Sababaha Calool Ololka Keena Iyo Talooyin Dahabi Ah Oo Caawinaya Qofka Calool Ololku Ku Badan Yahay

0
2386

Berlin (Geeska)- Calool ololku waxa uu ka mid yahay dhibaatooyinka caafimaad ee dunida maanta aad caanka uga ah, waxa aanay marar badan dadku is weydiiyaan sababaha keenay iyo siyaabaha ay uga hortegi karaan? Qormadan oo aynu ka soo xigannay shabakadda Aljazeera, ayaa Theresa Stahlchaid oo ku xeeldheer cilmiga nafaqadu ay ku sheegaysaa in calool ololka darani uu inta badan ku yimaaddo asiidhka caloosha ee dheefshiidka oo dib ugu soo noqda hunguriga, kaas oo guba dhuunta iyo laabta.

Theresa Stahlchaid waxa ay sheegay sababaha ugu badan ee keena xaaladdani ay yihiin:

  1. Cuntada duxdu ku badan tahay oo la badsado.
  2. Cuntada oo goor dambe oo habeenkii ah la cuno.
  3. Cabbitaananda asiidhka leh, iyo cabbitaannada ka samaysan liin dhanaanta iyo cinabka.
  4. Isku buuqa, iyo xaaladaha nafsiga ah ee ay ka mid yihiin walaac badan iyo qulubku.

Khabiirku waxa ay sheegtay in ay arrin caadiya tahay in qofku uu marar kala duwan calool olol isku arko, laakiin haddii ay xaaladdaasi soo noqnoqoto oo tusaale ahaan toddobaadka gudihiisa uu qofku dhowr jeer isku arko, waxa ay noqon kartaa astaan muujinaysa khatarta xanuunno kale oo ay ka mid yihiin:

  1. boog calooleed.
  2. Caabuq ama caloosha oo nabar ku samaysmay.
  3. Bog dillaac.

Theresa Stahlchaid waxa ay sheegtay in qofka isku arka calool ololka joogtada ah ay la gudboon tahay in uu si dhaqso ah isaga daweeyo si uu uga hortago in ay ku keento khataro ay ka mid yihiin, nabarro ku samaysma hunguriga, kaas oo haddii xaalkiisu sii xumaado isu beddeli kara kansar.

Waxa aanay ku talisay in siyaabaha ugu habboon ee looga dheeraan karo colol ololku ay tahay in la raaco talooyinkan.

  1. In la iska daayo in maalintii laba ama saddex jeer cunto weyn la cuno, taas beddelkeedana uu qofku maalintii shan ama lix jeer cunto fudud cuno.
  2. In intii suurtagal ah la iska yareeyo cuntooyinka ay duxdu ku badan tahay iyo cuntada culus.
  3. Ka feejignoow in aad saacadaha dambe ee maalintii cunto culus cunto.
  4. Iska jir in aad jiifsato isla marka aad wax cunto.
  5. Marka aad jiifsanayso ku dadaal in qaarkaaga sare uu in yar ka sarreeyo qaarka dambe. Si aanay cuntada iyo asiidhadu dib ugu soo noqon.
  6. Ku dadaal wax kasta oo aad kaga fogaan karto isku buuqa, qulubka iyo xaaladaha nafsiga ah, kuwaas oo ay ugu horreyso in aad cibaadaysato, in aad jimicsi samayso, iwm.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here