Sababta Keenta In Qofku Jiriqsado (Ilkaha Isku Xoqo), Sida Loo Daweyn Karo iyo Talada Ugu Fiican Ee Dhakhtarka

0
1070

Hargeysa (Geeska)- Jiriqsigu waa ilkaha oo la isku dhejiyo sixoog ah ama la isku xoqo si aan ku talogal ahay, waxa aanay inta badan dhacdaa marka uu qofku hurdo, laakiin dadka qaar ayaa uu xaalkoodu sii xun yahay oo xitaa maalintii ama habeenkii iyaga oo soo jeeda haddana jiriqsada. Dr. Firas  Al-Nabulsi oo ku takhasusay qurxinta ilkaha ayaa isaga oo faahfaahinaya sababta keenta in qofku ilkaha isku xoqo ayaa sheegay in sababtu noqon karto xanuun jidheed oo guud sida caabuq dhinaca dheefshiidka ka jira iyo xummad, sidoo kale waxaa xaaladan oo kale lagu arkaa dadka sigaarka nuuga ama alkoosha cabba. Waxaa iyaguna jira sababo dhinaca nafsaddaah oo keeni kara xaaladdan, waxa aana ka mid ah, isku buuqa, sakatiga, qulubka iyo diiqadda, waxakale oo keena xaalado afka la xidhiidha oo ay ugu weyn tahay isku daboolanka labada daan oo aan si sax ah isugu daboolmayn ama ilkuhu is weydaaranayaan kadibna daanku hadba dhan u dhaqaaqayo si uu u buuxiyo kaalinta bannaan.

Dr. Nabulsi oo la hadlay barnaamijka ‘Subax wanaagsan Carabeey’ ee talefishanka MBC oo arrintan faahfaahinaya ayaa waxaa hadalladiisa ka mid ahaa, “Calaamadaha jiriqsiga waxaa laga yaabaa in qofku aanu isku ogaan, laakiin marka uu subaxdii soo kaco uu isku arko, madax xanuun, raqabadda oo xanuunaysa iyo daal muruqyada daanka ah”

Waxa uu Dr. Nablusi shegay in dhakhtarka ilkuhu haddii uu qofka jiriqsada ilihiisa eego uu dareemi karo raadka ay isku xoqiddii ilkaha ku samaysay, kuwaas oo gaadhsiisnaan kara illaa heer ilkuhu burburaan ama qaarkood jabaan, sidoo kalana ilkaha oo si guud qofka  u wada xanuunkaa ay ka mid tahay.

Dr. Nablusi oo dhibaatadan daweynteeda ka hadlaya ayaa ku taliyey in marka koowaadbasi guud oo loo daweeyo afka oo loola tegayo dhakhtar, waxa  kale oo uu ku taliyey in qofka jiriqsadaa uu iska ilaaliyo cabbitaannada Caffeine tha leh, Shaglaydhka, sharaabka soodhaha leh, iyo in uu sideedaba calaashado ama afka gelgeliyo wax aan cunto ahayn, sida ciddiyaha, qalinka iyo xanjada.

Qofka  xaaladdan ilko isku xoqidda isku arka isaga oo soo jeeda waxa uu Dr. Nablusi kula taliyey in uu is baro in uu carrabkiisa ilkaha ku dhex  ballaadhiyo si uu u kala dhex galo oo aanay ugu suurtogelin in ay is taabtaan ilkaha sare iyo kuwa hoose, kadibna muddo saddex daqiiqo ah si qoto dheer u neefsadaa, waxa kale oo waajib ah in qofkani uu habeenkii iska ilaaliyo ka fikirkaarrimaha sakatiga iyo warwarka ku keenaya oo ugu yaraan 54 daqiiqo ka hor hurdada uu maskaxdiisa ka ilaaliyo.

Waxa aana dhici karta in xaaladaha qaar dhakhtarku ku  qasbanaado in uu qofka afka u geliyo rabadh loogu talogalay afka oo ilkaha kala ilaaliya.