Saadaashii Michel Nostradamus Ka Sheegay Sannnadka 2017 ka Faalliyuh waa beenaale xitaa hadduu run sheego … (Q. 3)

0
721

Hadal ku jira buugga saadaasha Nostradamus ayaa macnihiisu yahay, “Maalqabeenku marar kala duwan ayaa ay si xun u dhiman doonaan” arrintaas ayaana loo fahmay in uu uga jeedo in dhaqaalaha adduunku marar kala duwan la kulmi doono burbur iyo hagardaamooyin badan oo dhibaato ku keena dunida.

7. Gubashada kaymaha:

Nostradamus waxa uu saadaaliyey in dunida ay ka dhici doonto keymo gubasho aad u badani. Waxa uu saadaaliyey in keymo badan oo ku yaalla daafaha kala duwn ee dunidu ay guban doonaan, sababta ugu weyn ee dabkaas dhalin doontaana ay tahay heer-kulka adduunka oo si aad u xad dhaaf ah kor u kici doona.

Waxa aynu ognahay in kor-u-kaca heerkulka cimilada adduunku uu yahay waxa ugu badan ee dunida maantu hadal hayso, iyo in muddooyinkii u dambeeyey sannad kasta ay isbeddelka cimilada dunida darteed u gubtaan keymo waaweyn oo meelo kala duwan oo dunida ah ku yaalla.

8. Dhalmo rukhsad loo qaadanayo:

Sida taariikhda ku xusan marar kala duwan waxaa meelo kala geddisan oo dunida ah ka soo taliyey boqorro isku dayey in ay dhalmada xakameeyaan, ama ugu yaraan kala doorbidaan jinsiga uu waalidku dhalayo iyo tirada loo ogol yahay, sida haddaba ka jirta dalka China oo dawladdu sharci ahaan u ogoshahay waalidka in ay laba ubad h oo keliya dhalaan. Arrinta xiisaha lihi waxa ay tahay in Nostradamus uu qarniyo ka hor sii saadaaliyey in uu iman doono waqti dadka is guursada ay u baahan doonaan in ay maamulk jira ka rukhsad uga qaataan ubadkaay dhalayaan.

9. Weerarradii 11 September

Nostradamus diiwaanka uu ku ururiyey saadaashiisa oo qaab gabay ah u qoran, wax yaabaha dad badan mucjisada ku noqday ee uu xusay waxaa ka mid ah weerarradii 11 September lala beegsady daarihii maataanaha ahaa ee xarunta ganacsiga adduunku ku taallay, magaalada New York ee dalka Maraykanka. Nostradamus waxa uu buuggiisa ku yidhi, hadallo macnahoodu noqonayo, “Maalin ay Kow iyo Toban tahay bisha Sagaalaad ayaa laba shimbirood oo bir h ay duqayn doonaan laba sarood (Fooq) oo aad u dhaadheer”

10. Bariga Dhexe:

Xiddigiyaha caanka ah ee Nostradamus ayaa mar uu buuggiisa saadaasha kaga hadlayey waxa dunida ka dhici kara sannadkii 2016kii, wax yaabha uu sheegay waxaa ka mid ahaa in ay dhici doonaan masiibooyin iyo aafooyin dabiici ah, isaga oo si gaar ah farta ugu fiiqaya in dhacdooyinka ugu xun dhimbiilahoodu ka bilaaban doonan bariga dhexe.

Arrinta yaabka leh ee saadaasha Nostradamus ku jirta waxaa ka mid ah in dad cumaamado sitaa bahalnimo ah oo dhiig badani ku daato ka bilaabi doonaan bariga dhexe, laakiin ku faafi doono dunida oo dhan. Waxa uu sheegay in dagaalkaas iyo rabshadahaas oo ah kuwo aad u qallafsani ay sababi doonaan in tobannaan dawladood oo dunida ah ay ku faafi doonaan, muddo 27 sano ahna socon doonaan.

Sida ay sheegayaan dadka isku hawlay fasiraadda saadaasha Nostradamus, waxa uu sheegay in sannadkan la filan karo in dagaallo iyo masiibooyin dabiici ahi dunida ka dhacaan, isaga oo si gaar ahna hoosta uga xariiqay in mid ka mid ah magaalooyinka Maraykanku ay tirtirmi doonto duufaanno awgood.

Nostradamus waxa uu sheegay in sannadkii 2016ka ay roobab waaweyni ka di’i doonaan meelo badan oo dunida ka mid ah, iyo in daadad ay ka dhici doonaan dalal badan oo Yurub ah, kuwaas oo aarkood ay muddo laba bilood ah socdaan, gaar ahaan dalalka Jamhuuriyadda Jeek (Czech), Talyaaniga, Hangari iyo Ingiriiska.

11. Suuriya: (Laba dhagax oo waaweyn ayaa uu dhex mari doonaa dagaal muddo dheer socdaa, kadiba midab casaan ah ayaa ay Suuriya webiga ku dari doontaa)

Nostradamus waxa uu saadaaliyey in magaalo ka mid ah dalka Suuriya uu dhiiggu qul-quli doono iyo in quwado waaweyn oo uu laba dhadhaabood ku tilmaamy ay isku dili doonan, dagaal muddo dheer socd. “Dab dhulka gariiriya ayaa luli doona magaalada cusub. Waxaa isku dili doona laba dhadhaabood oo waaweyn, dagaal muddo dheer socda, magaalada cusub (Waxaa lagu fasiray in ay tahay magaalada A-Rastan oo magac sidaas ku dhow lahaan jirtay taariikhihii hore. Ar-Rastan waa magaalada saddexaad ee ugu weyn gobalka Xumus) ayaa midab casaan ah ku dari doonta webiga” Sidaas ayaa lagu turjumay hadalka qaabka suugaanta u qoran ee uu Nostradamus ku sheegay saadaashiisa 460 sano ka hor ahayd ee ay dadka arrimahaas ka faalloodaa ku macneeyeen in ay ka warramayso dagaalka Suuriya halakeeyey.

Laakiin ragga fasiray saadaasha Nostradamus qaarkood ayaa iyagu sidaa si ka duwan arrintan u fasiray, iyaga oo sheegaya in waxa uu ka hadlayaa uu yahay weerarradii 11 Sabtembar lagu qaaday dalka Maraykanka. Tusaale ahaan marka uu leeyahay magaalada cusub waxa ay ku sheegeen magaalada New York, labada dhadhaabood waxa ay ku tilmaameen labadii daarood ee mataaanaha ahaa ee ganacsiga adduunka oo sida aynu ognahay lagu burburiyey weerarkii 11 Sabtembar ka dhacay Maraykanka. Dabka dhulka gariirinayana waxa ay qoladan dambe ku fasireen in ay tahay dhulgariirroiyo aafooyin dabiici ah oo dunid k dhici doona.

Si kastaba ha ahaato ee fasiraadda qoladan dambe waxaa lagu naqdiyey in aanu weerarka 11 Sabtembar ahayn mid laba quwadood iskaga hor yimaaddeen, sidaa awgeed aan fasiraaddaas la qaadan karin. taas beddelkeedaa waxa ay qoladani ku doodayaan in labada dhadhaabood ay yihiin maamulka Bashaar Al-Asad oo garab ka helaya Ruushka iyo dalal kale iyo quwadda Mucaaradka oo garab ka helaysa Maraykanka iyo dalal kale.  La soco