Sababaha Keena In Neefsigu Uu Qofka Cidhiidhi Ku Noqdo, Iyo Habka Ugu Habboon Ee Loo Daweyn Karo (3)

0
1154

Hargeysa (Geeska)- Waa qormadii saddexaad uguna dambaysay taxanihii uu wargeyska Geeska Afrika akhristayaashiisa kula wadaagayey xaaladaha caafimaad ee keena cidhiidhiga ku dhaca neefsiga qofka iyo siyaabaha loo daweyn karo:

Dhibaato dhinaca neerfayaasha ah:

Cadaadiska maskaxda oo kordha ayaa ka mid ah xaaladaha qofka ku keena in uu neefta qawado waxaa kale oo iyaguna ka mid ah, burooyin kansar ah oo maskaxda ku abuurma, dhiigga oo maskaxda ka xidhma, ama dhiig furan ku dhaca xididdada maskaxda oo si gaar ah u saameeya qaybta maskaxda u qaabilsan nidaaminta neefsiga.

Inta badan waxaa jira calaamado astaan u ah in neefsigu uu qofka cidhiidhi ku yahay, kuwaas oo sameeyaa neerfayaasha kale, la dareemana inta aan neefta la qawadinba ka hor. Warwar ayaa isna mararka qaarkood la socda qawadka neefsiga, waxa kale oo qofka lagu arkaa xawaaraha neefqaadashada iyo celinta ee uu samaynayo oo aad u kordha, neef tuurka waxa aynu u naqaanno.

Baadhitaanka cidhiidhiga neefsiga:

Dhakhtarku waxa uu qawadka neefta ku garan karaa isaga oo marka uu calaamadaha kor ku xusan ku arko ama qofku ka cawdo ku sameeya shaybaadh dhamaystiran, tusaale ahaan waa in uu u diro sawirka X-Ray-ga oo laabta ah, haddii uu dareemo calaamado wadne xanuun iyadana waa in uu shaybaadh ku sameeyo wadnaha, gaar ahaan wareegga dhiigga iyo sida uu wadnaha ku soo gaadhayayaa in ay dabiici tahay iyo in kale, waa in uu qiyaaso xawaaraha neef qaadashada iyo soo celinta neefta ee sambabada iyo shaybaadho la mid ah.

Talooyin dheeraad ah oo lagula tacaali karo cidhiidhiga neefsiga:

– Jooji sigaar nuugista: Sigaar cabbista oo la joojiyaa waxa ay yaraysaa khatarta ah in qofka uu ku dhaco cudurka kansarku.

– Iska jir wax yaabaha xasaasiyadda kiciya, boodhka iyo in ay neefta kuu raacaan maaddooyin suni ku jirto. Haddii sababta cidhiidhiga neefsiga keenaysaa ay tahay xiiq, nafis badan ayaa aad dareemi doontaa, haddii aad ka dheeraato arrimahan iyo wax kasta oo xasaasiyad kicin doona.

– Iska jir miisaanka badan kuna dadaal in aad si joogto ah jimicsi u samayso. Marka laga hadlayo miisaanka iyo jimicsiga waxaa muhiim ah in aad ka taxaddarto khatarta ka dhalan karta nidaamka aad u marayso miisaan dhimista, inta aanad bilaabin dadaalkaaga miisaan dhimista iyo jimicsiga waxaa muhiim ah in aad dhakhtar kala tashato habka ugu fiican ee ay tahay in aad marto iyada oo loo eegayo xaaladdaada kale ee caafimaad.

– Haddii aad wadne xanuun leedahay waxaa muhiim ah in aad si joogto ah u isticmaasho dawada laguu qoray, in aad ka dheeraato milixda, iyo in aad maalin kasta is miisaanto si aad ula socoto heerka dareeraha jidhkaaga gudihiisa ku jiraa in uu kordho iyo in kale. Dhammaad