Xukuumada Oo Shir Siyaasadeed Ku Tilmaamtay Shir Beeleedka Burco, Dhaliilna U Jeedisay

0
774

Hargeysa(Geeska)-Wasiirka gaadiidka Cabdilaahi Abokor ayaa shirka laga abaabulayo Burco ku tilmaamay mid siyaasadeed, waxaanu  dhaliilay in shirkaas horumarka deegaanadaas lagaga hadlaayo.

Waxa uu wasiirku ku celceliyay in aanay xukuumadu sas ka qabin hadana waxa uu ku miisay dhaliilo badan.

Wasiirka gaadiidka ayaa sidan u sheegay HCTV oo uu la hadlaayay. Waxaanu isaga oo arintan ka hadlaaya uu hadalkiisa ku bilaabay”waxay dadku cashuurta u bixiyaan waxa weeye si horumar loogu sameeyo anagu waxaanu ku jeednaa oo sanadkii hore 2018-kii shaqada la qabtay u malayn maayo In  waligeed laga qabtay, in kasta oo aanan faanayn, ku dhawaad 2500 oo shaqaale ah ayay dawlada Somaliland si toos ah iyo si dadbanba u shaqo galisay, waxa hoos u dhacay 80% tahriibtii, 30% in kudhow ayaa hoos loo dhigay sicir bararkii dadka dhibaayay, sanadkii koowaad ee Somaliland 94% wasiir kastaa miisaaniyadii loogu talo galay uu isticmaalay miisaaniyada la isticmaalaana waxay toos u gaadhaa dadkii u baahnaa, hadii dadku ay u baahan yihiin in qayb dadka ka mid ah lagu laaluusho miisaaniyadooda oo dadka intii jilicsanayd laga tago taasi waa su’aal dadweynaha u taala, laakiin waxaan kuu sheegayaa waxii horumar ah Somaliland waan ku dadaalaynaa runtiina imika mudadaas sanadka iyo dheeraadka ah waxaanu dhisnay  80km mudo afar sanadooda ku dhawaad ahna waxa la dhisay 94km wadada Ceerigaabo, sida oo kale madaarkii Burco waxaanu doonaynaa in dhawaan hawshiisii la galo.madaarkii aanu ka dhisaynay Berbera ee shacabka ahaa in loo raro Burco waxaas oo daraasad ah way socdaan, waxii horumar ahna qaranka dawladaa ugu xilsaaran ee reer uguma xil saarna anigu taas ayaan durayaa laakiin dadku waa ay shiri karaan oo dhib ma jirto.”

Wasir Cabdilaahi Abokor waxa uu sheegay in ay warbaahinta ka muuqato inyar oo aan dadka u danaynayan” bulshada 4% waa intan warbaahinta taagan laakiin 96% waa dadka aamusan ee u baahan inuu gaadho adeega dawladu markaas inta badan dadka beelaha horboodaa waa 4%.”                                                                                                                Ugu danbayntii shirkan waxa uu ku tilmaamay shir siyaasadeed “ Xukuumadu kama sasin anigu waxaan kuu sheegay hal qodob uun baa meesha yaala waxa soo baxay horumarka gobalkaasaanu ka shiraynaa horumarka yaa u xilsaaran ma caaqil mise suldaan mise sheekh, dawlada waxa loo doortay inay dadka hormarkiisa ka shaqayso waana la shiri karaa si caadi ah. Anigu uma arko wax dhib ah waa la qabsan karaa laakiin uma arkaayo duruufta taagan, wadadaas aan ka shaqaynaayo afar kun oo doolar oo hablo naga soo gaadhay Ingiriiska ah mooyaane hal doolar kale oo beelo naga soo gaashay ma jirto, haday doonayaan inay horumar ka qaybqaataan anaga ayaa ku soo dhawaynayna ee hanagala qab qaataan mashruuca Somaliland u weyn oo ah wadada Ceerigaabo, hanagala qayb qaataan oo xoolo haw ururiyaan laakiin anigu uma arkaayo shirkan shir beeleed ee waa mid siyaasadeed, bahasha iyo siyaasadana in lays huwiyo maaha markaas dawladu wax ay ka qabto oo sas ah ma jirto.”

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here