Saadaasha Kala Duwan Ee Sanadka 2013- Ka Ay Ka Bixiyeen Xiddigiyeyaasha Dunidu (1)

1
587

 

Picture1Diinta Islaamku waxa ay ina bartay in waxa beri dhacaya runtoodu tahay gacan uur ku jirta oo cidda keliya ee ka warrami kartaa ay tahay Allihii adduunka iska lahaa, waxa aanay inoo caddaysay in faaliye kasta oo ka warrama waxa berri dhacayaa been sheegayo, xataa haddii waxaas uu sheegayaa dhacanna uu weli beenaale sii ahaanayo. Si kastaba ha ahaato ee aadamaha waxaa ku beeran ruux jecel in ay wax ka ogaato timaaddada. waxa ay xiisaysaa in ay bidhaan ka aragto waxa berriyi noqonayso iyo sida ay duruufuhu isu ged-geddiyi doonaan, waana sababta aynu marar badan u aragno dad ku xeel dheer saadaasha oo inta ay inta ay eegaan godadka kala duwan ee xiddigaha kala soo dhex baxaya dhacdooyin mustaqbalka dunida ku soo socda. Waa ay tiro badan yihiin dadka sidan wax u saadaaliyaa, waxaase jira kuwa caan ku noqday oo marar badanna wax looga soo joogay, kuwaas ayaanay warbaahinta kala duwan ee dunidu sannad kasta wax ka weydiisaa bal fahamka ay ka soo heleen godadkaas in ay bulshada la wadaagaan.

 

Qormadeennan waxa aynu ku soo bandhigi doonnaa waxa ay mustaqbalka sannadkan ka yidhaahdeen, qaar ka mid ah xiddigiyeyaasha waaweyn ee dunida caanka ka ah.

1.  Mike Faghali, Nabiil Khuuri iyo Elien Macluf:

Talefishanka Otv oo laga leeyahay dalka Lubnaan ayaa horraantii sannadkan 2013ka baahiyey kulan ballaadhan oo uu si wada jir ah ula yeeshay yeeshay Mike Faghali, Dr. Nabeel Khuuri iyo Elien Macluuf oo dhammaantood caan ku ah xiddiginta iyo saadaasha dhacdooyinka waqtiga. Barnaamijkan oo uu talefishanku u bixiyey, “Saadaasha iyo xidigiska sannadka” waxaa khubaradan mid mid loogu weydiinayey saadaashooda kala duwan iyo falan qaynta ay ku darayaan.

Mike Faghali oo hadalka ku horreeyey ayaa markiiba hadalkiisa ku bilaabay in xummadda iyo warwarka ka dhalan kara saadaashu ay mar kasta ka fududahay ta laga fulan karo kacdoonnada iyo murannada siyaasiga ah ee muddooyinkan dambe ku soo badanaya dunida, waxa kale oo uu Faghali ku afeeftay in aanu isagu ahayn digtoor daawadi rasmiga ah siday, laakiin uu keliya yahay qof inta uu xisaabo isu geeyey is tusay in waxaasi dhici karaan, sidaa awgeed aanay waajib ahayn in ay dhacdo ama sideeda loo rumaysto.

Dr. Nabiil Khuuri ayaa isna sida saaxiibkii si la mid ah ka afeeftay in xogtan ay bixinayaan loo fahmo biyo kama dhibcaankii, isaga oo ka jawaabaya su’aal la xidhiidhay sababta ay dad badani saadaasha iyo xidigska u rumaystaan iyaga oo og in aanay run ahaynna waxa uu ku jawaabay, “Qof kastaa waxa uu xiiseeyaa is beddelka ku soo socda in uu wax ka ogaado. Waana taas ta xiisaha badan keentaa”

1. Mike Faghali:

Mike Faghali oo uu weriyuhu ka dalbaday in uu si kooban mid mid ugu sheego is beddellada uu ka filayo dunida muslimka ayaa qodobbadan hoose tiriyey:

– Sucuudigu dhowr gobol (Imaaradood) ayuu u kala go’ayaa.

– Turkigu waa uu qaybsamayaa oo Kurdiyiinta ayaa qayb ka mid dawlad madax bannaan kaga dhawaaqaya. Dhinaca kalana waxa uu khilaaf soo dhex gelayaa raysalwasaaraha Turkey Rajab Dayib Erdogan iyo wasiirkiisa arrimaha dibadda Axmed Daa’uud Ooglo, labadan nin oo imika ah saaxiibbo aad isu jecel isku aragtina ka ah siyaasadda dawladda Turkey.

– Qof aad u muhiim ah ayaa ka dhimanaya dalka Urdun, waxaana ka dhacaysa baroor diiq meelo badan oo dunida ah laga dareemo.

