“Saaxiibkayo Axmed Siilaanyo, Waxa U Qurux Badnayd Inaanu Dalka U Horseedin In La Kala Yeesho”

46
616

Picture6Hargeysa (Geeska) – Guddoomiyaha Madasha Wadatashiga iyo Toosinta Qaranka Somaliland, Mujaahid Xasan Guure Jaamac, ayaa si adag uga hadlay hab-dhaqanada ku cusub dalka ee ay ku kacayso xukuumadda Madaxwayne Siilaanyo, isaga oo si gaar ah uga hadlay go’aan xukuumaddu Musharaxa Madaxwaynaha ee UCID iyo Marwo Faadumo Siciid oo xisbigaasi ka tirsan ugu diiday inay tagaan Gobolka Gabiley.

Mujaahid, Xasan Guure Jaamac, waxa kale oo uu si faahfaahsan uga hadlay mushaakilaadka amni daro ee xukuumaddu ku lugta leedahay, sida weeraradii loo geystay Hubaal, Xildhibaan Qabile, Mujaahid Maxamed Kaahin Axmed, kuwaasi oo dhammaantood aan cidna loo haynin.

Xasan Guure, oo shalay saxaafadda kula hadlay Magaalada Hargeysa, ayaa isaga oo ugu horeyn ka hadlaya talaabada xukuuamaddu ay Gabiley ugu diiday Jamaal iyo Faadumo Siciid, ayaa yidhi “Nin-baa yidhi tukalaaba lagu fooraree, taana yaa filayey, xukuumaddeena waxaad moodaa talaabadii ay qaadaaba inay tahay mid aan loo fadhiyin, mayd maxaa u dambeeyay iyo kaa la siisido, waxay Maraysaa in Musharixii Madaxwaynaha ee xisbiga UCID, aqoonyahan Jamaal Cali Xuseen loo diido inuu Gabiley tago”

Mujaahidka oo sii hadlaya ayaa sheegay in falkani aanu marna ku dhicin Madaxwayne Siilaanyo wakhtigii uu Mucaaradka ahaa “Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) saaxiibkayo marna kumay dhicin afartankii sanadood ee uu Mucaaradka ahaa, gaar ahaan dhowr iyo labaatankii sanadood ee Somaliland jirtay in meel uu marayo in la ixtiraamo mooyaane in loo diido” ayuu yidhi, waxaanu intaa ku daray isaga oo ka xun falka lagula kacay labada masuul ee xisbiga UCID “Hore umay dhicin oo ee waa kow, noqona mayso tii ugu dambaysay”

Guddoomiyaha Madasha Wadatashigu, waxa kale oo uu sheegay “Saaxiibkayo Axmed Siilaanyo, waxa u qurux badnayd inaanu sunahaa xun dadka u horseedin, in la kala yeesho dalka, oo halkaan marayo la ii diido anniga oo aan cid wax yeelaynin, hadaan waxyeelayo haa (hala iga celiyo) laakiin anniga oo aan waxba cid yeelayn in la yidhaahdo halkaa ma tagi kartid, kama hadli kartid waa kow, waana wax taariikhda Somaliland ku cusub..Waa halkii u saraysay, waa ninkii barito la tartamayey ee Madaxwayne-nimada u sharaxnaa, ma wuxuu rabaa inuu isaguna barito yidhaahdo geestaa ha u bixina, waxaanu leenahay, Allow yaan arrinta sii fogaynin, way sii fogaataa, way sii xumaataa” ayuu yidhi, waxaanu intaa ku daray isaga oo soo qaadanaya wakhtiyo Madaxwayne Siilaanyo uu wasiir ka ahaa dawladdii Siyaad Barre “Siyaad Barre maalin ayay taagnayd waar afartaa inan soo daa’, maalinbay taagnayd waar Gaani naga bedal, maalinbay taagnayd waar iskaa wax u qabsada aanu urursanay ee ninka badhasaabka ahi shidaalka ku shubanayo hala noo daayo, annaga oo diidanayn Siilaanyo oo ergo ahaan lanoogu soo diray Isagoo Wasiir ah, oo habeen dhan noogu hanjabayey guriga shaqaalaha, waana taariikh dhacday”

