Guddiga Doorashooyinka Oo Madaxweyne Siilaanyo U Gudbiyay Qoraal Ay Kaga Dalbadeen Inuu Digreeto Ku Muddeeyo Bilowga Diiwaangelinta Oo Ay Wakhti U Cayimeen

0
707

xamHargeysa(Geeska)-Guddiga doorashooyinka qaranka ayaa shalay Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Siilaanyo u gudbiyay dalab ay kaga codsadeen inuu digreeto ku soo saaro wakhtiga ay bilaabmayso diiwaangelinta cod bixiyayaashu, ka dib markii ay taariikh u cayimeen wakhtiga ay bilaabmayso.

Ma jiro war rasmi ah oo lagu xaqiijiyay dhambaalka ay guddiga doorashadu Madaxweyne Siilaanyo u direen, laakiin ilo xogogaala ayaa Geeska Afrika u sheegay in guddiga doorashadu go’aamiyeen inay diiwaangelinta cod bixiyayaashu bilaabanto 21-ka bisha Jullaay ee sannadkan islamarkaana ay dhammaato 21-ka bisha Oktoobar ee isla sannadkan, waxaanay diiwaangelintu soconaysaa afar bilood.

Waxaanay guddigu Madaxweynaha Somaliland ka dalbadeen inuu digreeto ku cayimo wakhtiga ay diiwaangelintu bilaabmayso ee ay cayimeen, waxaana la filayaa in Madaxweyne Siilaanyo uu laba toddobaad gudahood ku soo saaro xaqiijinta bilowga diiwaangelinta cod bixiyayaasha.

Wakhtigan cusub ee ay guddiga doorashadu u cayimeen diiwaangelinta cod bixiyayaasha ayaa waxa ay tusaale cad u tahay in dib u dhac rasmi ahi ku yimid doorashooyinkii Somaliland oo ay ahayd inay qabsoomaan 26 June 2015, waxaana la filayaa in guddiga doorashadu dhawaan sidoo kale ay Madaxweyne Siilaanyo u gudbiyaan wakhtiga ay ku qaban karaan doorashooyinka madaxtooyada iyo Baarlamaanka.