 

Markaa arintan aad imika  leedahay Wikileaks ayaa ka hadlay aniga maaha arin igu cusub, laakiin waxa igu cusub oo aanan ogayn Meles Zenawi oo intaas oo dhan aanu kala hadlaynay arinta oo intaaba lahaa waanu idinku waafaqsanahay inuu isagii dawladii Maraykanka Ambassador Philip Carter u bandhigay. Diblomaasign Mr. Carter, wuxuu ahaa kaaliyaha wasiirka Afrika, markaas uu Meles Zenawi la kulmayna wuxuu ahaa ninka labaad ee siyaasadda Afrika mishiinka u ah, kaaliyaha wasiirku waa nin diblomaasi ah oo dunida ayuu maraa oo khudbado ayuu akhriyaa, laakiin ragga meesha fadhiya ee siyaasadda wadaa waa Mr. Carter iyo laba nin oo ka hooseeya iyo agaasime goboleedyada. Si fiican ayaan u aqaanaa, waana nin hal adag oo waxaan bartay isagoo agaasime ku-xigeen ka ah xafiiska arrimaha bariga Afrika ee Maraykanka, ilaa maantana saaxiibtinimo ayaa naga dhaxaysa, imikana wuxuu ahaa laf dhabarta raggii meesha ka saaray Madaxweynihii Ivor Coast Mr. Lauren Bagbo.

Markaa waa dhab ayaan arintaas u malaynayaa ee waxaan bogaadin cad ku siinayaa Raysalwasaare Meles Zenawi, maxaa yeelay aad iyo aad ayaan ugu farxay markaan midhkaa arkay oo raggii ka shaqaynayay aan ka mid ahaa oo aan anigu ceelka guntiisa ugu jiray, haddii uu ku yidhi ninkaas oo Somaliland arinteeda aad u jeclaa in loo horumariyo horta waa mid wanaagsan. Arintu mid sidaas ku dhammaaty maaha ilaa maalintii ugu danbaysay ee maamulka xisbiga uu hayay ee Madaxwayne Daahir Riyaale Kaahin waftigii ugu danbeeyay ee tagay 2010 Maraykanka, doorashooyinka hortiisii ee sadexda goleba ka socday  Guurtida,Wakiilada iyo Xukumaadaba arintaas arrin aanu si gaara haddana uga hadalnay bay hayd.

Waxa kale oo an ka hadalnay waxaan la yidhaahdo hab maamuuska Jabuuti ee bulshada dunidu ay had iyo jeer ku xukunto wixii la odhan jiray Somaliya ee leh Somaliya mid nimadeeda hala ilaaliyo. ee una arka Somaliland inay wali Somaliyadaa kamid tahay oo ay xayndaabkaa ku jirto aad baan uga hadalnay oo waxaan nidhi, gar-soor maaha  ee waa in nala gar-sooraa bal horta hab maamuuskii markii ugu horaysay dib haloo furo oo waxii Somalilnd khuseeya halaga wada hadlo, si uu noogu saamaxo tan aan kuu sheegayo ee ISS-tan iyo wixii kale ee lamida.Markaas arintaas sidaas ayay ku timid waa warin in badan socotay haddii uu kala hadlayna ( Meles ) waa mid aanan anigu la yaabayn.   

Sacad xukumaada cusub ee madaxwayne  Axmed Siilaanyo siyaasadeeda arimaha dibada way ka duwantahay tii xukumaadii hore, inkasta oo ay markii horaba sheegeen inay badalayaan, hadana  dad badan waxay filayeen in badalkaas uu noqonayo mid tii hore ka wanaagsan, lakiin dad baa arka in badalkii noqday in maamulo la hoos fadhiisto, ka diblamaasi ahaan sideebaad u aragtaa siyaasada dibada ee xukumaada madaxweyne  Axmed Siilanyo?

