WADDANI Oo Ka Hadlay Wada-hadallo Siyaasadeed Oo U Socda Hoggaanka Xisbiga Iyo Maxamuud Xaashi Cabdi

0
401

Hargeysa (Geeska) – Siyaasi Ismaaciil Aadan Cismaan (Ismaaciil-Yare), oo ka tirsan Masuuliyiinta Xisbiga Waddani, ahna Guddoomiyaha qaban-qaabada Shirweynaha labaad ee Xisbiga Waddani, ayaa beeniyey inuu fashilmay wada-hadalladii u dhexeeyey Xisbiga iyo Siyaasi Maxamuud Xaashi Cabdi, waxaanu tilmaamay inay meel wanaagsan wada hadalladu marayaan.

Siyaasi Ismaaciil Aadan Cismaan (Ismaaciil Yare) oo Shalay Magaalada Hargeysa kula hadlay Saxaafadda, ayaa wuxuu ugu horeyn hadalkiisa ku bilaabay “Horta wax fashilaad la yidhaahdo ma jiraan, ninka Xisbiga ku soo biiraya ee Siyaasiga ahi gacmo furan baanu ku soo dhaweeynaynaa, wuxuu Xisbigu ugu baahan yahay ee Xeerka Xisbigu siinayana waa la siinayaa, waayo Xisbigani waa Xisbi dhisan, oo qaran oo soo jiray, oo taagnaa maaha Xisbi cusub, Xisbigani Waddani baa la yidhaahda cid kastoo muwaadin ah iyo cid kastoo siyaasiya oo ku soo biirtana Xisbigu gacmo furan buu ku soo dhawaynayaa, ciddii aan diyaar u ahayna diyaar uma aha, laakiin wax fashilaad la yidhaahdo meesha ma taalo, Xisbigana wuxuu ku fashilmay marnaba ma jirto, horumar buu ka gaadhay taasina waa tu socota, haddii ciddii Siyaasiyiinta ahaydna lala wado, haddii ay Xisbiga sidaas ugu soo biirana waanu soo dhaweeynaynaa, haddii ay dan kale qabsadaan oo ay iman waayana waa caadi, waa wax sharciya oo rabitaanka qofka ah, warkana aad leedahayna waa warka had iyo jeer gidaarka iska socda, cid is diidayna ma jirto, war ka soo baxay oo odhanaya waa la is diidayna ma jiraan, ee meel fiican bay maraysaa, mana filayo in cid ku soo biiraysa Waddani meel looga noqdaa inay jirto”

Mar wax laga weydiiyey inuu Siyaasi Maxamuud Xaashi dib ugu laabanayo Xisbiga Kulmiye wuxuu ku jawaabay “Nin markii horeba ka yimid Xisbiga Kulmiye sidii ugu noqon karayo ma garan karo, wuxuu uga yimid markii horeba dhaliil iyo wax qabad la’aan ku soo dhacday, hadduu Xisbiga Waddani yimaaddo waanu soo dhawaynaynaa, hadduu iman waayana wax dhibaato ah oo aanu u arkaynaa ma jirto..”

Dhanka kale, Siyaasi Ismaaciil Aadan Cismaan (Ismaaciil Yare),wuxuu sidoo kale baaq u diray ergooyinka kala duwan ee Xisbiga Waddani iyo Musharixiinta hanka leh ee raba inay tartamaan waxaanu ugu baaqay in wakhtigii loo qabtay ku soo xareeyaan araajida.

 

Geeska.net/Hargeisa Office