Maxamuud Xaashi: Shirka Xisbiga Ee April Miyuu Ka Dhex Tartami Doonaa Mise Ka Hor Ayaa Saaxadda Xisbiga Laga Saari Doonaa?

0
690

 

Hargeysa(Geeska)-Tan iyo markii uu siyaasiga Maxamuud Xaashi Cabdi ku dhawaaqay inuu u tartami doono hoggaanka sare ee xisbiga KULMIYE, waxa isa soo tartaya kala fogaanshaha siyaasadeed ee siyaasigaas iyo madaxda xisbiga

Maxamuud Xaashi oo socdaal ku jooga dalka dibadiisa, ayaa khudbad uu u jeediyay qaar ka mid ah taageeryaaasha xisbiga ee dalka Jarmalka, wuxuu Madaxweyne Biixi ugu baaqay inuu hirgeliyo balanqaadyadii uu sameeyay wakhtigii ololihii doorashada, waxaanay dad badani hadalka Maxamuud Xaashi u arkeen bilowga dagaalka siyaasadeed ee Madaxweyne Biixi iyo isaga. Waxa la filayaa in Mr. Xaashi uu dalka Ingiriiska ku qabto kulamo siyaasadeed oo uu ka jeediyo khudbado iyo kuwo gaar ah, waana suurtogal inuu sii laba laabo khudbadihiisa uu ku soo hadal qaaday Madaxweyne Biixi.

Hore ayaa waxa hanka Maxamuud Xaashi si yasitaan ah u laalay guddoomiye-xigeenka KULMIYE Axmed Cabdi Dheere.

Dad badan ayaa isweydiinaya haddii uu Maxamuud Xaashi sii wado warmaha uu ku ganayo Madaxweyne Biixi, sida uu sii ahaan doono mustaqbalkiisa xisbiga KUMIYE, waxaanay dad badani qabaan in wakhti aan dheerayn siyaasigan laga saari doono saaxadda xisbiga  sidii horeba looga saaray rag ka horeeyay.

Qaar kalena waxay qabaan in Madaxweyne Biixi iyo madaxda kale ee xisbigu ay dejiyeen khidad kale oo siyaasadeed oo ah in Maxamuud Xaashi ka dhex tartamo xisbiga, loona wada joogo codka uu helo, si ugu yaraan taageerayaasha xisbiga ee taageersan Maxamuud Xaashi iyo rayul caamkaba loo tuso in Maxamuud Xaashi uu tartamay oo codkii xisbiga dhexdiisa lagaga guulaystay.

Shirka xisbiga oo ku beegan bisha April ee sannadkan, ayaan isna la garanayn in dib loo dhigi doono iyo inuu wakhtigiisa qabsoomi doono.

Si kastaba ha ahaate bilowda sannadka cusub ee 2020 waxa kala cadaan doonta mustaqbalka Maxamuud Xaashi oo ah inuu xisbiga ku sii dhex jiro oo uu ka dhex tartamo iyo in intaan tartan la isla gaadhinba saaxadda xisbiga laga saaro.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here