Madaxweynaha Djibouti Oo Ka Hadlay Doorashada Jimcaha Dhacaysa

0
552

 

Picture2Djibouti(Geeska)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Djibouti Md. Ismaaciil Cumar Geele, ayaa ka hadlay doorashooyinka Baarlamaanka ee la filayo inay Jimcaha beri dalkaas ka qabsoomaan.

Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geele, oo xalay ka hadlay telefishanka dalka Djibouti, wuxuu shacabka ugu baaqay inay codkooda siiyaan xisbiga isbahaysiga aqlabiyadda ee UMP, si loo sii wado horumarka Djibouti. Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geele, wuxuu ka hadlay ololaha doorashada ee dalka Djibouti, “Waxa isu yimid dad aan salaanta iska qaadayn, siyaasadina waa dad is ogol inay meesha yimaadaan, dad kala jeeda, imikadaas markay ololaha galayaan nin waliba keligii ayuu socdaa, waxay taasi abuuraysaa midnimo la’aantu khiyaamo ayaa ku dhex jirta, ama dadka socdaa’ qolo walba meel ayay ka socotaa.” Ayuu yidhi Madaxweynaha Djibouti.

Waxa kale oo uu ka hadlay qaar ka mid ah culimada Djibouti oo ka qayb galay ololayaashii doorashada,

“Waxaan aragnay afar qof oo wadaado ah, anigu wadaad xume ayaan idhaahdaaye oo doonaya inay ku milmaan culimada, culimadeenu waxaanu u haynaa ixtiraam, ragani diinta way iska dhigeen, waxay ku kaceen siyaasadda, xisbi ayaanu samaysanaynaa ayay yidhaahdeen, dawladuna xisbogooda way joojisay, markay waxyaabo ka dhex aragtay, waxa haddana soo baxaysa waxay sheegayeen inaanu hadafkoodii ahayn.”

Isagoo ugu dambayn shacabka Djibouti la hadlaya wuxuu Madaxweynuhu yidhi “Waxaan leenahay dalkeena uma quudhi karno in dhibaato la gaadhsiiyo, in geedi socodkiisu joogsado, waxaanu leenahay waa  in dadkeenu iyagoo dhan ay u codeeyeean UMP oo aan dalkana  kaga saarno faqriga iyo dhibaatooyinka.”