Casho dufanku ku badan yahay oo lagu seexdaa waxa ay inta badan keentaa cillado caafiamad oo dhinaca caloosha ah, waxa aanu qofku isku arkaa laab dillaac iyo in asiidh ama dareere kulul oo calooshiisa ka soo noqonayaa kor ugu soo baxo hunguriga.
Xog ay shabakadda Aljazeera ka soo xigatay maqaal uu qoraaga Alvaro Hermida ku faafiyey majaladda ‘Confedencial’ ee ka soo baxa dalka Isbayn ayaa uu ku sheegay in asiidhka ‘Hydrochloric’ uu ka masuul yahay in cuntada uu u burburiyo curiyeyaal kala soocan iyo in uu furfuro barootiinta taxan si uu dheefshiidku awood ugu helo nuugista curiyeyaasha uu u baahan yahay.
Maadaama oo shaqadaas oo dhami u baahan tahay asiidh, waxaa waajib ah in asiidhka ku jirta jidhku aanay ka yaraan qiyaasta 1.3 si dareeruhu uu awood ugu yeesho in uu burburiyo ama milo cuntooyinka ay cunno.
Qoraagu waxa uu sheegay in caloosha, midhicirada iyo agagaarkoodu ay tahay meesha keliya ee jidhka bani’aadamka awood u leh in ay iska xejiso asiidhka, sidaa awgeed asiidhka caloosha ku jira waxaa gudaha ku ilaaliya dabar Alle ugu talagay oo ka hortaga in uu kor uga soo baxo gudaha caloosha. Haddaba dad badan waxaa ku dhacda xaalad ah in dabarkaas ama guntintaasi ay furanto oo asiidhkii caloosha gudaheeda ku jiray awood u yeesho in uu kor u soo baxo. Waana markaas marka aynu dareenno biyo kulul ama asiidh hungurigeenna soo gaadhaysa.
Waxa aanay dhakhaatiirtu isku waafaqsan yihiin in miisaanka dheeraadka ahi uu yahay mid ka mid ah sababaha keena dhibaatadan caafimaad.
Haddii aad xaaladdan isku aragto biyo ha cabbin
Qoraagu waxa uu maqaalkiisa ku sheegay in marka uu dababrkaasi ka furmo caloosha ay dhacdo xaaladdan oo afka Ingiriisiga lagu yidhaahdo ‘Gastrpesophageal Reflux disease’ taas oo ah in qofku gubasho aad u xanuun badan iyo dareere kulul oo kor u soo kacaya ka dareemo laabta oo mararka qaarkood hunguriga soo gaadha ama xitaa afka u soo dhaaftay.
Haddaba dad badan oo xaaladan isku arka ayaa marka ay dareemaan si dhaqso ah u cabba biyo iyaga oo aaminsan in ay wax ka tarayaan ama ugu yaraan xanuunka gubashada ka qaboojinayaan.
Si kastaba ha ahaato ee khubarada caafimaadku waxa ay caddaynayaan in biyahaasi aanay xal ahayn, balse ay dhibaatada sii kordhiyaan. Iyaga oo arrintaas faahfaahinayana waxa ay sababta ku sheegeen; in xaaladdan oo kale uu jidhka aadamuhu soo saaro asiidh ka badan inta koo baahnaa oo ah inta u dhexeysa 1 illaa hal iyo badh litir oo maadadda ‘Hydrochloric’ ah, waxa aanay mararka qaarkood dhacdaa in uu soo saaro laba litir iyo ka badan.
Marka caloosha oo ay buuxisay asiidhka ‘Hydrochloric’ oo laba litir ka badani, uu qofku cuno cunt oculus, waxa ay taasi keentaa in calooshu ay buuxsanto kaddibna asiidhka oo dareere ahi inta uu dusha soo maro uu kor u soo kaco. Haddii qofku xaaladdan isaga oo ku jira uu biyo cabbo, biyahaasi ma yaraynayaan asiidhkii balse waxa ay sii kordhinayaan buuxsankii caloosha, sidaa awgeed asiidhka kor u soo baxayaa waa uu sii badanayaa.
Dhakaatiirtu waxa ay ku talinayaan qofku haddii uu asiidhkaas dareemo in uu ka dheeraado cabbista biyaha.
Sida uu qoraaga Alvaro Hermida sheegayana waxaa jira cuntooyin la ogyahay in haddii uu qofku inyar ka cuno ay caawinayaan in asiidhkaasi uu hoos u dhaco, waxaana ka mid ah:
Bariiska Bariiska ayaa ay xeeldheereyaashu sheegeen haddii si fiican loo kariyo in marka la liqo inta uu dhex marayo midhicirada uu nuug dareeraha, buuxiyey inta uu sii marayo.
Waxa ay khubaradu si gaar ah ugu taliyaan nooc ka mid ah bariiska oo leh ganm iyaga oo sheegay in uu caawiyo shaqada caloosha, isla markaana gacan weyn ka geysto ka bogsashada dhibaatooyinka midhicirada.
Beedka
Qoraaga Alvaro Hermida waxa uu sheegayaa inbeedku uu ka mid yahay cuntooyinka ugu fiican dhinaca nafaqada iyo guud ahaan barootiinnada uu jidhku u baahan yahay, sida oo akle waxa uu dabiici ka dhigaa heerka asiidhka ku jira caloosha. Sidaa awgeed cunista beedka karsani waxa ay dawo dabiici ah ka noqon kartaa calool ololka iyo gaar ahaan dareeraha asiidhka badan ee dib uga soo noqda caloosha, oo uu hoos u dhigo taasina ay yarayso ama meesha ka saarto soo noqoshadiia.
Cuntooyin kale Cuntooyinka kale ee ay xeeldheereyaasha caafimaadku sheegeen in ay meesha ka saaraan ama yareeyaan asiidhka caloosha ku bata waxaa ka mid ah, caanaha, shamaamka, beedka iyo muuska.