– Dhibaatooyinka ugu badan ee dhici doona sannadka 2013ka iyo 2014ku waxa ay la xidhiidhi doonaan argagaxisada iyo cimilada (Sida daadad, duufaanno iwm) waxaana dhici karta in gobollo khariiraddaba laga waayo oo ay biyo iyo bado isu beddelaan.

– Dalka Lubnaan waxa uu horumar muuqda ka samayn doonaa dhinaca dhaqaalaha.

Dr. Nabiil Khuuri:

Sida ka muuqata hadalka Nabiil Khuuri oo ah nin caan ku ah xidigiska iyo saadaashu waxa uu qabaa aragti waxoogaa ka duwan taa uu sheegayo Mike Faghali. Waxaana hadalladiisa ka mid ahaa, “Anigu aragtidaa waan ka duwanahay, oo tusaale ahaan ma aaminsani in dawlad madax bannaani ay ka dhalan doonto qayb Turkey ka mid ah” Dhinaca kale waxa uu sheegay in ninka xiddigiyaha ah ay mararka qaarkood dhibaato kaga timaaddo saadaasha uu sameeyo, oo haddii saadaal taban ay ahayd oo ay rumowdo ciddii ay khusaysay ay dagaal iyo haddidaad kula kacdo. Waxa aanu tusaale u soo qaatay, Mar uu sannadkii 2010kii saadaaliyey in uu dalka Lubnaan ka dhici doono shil diyaaradeed oo ay dad badani ku dhintaan, isaga oo sheegay in markii 25kii Jeenaweri 2010ka ay hawada Lubnaan ku burburtay diyaaraddii ay lahayd shirkadda Ethopian Airline oo 3 daqiiqo uun ka hor ka kacday madaarka magaalada caasimadda ah ee Lubnaan, in arrintaas hadal badani kaga soo noqday. Dr. Khuuri waxa uu sheegay in markii uu dhacay shilkan oo ay ku naf waayeen 90 qof ay waaxda dembi baadhista dalkaasi muddo waraysanaysay, kuna amartay in aanu dalka ka bixi karin isla markaana warbaahinta la hadli karin” marka uu halkaa marayey Dr. Khuuri  waxaa hadalka ka soo dhex gashay haweenayda iyaduna caanka ku ah xidigistka ee isla dalka Lubnaan u dhalatay Elien Macluuf oo iyadu sheegtay saadaasha uga muuqata sannadkan 2013ka.

Elien Macluuf:

Madaxweynaha dalka Suuriya Bashaar Al-Asad, xilka waa uu sii haynayaa sannadkan, laakiin waa in aanu dhaqdhaqaaqin. Haddii rabshadaha oo sii kululaan doona awgood uu isku dayo in uu baxana kooxaha kacdoonka ayaa gacanta ku dhigaya.

Misheel Xaayik:

Misheel Xaayik oo isna ah xiddigiye kale oo u dhashay dalka Lubnaan, caanna ku ah saadaasha dhacdooyinka sannadka ayaa isna mar uu dhowaan ka hadlayey talefishanka Mtv oo laga leeyahay dalka Lubnaan waxa uu saadaaliyey sidan:

– Sannadkan waxaa dhici karta in ururka Alqaacida uu beegsan doono, taliyaha guud ee ciidamad qalabka sida ee dalka Lubnaan iyo guddoomiyaha baarlamaanka dalkaas Nabiil Birri. Laakiin Xaayik waxa uu sheegay in indhaha dunida oo dhami ay ku jeesan doonaan qasriga madaxtooyada ee dalka Suuriya oo uu sheegay in burbur badani ku dhici doono qiiq madowina ka bixi doono, mid ka mid ah daaqadaha qasriga. Muddo gaaban kadibna shakhsi warbaahinta caan ka ahi uu ku dhawaaqi doono arrin dunida oo dhan lama filaan ku noqota.

Masar: Xaayik waxa uu saadaalinayaa in rabshaduhu ay ka sii socon doonaan dalka Masar, ciidankuna uu mar qayb ka noqon doono waxa dhacaya, isla markaana la dareemi doono dhaqdhaqaaq ciidanka gudihiisa ka jira. Waxa aanu sheegay in rabshadahaas iyo culaysyo siyaasi ah oo soo kordhaa ay sumcad dili doonto madaxnimada Maxamed Mursi, waqtigiisa xilkuna inta loogu talo galay uu ka soo gaaban doono. Waxa kale oo uu Xaayik saadaaliyey in dalka Masar ay ka dhici doonaan falal badan oo khaarajin ahi.

La soco…

Comments are closed.