Xoghayihii Golaha Wakiilada Oo Xalay La Xidhay, Cirro Oo Xukuumadda Ku Eedeeyay Inay Golihii Inqilaabtay Iyo Xaaladda Adag Ee Maanta Taagan

0
851

Picture4

Hargeysa(Geeska)-Xaalad siyaasi ah oo ka mid ah kuwii ugu adkaa ee Somaliland soo marta ayaa saaka ka taagan aqalka Baarlamaanka Somaliland, kadib markii ay mudanayaasha muxaafidka ahi soo diyaariyeen mooshin ay xilka kaga qaadayaan guddoomiyaha golaha wakiilada Md. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), waxaana xalay cawayskii dambe xabsiga loo taxaabay xoghayaha golaha wakiilada Md. Cabdirisaaq Siciid Ayaanle oo la sheegay in gurigiisa laga soo xidhay.

Mooshinka oo ay xildhibaanada mucaaradku ku eedeeyeen Madaxweyne Siilaanyo iyo xukuumadiisa, ayaa waxaa saxeexay xildhibaano la sheegay inay tiradoodu gaadhayso dhawr iyo soddon xildhibaan, waxaana la filayaa in mooshinka saaka la soo dhigo marka uu fadhiga golaha wakiiladu furmo.

Dhinaca muxaafidka

 Xildhibaanada muxaafidka iyo madaxtooyada ayaa waxa la xaqiijiyay inay ka go’antahay in mooshinkan Cirro ka dhanka ah saaka la soo dhigo si rasmi ahna loo hirgeliyo. Waxa uu dhinacani mooshinkan ku wadaa xawaare sare oo ay doonayaan inuu cudud ku hirgalo, lamase saadaalin karo inay ku guulaysan doonaan.

Waxa ay guddoomiye Cirro ku eedaynayaan inuu bilaabay olole siyaasadeed oo halis gelinaya xukuumadda, iyagoo u adeegsanaya mooshinkan inuu jebiyay qodobo distoori ah, waxaanay ugu hal qabsanayaan xeerkii diiwaangelinta madaniga ah ee ay ku eedeeyeen inuu wax ka bedel ku sameeyay markii uu golaha guurtida u gudbiyay, kaas oo ay ku doodayaan inuu isna ku jebiyay xeer hoosaadka golaha wakiilada iyo qodobo distoori ah.

Wararku waxay sheegayaan in xildhibaanadani ay mooshinka ka sameeyeen saddex nuqul oo ay u kala dhiibi doonan guddoomiye Cirro iyo labadiisa ku xigeen oo iyagu mooshinkan taageersan.

Dhinaca mucaaridka

Xildhibaanada mucaaridka ah oo uu horgkacayo guddoomiyaha golaha Md. Cirro, ayaa si adag ugu diyaar garoobay ka hortagga mooshinkan, waxaanay ku hanjabeen inay samayn doonaan qaab kasta oo ay ku fashiliyaan, waxa aanay ku tilmaameen in uu yahay qayrul sharci, lagana soo abaabulay aqalka madaxtooyada islamarkaana ay xukumadu ku bixinayso lacag dhan saddex kun oo dollar oo la siinayo xildhibaan kasta oo mooshinka saxeexa.

Waxaa iyaguna xalay soo baxayey warar sheegaya in taageerayaasha xisbiga waddani ay wadeen dhaqdhaqaaqyo ay isugu diyaarinayeen dibad baxyo salmiya oo la filayo in sabtidan maanta ay la hor yimaaddaan golaha wakiilada. Waxase la filayaa inay ciidamada Boolisku iyagana ka hortagaan, iyadoo uu guddoomiyaha golaha wakiiladu hore u sheegay inay xaruntii golaha la wareegeen ciidamo cusub oo loogu tallo galay inay xaalad gaar ah ka fuliyaan golaha.

Farriinta Cirro

Guddoomiyaha golaha wakiilada ahna guddomiyaha xisbiga Waddani Md. Cabdiraxmaan Cirro ayaa shirjaraa’id oo uu xalay cawayskii dambe qabtay, wuxuu xukuumadda ku eedeeyay inay inqilaab aan sharci ahayn samaynayso oo ay saaka la wareegayso xarunta golaha wakiilada.

Md. Cirro, wuxuu sheegay in la diyaariyay ciidan gaadhaya dhawr boqol oo askari oo maanta la wareegi doona golaha wakiilada, iyagoo ka horistaagi doona saxaafadda iyo xildhibaanada aan muxaafidka ahayn.

Md. Cirro, wuxuu shacabka ugu baaqay inay maanta dareenkooda ku taageeraan golihii wakiilada ee ay doorteen oo uu sheegay in lagu soo duulay, xukuumaduna ay inqilaab aan sharci ahayn ku samaynayso maanta. Wuxuu dawladda ku eedeeyay inay qasayso amnigii ay masuulka ka ahayd.

Ugu dambayn wuxuu Md. Cirro sheegay in fadhigu maanta si rasmi ah u furmayo, waxase uu sheegay in marka la furayo golaha marka u horaysa la ansixin doono ajandaha fadhiga wakiilada ee furmaya, waxaanu xukuumadda ugu baaqay inay faraha kala baxdo golaha wakiilada.

Dedaalo

Ergo guurti oo ay is xilqaantay ayaa shalay gelinkii dambe bilaabay dedaal ay ku dejinayaan xiisadda siyaasadeed ee taagan, waxaanay kulamo la yeesheen madaxtooyada iyo garabka Cabdiraxmaan Cirro. Ergo kale oo salaadiin ah ayaa iyaguna xalay kulan la yeeshay guddoomiyaha golaha guurtida, laakiin lama hayo wax natiijo ah oo ka soo baxday. Hase yeeshe ilo xogogaala ayaa sheegay inaanay ergadu joojin doonin dedaalkooda ilaa saacadda u dambaysa si ay u dejiyaan xaaladan.

 Gunaanad

Si kastaba ha ahaate, xiisadda ka taagan golaha wakiilada, ayaa u muuqata mid si fudud u yeelan karta wejiyo kala duwan oo aan dan u ahayn Somaliland iyo shacabkeeda, waxaana sii socoshada xaaladan cakirani ay dalka gelin kartaa halis saamaysa amniga guud ee qaranka. Dad badan oo siyaasadda falanqeeya ayaa tilmaamaya in isu muuqashada siyaasadeed ee sannadahan dambe Somaliland laga dareemayaa ay tahay nooc siyaasadeed oo cusub oo si fudud u abuuri karta kacdoono aan la si fudud loo dejin karin, haddii aan deg deg loo xalin islamarkaana aanay dhinacyada is hayaa muujin dulqaad iyo samir.