Xukuumadu Ma Hanan Kartaa Dhaqaalaha Beesha Caalamku U Soo Leexisay Dhinaca Somaliland?

12
867

Picture2Sanad iyo badh mudo laga joogo beesha caalamku waxay isku taxaluujisay in somaliya laga dhiso dawlad shaqaysa oo bedesha Dawladihii ku meel gaadhka ahaa.

waxa lagu boobay aqoonis caalami ah, waxa loo qaadhaamay lacago gaadhaya ilaa hal bilyan iyo badh oo Dollar si ay cagaha isuku taagto .

taageerada siyaasadeed iyo ta dhaqaale ee beesha calamku u fidisay dawlada federal-ka waxa kale oo ka mid ahaa in la wiiqo madax-banaanida JSL oo loo arkayay inay caqabad ku tahay geedi socodka nabadaynta iyo xasilinta somaliya.

waxa cadaadis la saaray dawlado, shirkado ganacsi iyo Hay’ado Caalami ah oo Somaliland la macaamili jiray, waxa la amray in la soo xidho xafiisyadii Un-ta ee Somaliland ka hawl gala iyo inay u soo guuraan Muqdisho, waxa la faafiyay warar borobagaandhe ah oo sheegaya in dadka reer Somaliland fursado shaqo ka heli doonaan safaaradaha iyo Hay’adaha caalamiga ah ee laga soo rarayo Nairobi iyo Hargeysa iyo waliba inay fursado ganacsi ku jiraan mashariicda waawayn ee dib u dhiska Xamar.

sir maqabe Allow u sahal.

hadaba maxaa ka danbeeyay?  Xaaladihii amniga oo aanay waxba iska bedilin ka sakow kooxda daba galka hubka ee Eritrea & Somaliya iyo Hay’ada la yidhahdo Internatinonal Transparency  waxay soo bandhigeen warbixino iyo xogo ifitiiminaya in deeqihii ugu horeyay ee soo gaadhay laga leexiyay khasnada dawlada oo ay ku dhacday jeebabka madaxda ugu saraysa ee dawlada federal-ka.

sidaa daradeed beesha caalamku waxay isku raacday in aan dawlada soomaliya lagu aamin Karin in loo dhiibo wax lacago ah haba yaratee.

si kastaba ha ahaatee markii lagu hungoobay somaliya waxa dib looga joogsaday dagaalkii iyo cunaqabatayntii lagu hayay Somaliland isla markaana waxa loo soo leexiyay qayb ka mid ah dhaqaalihii loogu talo galay soomaliya  iyo qaybtii horeba loogu qoondeeyay ee loo bixiyay Somaliland Special Arrangement .

hadaba aynu is waydiino Su’aashan:- Xukuumada madaxweyne Siilanyo si hufan ma u hanan kartaa lacagta malayuunta dolar ah ee loo soo lexiyay dhinaca somalilnd?

Jawaabtu waxay u dhawadahay MAYA, haddii aan si wayn wax looga badalin siyaasada dhaqalaha iyo nidaamka hada lagu maamulo Maaliyada dawlada, marka horebana waxaba layna siin maayo hadii ay xukuumadu buuxin kari waydo shuruudaha looga baahan yahay oo ay ugu horayso la dagalanka musuq-maasuqa iyo dhamaystirka xeerarka maamulka maliyada dawlada (Public Financial Management).

ilaa hada Xukuumada Kulmiye xil iskama ay saarin xakamaynta musuq-maasuqa balse waxad moodaa inay dhiiri gelinayso maxaa yeelay waxay laciifisay ama awoodohoodii laga qaday Hay’adihii u xilsarnaa ilaalinta Hantida ummada sida Gudida Qandarsyada Qaranka oo wasiiradu iskala baal maraan iibsiga qalabka iyo dhismaha xafiisyada, Shaqadoodii inta badan waxaba kala  wareegatay Madaxtooyada oo Qandaraasyada si toos ah u bixisa iyaga oo ku naasnuujinaya Dad gaar ah iyagoo aan tartan u gelin.

Hanti dhawaraha guud ma hawl galo hadii aanu amar ka helin madaxda sarsare hadiiba uu hawl galena waxa soo faro gelisa xukuumada sidii marar badan loo soo joogay, marnaba looma ogolaado inuu shaqadiisa si madaxbanaan u u guto.

Xafiiska Xisaabiyaha Guud oo ka mid ah meelaha lagala dagalamo musuq-maasuqa waxa laga dhigay waax ka mid ah waaxyaha wasarada maaliyada, awood uma laha inuu is hortaago lacagaha sida sharci daradaha loogala baxo qasnada, kuwo hore oo isku dayay waxa lagu qaaday far iyo suul, waxa la xidhay mashruucii la odhan jiray (Fiscal Policy and Reform Management Unit) ee Baanka Aduunku taageeri jiray; ujeedadu waxay ahayd in xafiisku dejiyo xeerarka lagu maamulo maaliyada Dawlada oo casri ah iyo inuu u gogol xaadho dib u habayn lagu sameeyo wasarada maaliyada iyo wasaradaha kale ee dakhliga soo saara.

Iyaga lama garanayo Madaxweyne siilanyo waxa uu uga jeeday magacabida Gudida La Dagalanka musuq maasuqa.

Bal u fiirso sheekadan: Dawladaha Denmark iyo Ingiriisku waxay xukuumada Somaliland ugu yabooheen in ay $55 milayan ku kabi doonaan Miisaniyadihii 2012, 2013, 2014 si loogu fuliyo mashariicda horumarinta dalka hase yeeshee wali waxay ka warwareegayaan inay bixiyaan markastana waxay ku af gobaadsadaan inay sanadka soo socda ku darayaan.

Akhriste maxaad u malaynaysaa maxay uga cago jiidayaan? Shaki kuma jiro  inay wax saluugayaan ama aanay ku qanacsanayn sida ay xukuumadu u maamusho miisaniyada dalka.

Mudane Madaxweyne Somaliland waxay ku jirtaa Tijaabo, kubaduna xagaaga ayay jirtaa.

hadaba si ayanu ugu badbaadno in laynagu daro liiska madaw iyo numberka kowaad ee musuq maasuqa sida soomaliya, maxaa talo ah:

Madaxweyne Axmed Siilaanyo inuu muujiyo sida uu u ugu heelan yahay (Committed) la dagalanka musuq-maasuqa iyo Maamul wanaaga

in la xoojiyo Hay’adaha ku shaqada leh ilaalinta xoolaha umada aqoon ahaan iyo Shuruuc ahaanaba

in dib u habayn balaadhan lagu sameeyo (Reform) Nidaamka xisaabaadka Dawlada iyo in la dardar geliyo hawlihii baanka Dhexe

in dib loo codsado taageeradii iyo Tababaradii Baanka Aduunka ee laga Faa’iidaysan garan waayay

abdirahmanadami@yahoo.com

 

Comments are closed.