Sababaha Aanay Raggu U Jeclayn In Ay Raalligelin Ka Bixiyaan Qaladaadkooda, Laakiin Dumarku Ugu Dhacaan

0
673

Sida laga bartay dabeecadda aadamaha dumarka ayaa inta badan ragga uga jajaban ka cudurdaarashada gefafka ay galaan iyo in ay raalligelin siiyaan cidda qaladka ka tirsanaysa. Waxa kale oo tijaabooyinka cilmiga bulshadu muujinayaan in dumarku aanay dan badan ka gelin qaladaadak hore u soo maray ama cidda qaladka ka gashay, sababtuna ay tahay iyaga oo abuur ahaan jecel xidhiidhka. Ragga ayaa aad uga duwan, gaar ahaan marka cidda qaladka ka tirsanaysaa ay tahay saaxiibbada iyo dadka ay wada shaqeeyaan.

Warbixin lagu faafiyey majaladda ‘Phycology today’ ayaa haweenayda qoraaga ah ee Amanda Rose ay ku sheegtay in cudurdaarashada ama raalligelin bixintu aanu macnaheedu ahayn in qofku uu qirtay dembi ama qalad. Balse ay tahay hab lagu wanaajinayo dareenka qofka, lagana ilaalinayo dhaawaca keeni kara kala fogaanshiyaha iyo is fahmi waaga labada dhinac.

Amanda oo sababta kala duwanaanshiyaha ragga iyo dumarka qeexaysa ayaa sheegtay in marka uu qalad dhaco ay gabadhu nafsad ahaan aaminsantahay in xidhiidhka ay qofka la leedahay uu ka muhiimsanyahay qaladka dhacay, laakiin ninka uu nafsi ahaan ku abuurmo dareen ah raalligelin uu bixiyaa ay khatar ku tahay sumcaddiisa ama caddayn u tahay liidnimadiisa. Khubarada cilmiga bulshadu waxa ay intaas ku dareen in raalligelinta gabadhu ay iyada uga dhigantahay sida in ay leedahay, ‘Qalad kasta oo dhacay, haddana waxa aan doonayaa in aanu xidhiidhkeennu go’in, sidaas awgeed in aan qaladka qaatay macnaheedu ma’aha in aan qaldanahay balse waa in aanan doonayn in aynu kala go’no’. Sida oo kale dumarka ku xeeran ayaa nafsi ahaan isla dareenkan qaba oo gabadha raalligelinta bixinaysa u arka in ay qaadatay masuuliyadda qalad aanay gelin. Laakiin raalligelinta ninka uu macnaha uu nafsi ahaan u arkayaa yahay in, ‘Waxa aan galay qalad dhab ah, masuuliyadda wixii ka dhashay oo dhanna aniga ayaa qaatay’. Ragga ninka ku xeeran ayaa  si ka duwan dumarka waa ay raalligelinta ninka u fahmayaan in uu qaatay qalad uu sameeyey, ceebna ay tahay in marka horeba uu qaladkaas gala. Sababtaas ayaa keenta in ninku qalad kasta oo uu galo aanu jeclayn in uu ku degdeg raalligelin u uka bixiyo.