Horta waxaan kuu sheegayaa umad walba siyaasadeeda dibadu waxay ka turjuntaa danaheeda lagama maar-maar maanka ah, taas oo nabagalyadeeda, badbaadadeeda iyo horumarkeeda ku salaysan, teenuna kama duwana taas.

Markaa siyaasadaa dibada dee ninkii mindida daabka haya ayuun baa haga siduu doonaya ee fikirkiisu yahayna sawirkeeda u yeela ama midabkeeda u yeela, siyaasada dibada ee Somaliland si ay isu bedeli  kartaa ma jirto, waa siyaasad intaas aan kuu sheegay ku salaysan oo waliba uu u dul socdo aqoonsi doon, ninka  yidhaahda waan badalayaa su’aal ayaa la waydiinayaa dhinacee baad ka bedalaysaa ma aqoonsi doonkii ayaad ka joogaysaa, haa ama maya, ma badbaadadii ayaad ka joogaysaa haa ama maya, sidaasad u raacaysaa.

Markaa waxa weeyaan uun eegmada la eegayo siyaasadu dibadu waa inay ku salaysnaataa waxyaabaha  xaqaa’iqa ah ee miidaanka yaala. Waxaad moodaa nasiib daro ilaa maalintii maamulkani yimid in siyaasadii dibada la badhxay, oo siday ahayd, hadda waa siday u muuqato waa laga yaabaa ragga gacanta ku hayaa in aanay sidaas u arag, ma aanu qaladkoodu taa ahayn, lakiin dad weynahii xataa wuu arkoo waxay arkaan siyaasad markay aqoonsi doonkii timaado aad moodo in dib looga joogsaday, oo aad moodo tii aan iska ilaalin jirnay ee aan uga dhigi jirnay sumada gooni isu taageena oo ahayd in aynaan is dhex galin ama aynaan ku milmin Somalweyn, waxaad moodaa in aan tii la siinin ahmiyadii ay wadatay.

Shirkii London ee la tagay ee ay joogeen maamul gobaleedadu, shirar kale oo Kiiniya lagu tagay oo aad iyo aad hadal badani uga yimid, shirkan imika uu wasiirku ku tagay New York oo kaa qudhiisa dad hadal badan ka sheegaan,  anigu mana joogo warna uma hayo, lakiin dadku wixii u muuqda iyo hindaamka sare ayuu wax ku xukumaa iyo qofka socodkiisu siduu yahay. Yeelko;  xaqiiqda iyo beentu way kala baxi, tuhunka iyo run-tuna way kala bixi, laakiin waxaad moodaa guud ahaan anigoo aan doonayn in aan tafasiil galo, in uu isbedel ku dhacay oo fikir  kale oo ah dib u noqosho ama u eeg oo markaad eegto dib u noqosho uun kuula eekaanaya inay dawladani la timid.

Taasina waa mid aad iyo aad dadkii walaac u galisay, dadkuna maaha in walaac la galiyo waliba markay gooni isku taga timaado.

Xukumaadii Daahir Riyaale ee aad safiirka u ahayd inkastoo xukumadaadii ka xoraysayba aad u hayd, ma isleedahay haddii shan sano oo dambe xukunka aad sii hayn lahaydeen waxbaad keeni lahaydeen, markay timaado dhanka aqoonsiga?

Waxaan ku leeyahay runtii anigoon faanaynin ciddi kuma dhaaran karto waxaanad gacanta ku haynin, sidii arintu u socotay waxaan isleeyahay imika sannadkii labaad soow maaha intii isbedelku dhacay,  waxaan is leeyahay ugu yaraan arintaas wax baad ka gaadhi lahaydeen oo aan guul ka keeni lahayn waliba taas ISS-ta.

