Makhnuuk Degmada Cillaanka

0
833

Dahraan (Geeska)- Dalka Iiraan waxa uu caan ku yahay hidde iyo aataar taariikhi ah oo aad u ballaadan. Waxaa ka mid ah tuulaha caanka ah ee Maakhuuniik oo lagu tilmaamo aataarta dhaqan ee ugu caansan dalka. Waxa uu sida gaarka ah ugu caan baxayna waa dadka tuulahan ku dhaqan oo ah dadka dhererkoodu inta dabiiciga ah ka gaaban yahay, ama cillaanka ay Soomaalidu u taqaanno. Sidaa awgeed waxaa loo bixiyey tuulaha cillaanka.

Tuulahan oo ku yaalla Bariga dalka Iiraan meel 35 kiiloomitir u jirta dalka Afqaanistaan ee xuduudka la leh.  Waxa ay leedahay taariikh inta la ogyahay kumannaan sano ah, aanay sal guurin aataarteeda, iyo farshaxanka kala duwan ee buuraha dusheeda ku xardhan.

Taariikhaha la hayaa waxa ay sheegaan in 400 oo kun oo sano ka hor ay tuulahan soo degeen qabiil lagu magacaabo Axmed Khaan, waxa ay ka soo qaxeen dalka Afqaanistaan oo ay ka cabsi qabeen cadow dhulkooda qabsaday. Illaa maantana dadka deggeni waxa ay ku isir leeyihiin qabiilkaas.

Waa deegaan oomane ah oo aan dhul beereed ahayn biyuhuna ku yar yihiin, laakiin waxa ay u adkaysteen duruufahaas oo ay ka dhisteen guryo iyo dhismeyaal aan laba mitir ka dheerayn oo ay dhagax, dhoobo iyo qoryo ka samasyteen. Albaabada laga galo dhererkoodu waa 50 illaa 70 Sentimitir oo keliya, sidaa awgeed qof caadi ahi isaga oo aan foorarin oon is dhuubin ma geli karo, sida oo kale waxa ay guryuhu leeyihiin daaqado yaryar oo aan sacabbada gacanta ka weynayn. Waa hab ay kaga hortagaan in uu qabow badani soo galoguriga gudihiisa, maadaama oo uu deegaanku habeen iyo maalinba aad u qabow yahay.

Guryaha deegaankan ku yaalal qaarkood ayaa la aaminsan yahay in ay dhisan yihiin 250 illaa 300 oo sano. Arrinta kale ee yaabka lihina waxa ay tahay in dadka tuulahan ku nooli ay dhammaantood yihiin culaan.  Masduur oo ah ninka guddoomiyaha u ah golaha latalinta ee tuulaha Maakhunik ayaa mar uu warbaahinta la hadlay sheegay in uu aaminsan yahay in sababta ay dadka tuuluhu u gaagaaban yihiin ay tahay cunto xumada, biyaha oo aan nadiif ahayn iyo deegaanka oo oomane ah. waxa uu sheegay in awoowyadii hore ee tuulahan yimi uu dhererkoodu dabiici ahaa, laakiin duruufahaas nololeed ee qallafsani ay sababeen dhibaato dhinaca korniinka ah.

Waxa uu arrintaas marag uga dhigtay, in muddooyinkan dambe ee nolosha magaalooyinku ku fideen tuulahan dadkuna ay heleen waxoogaa dhaqaale ah oo ay ku iibsan karaan cuntooyinka barootiinka leh iyo cuntooyinka nafaqadoodu isu dheellitiran tahay, in la arko ubadka dambe ee dhalanaya oo dhererkoodu dabiici yahay. taasina ay wax weyn ka beddeshay dhererkii dadka tuulaha ee marka cullaanka keliya ahaa.

Tuulahan dadka deggen ayaa lagu qiyaasaa 700 oo ruux oo badankoodu xoolo dhaqato ah, laakiin waxaa jira dad ka shaqaysta macdan qodista iyo dumarka oo tolaha roogagga iyo sijaayadaha oo uu dalka Iiraan caan ku yahay soo saaristooda.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here