Sababaha Keena Baraha Madow Ee Maqaarka Ku Samaysma Iyo Guud Ahaan Dhibaatooyinka Caafimaad (1)

0
546

Baraha madow iyo coodhcoodhka maqaarka sababtoodu ma’aha gabowga oo keliyi, balse waxaa jira sababo kale oo qofka ku keeni kara xitaa isaga oo aan gaadhin da’dii gabowga.  Waxaa ka mid ah fallaadhaha qorraxda oo in badan maqaarka ku dhaca, fin doobka oo qofka ku xumaada ama aan si habboon loo daweyn, dhibaato dhinaca hormoonnada ah, xanuunnada maqaarka ku dhaca, iyo faytamiinnada qaar oo jidhka ku yar. Sida oo kalana waxaa keena adeegsiga kiriimada iyo walxaha kale ee la isku qurxiyo ama dawooyinka qaarkood.

Warbixin ay shabakadda Aljazeera ka soo xigatay Shabakadda arrimaha caafimaadka ka faalloota ee FBR oo laga leeyahay dalka Ruushka ayaa Olga Simchenko waxa ay tirinaysaa sababaha ugu badan ee keena baraha madow ee wejiga lagu arko:

Kiriimada is qurxinta ee qaldan

Cilmibaadhisaha qaarkood ayaa lagu ogaaday in qaar ka mid ah kiriimada iyo walxaha kale ee la isku qurxiyaa ay dhibaato caafimaad gaadhsiiyaan maqaarka. Waxaana ugu badan in ay gubasho ama dahaadh madow aan dhayal ku go’ayn ah saaraan maqaarka. Sida oo kale waxa ay maqaarka ku keenaan xasaasiyad midab guurisa.

Haddaba xeeldheereyaasha caafimaadka maqaarku waxa ay ku talinayaan in qof kastaa uu la tashado dhakhatar takhasuskiisu maqaar yahay si uu u baadho maaddooyinka is qurxinta ah ee ay tahay in uu isticmaalo iyo kuwa isaga khatar ku keeni kara, kaddibna halkaas uga qiyaas qaato kiriimada iyo waxyaabaha is qurxinta ee uu iibsanayo.

Findoobka oo la tuujiyo ama habab kale looga takhaluso iyada oo aan dhakhtar lagala tashan

Sida ay daraasaadka qaarkood tilmaamayaan waxaa jira cuntooyinka qaar kordhiya soo bixitaanka findoobka. Haddaba dhibaatada inta badan ay dadku sameeyaan ayaa ah in ay finka tuujiyaan, gaar ahaan marka uu wejiga ka soo baxo, ama in uu isticmaalo dawo-guri aanu waxtarkeeda kala tashan dhakhtarka.

Waxa ay khubarada caafimaadka maqaarku sheegayaan marka finka cadaadis faraha ah lagu burburiyo inuu aagga ku dhow oo dhan ku keeno gubasho maqaarka ah, sidaas awgeed uu ka tago raadad madow oo maqaarka laga arko.

Khubarada caafimaadka maqaarku waxa ay ku talinayaan in aanu qofku gacantiisa ku burburin findoobka, ama aanu sida dadka qaar isticmaalin macjuunka ilkaha oo uu finka mariyo, maadaama oo haddii uu finku sidan ku burburo uu keenayo raadad aan maqaarka ka guurin.

Cabbista Khamriga

Cabbista khamriga iyo guud ahaan maandooriyuhu waxa ay sababtaa engag ku dhaca maqaarka, waxa kale oo ay ay dishaa curiyeyaasha nafaqo ee jidhka. Sida oo kale isrticmaalka maandooriyuhu waxa ay maqaarka ka dhigtaa mid leh qaab dallan oo aan awood badan lahayn, cilmibaadhisaha lagu sameeyeyna waxa ay muujinayaan in ay sababi karaan xididdada dhiigga oo ku ballaadha oogada maqaarka.

Sidaas awgeed dadka isticmaalka maandooriyaha uu khamrigu ka mid yahay waxaa lagu arkaa baro casaan ah oo hadba meel jidhkiisa ka mid ah ka soo baxa muddo kaddibna qarsoomaha. Barahaasi waxa ay si cad uga muuqdaan wejiga iyo labada dhaban oo muddo kaddib ay ku negaadaan, waxa aanay balqiyaan xididdada tiftifeed ee dhiigga.

Fallaadhaha qorraxda

Dad badan ayaa fikir qaldan ka aaminsan kiriimada laga marsado dhibaatada fallaadhaha qorraxdal laakiin waxa ay khubaradu sheegayaan kiriimada fallaadhaha qorraxda ka ilaaliya maqaarku in ay u fiican yihiin maqaarka oo ay tahay in qofku uu joogto u isticmaalaan. Cilmibaadhisaha lagu sameeyey arrintan ayaa daahfuraya in suurtagalnimada in fallaadhaha qorraxdu ay sababi karaan kansarka noociisa ku dhaca maqaarka ee loo yaqaanno ‘Melanoma’.

Waxa ay khubaradu sheegeen in kiriimka maqaarka ka ilaaliya fallaadhaha qorraxdu aanu jidhka ku keeni wax dhibaato caafimaad darro ah. Saacadaha ay fallaadhaha qorraxdu ugu sii dhibaato badan yihiin ee ay xeeldheereyaashu ku talinayaan in maqaarka lagaga daboolo kiriimka waa inta u dhexeysa 10 ka subaxnimo illaa 4 galabnimo.

Iska jir wasakhda hawada

Daraasaadka lagu sameeyey caafimaadka maqaarka ayaa qaarkood lagu ogaaday in dikhowga hawadu uu raad taban ku leeyahay caafimaadka maqaarka, taasina ay keento calaamadaha gabowga oo goor horeba ka soo muuqda maqaarka, iyo sida oo kale xanuunno iyo boogo ku yimaadda maqaarka.

Xeeldheereyaashu waxad ay sheegeen in coodhcoodhka oo qofka ku soo degdega iyada oo ay baro madow oo maqaarka ku samaysmayaanna ku lammaan yihiin in sababtu ay tahay wasakhowga hawada, qiiqa sigaarka ama fallaadhaha qorraxda. Sidaas awgeed waxa ay khubarada caafimaadka maqaarku ku talinayaan in laga fogaado meelaha sigaarka lagu cabbayo, iyo in qofku uu afka xidho marka uu ka shaqaynayo meelaha uu qiiqa warshadaha iyo baabuurtu ku badan yahay.

Sigaar nuugista

Sigaarku sida uu u dilo sambabada khatartana ugu yahay caafimaadka wadnaha iyo xubnaha kale ee uur ku jirta ayaa uu khatar ugu yahay maqaarka qofka nuugaya iyo cidda ka agdhow labadaba. Qiiqiisa ayaa maqaarka ku keena gabow iyo caafimaad darro sababi karta madow, sababtuna waa qiiqa oo jidhka ku dhiirrigeliya in uu yareeyo soo saarista maadadda Collagen ee muhiimadka ah.

Sigaar nuugistu isbedello bnadan oo caafimaad darro ayaa ay maqaarka ku keentaa, waxaa ka mid ah in ay lumiso dhalaalka dabiiciga ah, in ay nuglayso iyo in ay engajiso, sbaana u noqoto in baro midab casaana leh ama madow ahi wejiga ka soo baxaan. Maadadda Necotine ee ku jirta sigaarka ayaa iyaduna sababta in ay cihdiidhi noqdaan xididdada dhiigga ee mara maqaarka qaybtiisa sare, taas oo sababta in dhiiggu uu ka xidhmo. La soco…