Saaka: Xaalada siyaasadeed Ee Saaka Ee Somaliland: Mudaharaad Burco Ka dhacay + Xildhibaano Iyo Saxafiyiin Hargeysa ku Xidhan

0
505

IMG_8C640F-6C0D96-25B7CE-A6010D-263C14-00BD66Hargeysa(Geeska)-Xaalad siyaasadeed oo adag ayaa saaka ka taagan Somaliland oo ka dhalatay mooshinka ka dhanka ah guddoomiye Cabdiraxmaan Cirro.

Hase yeeshe golaha guurtida ayaa dedaal xoog badan ku baajiyay mooshinkaas iyo fadhigii saaka ee golaha wakiilada oo ay fureen labada guddoomiye xigeen ka dib markii uu guddoomiye cirro ku dhawaaqay inaan golaha la furi doonin ilaa madaxbanaanidiisii loo soo celiyo isagoo sheegay inay xukuumadu golaha inqilaabtay.

1Waxa la xidhay shan  xildhibaan iyo saxafiyiin, waxaana xildhibaanada xidhan ka mid ah xildhibaan Ibrahim Mahdi Buubaa, Xildhibaan Siciid Cilmi Rooble, Xildhibaan Bashiir Tukaale, xildhinaan Jaamac Xasan Aadan iyo xildhibaan Maxamed Saalax, waxaana jidadka magaalada Hargeysa buux dhaafiyay ciidamo Boolis ah oo si culus u hubaysan.

Magaalada Burco waxa saaka ka bilaabmay mudaharaad xoog badan, waxaana isku dhacay ciidamada Booliska iyo dadkii mudaharaadayay oo ka soo horjeeday mooshinkan. Afar ruux ayaa ku dhaawacmay inta la ogyahay, waxaana ku geeriyootay gabadh tukaan haysatay.

Si kastaba ha ahaate xaalad siyaasadeed oo si fudud u sababi karta qalalaase ayaa soo waajahday Somaliland, waxaana isha lagu hayaa dedaalka golaha guurtida oo ay hormuud ka yihiin guddoomiyaha guurtida Md. Saleban Maxamuud Aaden iyo Xaajiga caanka ah ee Xaaji Cabdiwaraabe.

Sawirada waxaanu ka soo xiganay shabakada afka shacabka, waana sawiradii saaka ee Burco.

Geeska Afrika Media