Sababta Ay Hurdo Yaraantu U Sababto Buurnimada

50
3080

London (Geeska)- Hurdo yaraantu waxa ay sababtaa in jidhku uu kordhiyo soo saarista hormoonka ‘Ghrelin’ oo sida oo lagu lagu magacaabo hormoonka gaajada, waxa aanu hoos u dhigaa soo saarista hormoonka tamarta kordhiya ee ‘Leptin’ oo sida oo kale lagu magacaabo hormoonka dheregga.

Warbixin ay qortay majaladda ‘Woman’ ee ka soo baxda dalka Usteri, ayaa ka digtay in hurdo yaraantu ay jidka u xaadho buurni, sababta koowaadna ay tahay saamaynta taban ee ay hurdo yaraantu ku leedahay shaqada dheefsiga oo ah habka uu jidhku uga faa’iidaysto cuntada.

Majaladdan oo ka faalloota arrimaha caafimaadka iyo quruxda jidhku waxa ay warbixinteeda ku sheegtay in hurdo yaraantu ay kordhiso xaddiga hormoonka gaajada ee uu jidhku soo saarayo, isla markaana aad u dhinto hormoonka dheregga ee uu soo saaray. Arrintani waxa ay si cilmi ah u fasiraysaa sababta keenta in dadka hurdada yari ay ka gaajo badan yihiin kuwa la midka ah ee waqti ku filan seexda, waana sababta dadka hurdada yar ay ugu adkaato in ay miisaanka dhimaan.

Si looga dheeraado khatarahaas, warbixinta lagu qoray majaladda ‘Woman’ waxa ay ku talinaysaa in qofku uu habeenkii seexdo hurdo ku filan, oo ay ugu fiican tahay in ay noqoto, siddeed saacadood, isaga oo weliba samaynaya wax kasta oo u suurtagelinaya in hurdadaasi ay noqoto mid qotodheer oo xidhiidh ah, aanay hawlo kale hadba qofka toosin.

Waxa ay warbixintu sheegtay in qofku marka uu sidaa yeelo ay aad ugu dhowdahay in hurdadiisu ay raad togan ku yeelato shaqada dheefsiga cuntada, taasina waxa ay sabab u noqonaysaa in aanu miisaankiisu aad u kordhin.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here