Saaxiibbada Caalamiga Ah Ee Somaliland Oo Cambaareeyay Hawl-galladii Mastaafurinta Ee Laascaanood

0
358

Nairobi (Geeska) – Qoraal ay si wada jir ah u soo saareen waddamada Maraykanka, Denmark, Ingiriiska, Finland, Germany, Netherlands, Sweden iyo Midowga Yurub, ayaa lagu sheegay in saxiibada caalamiga ah ee Somaliland cambaaraynayaan howlgalka ay Somaliland dhulkeeda kaga saarayso bulshooyinka aan u dhalan Somaliland, gaar ahaan kuwa ka soo jeeda dalka Soomaaliya.

Waddamadan oo sheegay in kulan arrimaha horumarka iyo doorashooyinka lagaga hadlayo ay la qaateen madax ka socota Somaliland oo safar ku tagay Kenya, ayaa sheegay in intii kulanka lagu gudo jiray ay sidoo kale, Xukuumadda Somaliland la wadaageen walaac ay ka qabaan dadka Somaliland ka tarxiishay gobollada bariga Somaliland “Intii kulanka lagu gudo jiray saaxiibada caalamiga ah ee Somaliland iyagoo fursadda ka faa’iidaysanaya waxay muujiyeen walaaca ay ka qabaan masaafurinta ay Somaliland ku beegsanayso bulshooyin gaar ah” ayaa lagu yidhi qoraalka.

Waddamadan ayaa sheegay in ay aqoonsanyihiin muhiimadda sugida amniga, muwaadiniinta iyo in dowlad kastaa ay xaq u leedahay sugida amniga muwaadiniinteeda, laakiin ay mudan tahay in talaabo kasta loo qaado si sharciga waafaqsan “Annaga oo hoosta ka xariiqayna in hawlgaladan looga gol leeyahay sugidda amniga isla-markaana og in dowlad kasta masuuliyad ka saaran tahay sugidda amniga muwaadiniinteeda, haddana waxaanu hoosta ka xariiqnay muhiimadda ay leedahay in amaanka la sugo, iyadoo sharciga la ilaalinayo, waxaanu aaminsanahay in howlgalka loo galay si xad gudub ku ah xuquuqda adamaha” ayaa lagu yidhi qoraalka.

Xukuumadda Somaliland, ayaa wadda howlgalo ay ciiddeeda kaga saarayso qaar ka mid ah bulshooyinka aan Somaliland u dhalan, oo u badan dadka kasoo jeeda maamulka Koonfur-galbeed ee Soomaaliya.

 

Geeska.net/Hargeisa Office