Haddii aynu xisbiga UDUB u soo noqono, imika mudaad Hargeysa joogtay waxaana la aaminsanyahay inaad arrinta xisbiga uun u joogtay dalka, rag badana damac ayaa ka haya madaxtinimada xisbiga, adigana waxa la leeyahay hunguri siyaasadeed oo ilaa Madaxweyne gaadhsiisan ayaa ku haya. Bal arrintaas maxaa ka jira.?

Horta erayga hunguri la yidhaahdo ma jecli anigu oo damacbaa ku jira oo waxaad moodaa qof wax boobaya, arinta UDUB  iyo dib u yagleel kiisa mid muhiima weeyaan, taasina waxay muhiim u tahay runtii jiritaanka iyo siyaasada dalka ayay muhiim u tahay,  oo xisbigii ugu waynaa asxaabta oo miidankii maanta ka maqan isaga oo waliba mucaarad ah, runtii arimahan aan ka hadlayno iyo dhaliilka aynu sheegayno ee dadwaynuhu dhaliilay siyaasada dibadda, runtii asbaabaha keenay weeyaan waayo hadday joogaan dee dhaliilkan iyo waxan iyaguna door ayay ka ciyaari lahaayeen.

Markaas xisbigii waa la yagleelayaa xisbiguna waa xisbi ay bahwayn leedahay, waa xisbiga qudha ee aan anigu isleeyahay dadka dalka oo dhan ka Boorama  ilaa Badhan ayuu matalaa. Markaas waa la yagleelayaa waanan ka shaqaynaynaa waanan abaabuli doonaa. Maalinta yagleeshaasi dhammaato  ee uu soo fadhiisto golahiisii dhexe ee la yidhaahdo yaa doonaya inay u cararaan xafiis ama damac leh maalintaa ayaan eegi doonaa xaalku siduu yahay.

Madaxweynaha, aqoon fiican ayaad isu leedihiin, intan aad Hargeysa joogtay mala kulantay si aad ugu sheegto dhaliilahan ka soo baxay siyaasadii dibadda?

Maya, runtii lamaan kulmin, waxase jirtay fikrad ah in aanu kulano, laakiin wakhtigii ayaa isdhaafay dabadeeto  ilaa hadda maanaan kulmin.

Adigoo muddo ka maqan ayaad Hargeysa timid, sidee ayay kuula muuqataa, maxaase kaa yaaiyay oo aad ku aragtay?  

Runtii magaaladu way waynaatay, magaaladu way waynaatay oo waa ay faaftay, lakiin faafidu anigu sidaan u arko magaalo ma dhisto kaligeed, waxa weeye fiilo laga dhisay meel uu doox hormarayo oo aad moodo dhudhubi inay ka hor dilaacday biyana aan lahayn, laydh la odhan karo si isdaba jooga ayuu u joogana aanu jirin dhibaato weeyaan, yeelkadeed, magaaladii magaalo wayn ayay noqotay dibadiina waa laynooga yimid, ajaanibna wa iska soo buuxiyay oo dadkii jaarkeena ahaa ayaa iska soo buuxiyay. Wax iga yaabiyay runtii ma jiraan, waxyaalo aad arkayso oo ah wadooyinkii oo aad iyo aad u sii xumaaday oo aan runtii cidi dayac tirin, waliba kuwii badhtanka ahaa ee magaalada ee la marayay oo tiradoodu yartahay, haddana burburay oo aan laga shaqaynayanin, baabuurtii oo ka badatay wadooyinkii oo xad dhaafay.

Waxyabaha aan layaabo anigoo kale oo dibada ka yimid wax weeye tarafikada iyo dadku siday baabuurada u wadaan, markaad aragto babuur halkaas maraaya sida uu u soconayo iyo siduu taraafigu ugu dhex jiro waxa uu tusaale u yahay qofka wada fikirkiisa iyo inta ay gaadhsiisantahay reer magaalnimadiisu, ma badna taasi, xataa Sanca gaadhi waan ku kaxeeyay oo Riyaad waan ku kaxeeyay  maan arag tan oo kale anigu.

Comments are closed.