Madaxweynaha Somaliland Oo Dalacsiiyey 85 Sarkaal Oo Ciidammada Millateriga Ka Mid Ah

0
450

Hargeysa (Geeska) – Madaxweynaha Somaliland Md. Muuse Biixi Cabdi ayaa dallacsiiyey 85 Sarkaal oo ka mid ah Ciidammada Milletariga.

Saraakiishiishan oo uu Derajooyinkooda ku taxay Taliyaha Guud ee Ciidammada Qaranka Somaliland Nuux Ismaaciil Taani ayaa tiradoodu dhan tahay 85 xubnood.

Saraakiishan oo ka kala tirsan Qaybaha kala duwan ee Ciidammada, sida War-doonka, Caafimaadka iyo Farsamada iyo qaybaha kale ee Waaxaha Ciidammada Qaranka Somaliland ayaa Dalacsiintoodu u dhaxaysaa Xidigle iyo Gaashaanle dhexe.

Ciidammada la dalacsiiyey oo derajooyinkooda hore kala sarreeyeen ayaa hadda waxa dalacsiintoodu u dhaxaysaa Xidigle noqday Kabtan,  kaftan noqday gaashaanle iyo Gaashaanle noqday Gaashaanle dhexe.

Maaha markii koowaad ee Madaxweynuhu uu dalacsiiyo Saraakiisha Ciidammada kala duwan ee Qaranka Somaliland.

Geeska.net/Hargeisa Office