Dhul-gariir Cabsi Ku Abuuray Shacabka Oo Shalay Ka Dhacay Magaalada Boorama

0
438

Dhul-gariirkan, ayaa lagu sheegay kii ugu cuslaa ee halkaa ka dhaca in Muddo Ah

Boorama (Geeska) ā€“ Warar ka imanaya Magaalada Boorama ee xarunta Gobolka Awdal, ayaa sheegaya in Shalay subaxdii uu Dhul-gariir ka dhacay halkaasi.

Xoghayaha fulinta ee Gobolka Awdal Mustafe Cabdi, ayaa Wakaaladda Wararka ee Somaliland (SOLNA) u xaqiijiyey in dhul-gariir ka dhacay Magaalada Boorama, Saacaddu markay ahayd 7-dii Subaxnimo.

Xoghayaha Gobolka Awdal Mustafe Cabdi, ayaa intaa ku daray in Dhul-gariirka Boorama ka dhacay Subaxdii hore ee Sabtidii Shalay uu ahaa kii ugu cusla aee halkaa ka dhaca, inkasta oo aan Cilmi ahaan qiyaasta Dhul-gariirka loo hubin.

Xoghayaha ayaa sheegay in Dhul-gariirkan oo sababay in Guryaha badankoodu Ciid ka soo daadato uu cabsi ku abuuray Dadweynaha ku nool Magaalada Boorama.

Dhul-gariirkan, ayaan la sheegin wax khasaare muuqda ah oo uu geystay.

Magaalada Boorama, ayaa Caan ku ah Dhul-gariir ka dhaca, kaasi oo sannadkii ama labadii Sanaba hal Mar laga dareemo halkaasi, inkasta oo uu Khasaarihiisu ahayn mid badan.

Geeska.net/Hargeisa Office