Xildhibaan Guurtida Ka Tirsan Oo Diray Baaq Nabadeed

0
534

nabadaDadweynaha Somaliland dhamaan waxaan ugu baaqayaa in ay nabada wada illaashdaan,taas ayaana ina wada deeqda kuligeen.

Dawlada waxaan ugu baaqayaa in dulqaad laga helo, oo aanay la garnaqsan dadka ay madaxda u tahay ee kala aaraada duwan,waxaanan ku adkaynayaa xukuumadu in ay ku dhaqdo oo ku hogaamiso umadda gacan qabow oo tasaamux iyo xanaan ka muuqdo,taas weeye tii loo igmaday. Bulshada inta Siyaasada ku jirta,waxaan ugu baaqayaa halka aad ku hamiyeysaan ku raadiya wanaag iyo xaqdhawra dadka aad ka rabtaan taageerada oo ilaaliya danahooda iyo nabada sharaftooda,diintooda,iyo dhiigooda.

Sidaa ayaa kaga helaysaan taageerada aad ka rabtaan.

Qore:Xildhibaan Golaha Wakiilada Guurtida.

 Xubin:Gudida Shuruucda

Muuse Xaaji Cabdi Ducaale