AMISOM Oo Weydiisatay IRAN Inay Wax Kala Qabato Xalinta Dhibaatada Somaliya

0
598

 

Tehran (Geeska/FNA)- Afhayeenka ciidamadda AMISOM ee Soomaliya ayaa ka codsaday xukuumada Iran taageeradooda ku aadan ka badbaadinta Soomaliya Shabaab, kuna amaanay gargaarkooda bani’aadminimo.

Col. Cali Adan, ayaa sheegay, “Anigoo ah afhayeenka ciidamada nabad-ilaalinta Midowga Afrika iyo Qaramada Midoobay ee Soomaliya, waxaan soo dhoweynayaa dhamaan inta taageeradooda ka geysata dalkan dagaaladu aafeeyeen, waxaan sidoo kale u soo jeedinayaa  Jamhuuriyadda Iran inay naga taageeraan badbaadinta Soomaaliya,” ayuu u sheegay FNA.

Waxuu sidoo kale tilmaamay ku qanacsanaanta AMISOM hawlaha gargaarka bani’aadminimo ee Iran u fidiso shacabka.

Horaantii bishan ayey Madaxweynaha Iran ka Soomaaliya kulan ay Qaahira ku yeesheen kula soo qaaday xoojinta gargaarkooda ku aadan Soomaliya.