Xasan Guure, waxa uu fariin u diray Madaxwayne Siilaanyo “Axmed Maxamedow ha noqonin Maxamed Siyaad Barre, Ma Noqon kartide, ma geydid inaad noqoto oo toban sanadood ayaad soo halgamaysay, haddiise aad noqoto hooga kuu dambeeya waad taqaanaa inaadeer. Maaha qolo, Maxamed Siyaad Mareexaan-nimo laguma diidanayn, qof ahaantiisa lama diidin ee maamulka iyo talada ayaa la diiday, waxay ahayd ha marin, ha hadlin” ayuu yidhi, waxaanu intaa ku daray isaga oo ka hadlaya wariyayaasha maalintii saddexaad Hargeysa ku xidhan “Saxaafadda Mudaharaaday hubkay siteen wuxuu ahaa Kamarad iyo Makarafoon, haddii kaa la diido waxayagii waanu naqaanaa, laakiin hadaad doonaysaan inaad Somaliland burburisaan yeeli mayno, ninka doonaya inuu burburiyaa isaga ayuunbaa iska tagi doona” ayuu yidhi, waxaanu intaasi raaciyay “Wasiirka arrimaha gudaha oo aanu saaxiib nahay, Abtina aan u ahay ayaan maalin dhawayd ka maqlayey qolo ayaanu faylasheeda Xamar haynaa, bal horta intaad kuwaa soo caddaynayso kan cad ee halkan (Somaliland) ka dhacaya wax ka qabadkiisii mee, kaana been ayaad sheegaysaa, kanna waa hawl socota oo qorshaysan, markaa Haddaad adiga (Cali Waran-cadde) iyo Siilaanyo doonaysaan in Hargeysa is-disho isma dilayno, idinkaa fudud oo ka tagi”

Mujaahidku, wuxuu intaasi raaciyey isaga oo ka hadlaya in ujeedo laga leeyahay sababta loo soo qaban waayay dadkii weeraray Maxamed Kaahin Axmed “Haddii Maxamed Kaahin xabadi ku dhacdo, waxa la rabay inay ka soo baxaan muxuu ahaa marka ilaa maanta ka qaban la’yahay (Dadkii weeraray Maxamed Kaahin)”  ayuu yidhi, waxaanu intaasi raaciyey isaga oo toos ula hadlaya Madaxwaynaha “Waxaan uga digayaa oo aan ku waaninayaa saaxiibkaygii aanu Mujaahidiinta mudada dheer wada ahayn, waar waxaynu u dagaalamaynay may ahayn inaad kursiga fadhiisato, ismana qabanayso intaas ayaan guddoomiye u ahaa SNM iyo maanta ayaan sidan u dhaqamayaa, taana SNM-baa ku ceeboobaysa, taasaana noo kaa keenayso, annagana damqashaa naga keenaysa ee damac naga keeni maayo”

Guddoomiye Xasan Guure, wuxuu fariin u diray ciidamada ammaanka “Ciidanka waxaan farayaa, ha noqonin cid la dirto, yaan shacabkiina la isku kiin dirin, ninkan aad maanta u diidaysaan barito ayuu iman doonaa, yaan mustaqbalka iyo taariikhda la idinka dilin, Axmed-na waxaan leeyahay talada aynu wada yeelano, sidaas ayuu waddanku innagu deeqayaa”

Xasan Guure, wuxuuu sheegay in inta xukuumadda Madaxwayne Siilaanyo cabudhisay saxaafadda Madaxa-banaan aan hore loo cabudhin “Axmed Maxamed Siilaanyo, intuu saxaafadda cabudhiyey intuu Mucaaradka ahaa lama cabudhin, xabad-baabay ciidankiisu ku rideen, isaga marna lama odhan ha hadlin, shirkii uu maalintii dhawayd diidayey waatii saxaafaddu soo bandhigtay isaga oo dhaaranaya oo leh (shir qaran ayaanu rabnaa), markaa haddii neceb tahay iyo haddii jeceshayba dalka waa lagula leeyahay, haddaad diidana khasab baad ku yeeli” ayuu yidhi, waxaanu intaasi raaciyey “Ninbaa maalin dhawayd lahaa waligay ismaan lahayn Rayaale ayaa loo darsan doonaa, weyse dhacday, waayo Rayaale muu samayn jirin waxaad samaysay, waxaad moodaa inuu ku soo guhaamay malaha Wali ayuu ahaaye, maalintii uu tagayey muxuu ku yidhi dal iyo dad midaysan ayaan kaaga tagay, Runtii ayay ahayde, imika ayaanu kaa haynaaye ee dalka ha burburin…Axmedow, (Madaxwaynaha) adiga oo sharaxan weligay nin kale cod maan siinin, Faysal Cali Waraabe oo aan adeer u ahay oo sharaxan ayaan adiga codkii ku siiyay, adiguna waad ogtahay….”

Guddoomiyaha Madashu, wuxuu ku baaqay in xoriyaddooda loo soo celiyo afar suxufi oo doraad la xidhay “Saxaafadda waa in si deg-deg ah faraha looga qaadaa, waa bir-ma-geydo” ayuu yidhi.

 

Comments are closed.