Saadaasha Cilmi Falagga Ee Dunida Iyo Sannadka 2017

0
757

1Golaha sirdoonka qaranka oo ka  kooban xeeldheerayaal sirdoon oo waaweyn iyo waayo-arag lafa-gura arrimaha siyaasadda, ayaa warbixintan afar-sannadlaha ah, ku sheegay arrimo ay ka mid yihiin:

– In argagaxisadu ay sii kordhi doonto tobanka sano ee soo socda, iyada oo ay soo bixi doonaan kooxo iyo ururro yaryar iyo shakhsiyaad, kuwaas oo haysta tiknoolajiyad, afkaar cusub iyo xidhiidho caawinaya.

– Waxa uu madow badan geli doonaa Maraykanka oo ku mashquulaya siyaasaddiisa arrimaha gudaha. Waxaa hoos u dhici doona heerka xuquuqda aadamaha ee dunida, waxaa kordhi doona loollanka iyo colaadaha, waxa aanay dhiirrigelinaysaa Ruushka iyo Shiinuhu in ay ka hor yimaaddaan oo weliba cariyaan Maraykanka.

In kasta oo ay sheegeen in caqabadaha iyo xiisaduhu aanay gaadhi doonin heer dagaal qarxo, haddana waxa ay ka digayaan in kalsooni ka badbadin ah laga qaato iyo xaaladda oo aan si dhab ah loo qiimayn khatarteeda, taas oo ay u arkaan in ay ka darnaan doonto halkii ay gaadhay xilligii dagaalkii qaboobaa uu ka socday adduunka.

Warbixintu waxa ay sheegtay in xiisadda ugu badani ka dhalan doonto dawlado heer gobal ah oo doonaya in ay quwad ka noqdaan gobalka ay ku yaallaan, xoogna ku muquuniyaan dalalka kula jira gobalka ee itaal ahaan la midka ah ama ku soo dhow iyo kuwa ay ka dareemaan in ay la loollamayaan

Warbixintan uu sirdoonka Maraykanku ku odorosayey waxa dunida laga filan karo timaaddada dhow waxa kale oo lagu sheegay in horumarka ballaadhan ee dunidu ka gaadhay tiknoolajiyadda iyo caalamiyeyntu ay si weyn uga qayb qaadatay in dadka maalqabeenka ahi sii maalqabeenoobaan, faqriguna ku sii bato kuwa marka horeba faqiirka ahaa, waxa se ka sii daran oo hadda kadib uu isbeddelka dhaqaale ee horumarka tiknoolajiyadda ku ladhani burburin doonaa dabaqadda dhexe ee dalalka reer galbeedka oo ah ta ugu badan, uguna saamaynta badan, cidhibteeda oo imikaba horraanteedii la hayaana waa in dadku ka soo horjeeddaan barnaamijka edegeynta dunida, waxaana sii xoogeysan doona dibad baxyadan lagaga soo horjeedo edegeynta ee ay hormuudka ka yihiin dadka dabaqadda dhexe, waxaana cadhada dadkan sii hurin doona dadka soo galootiga ah ee sida xawliga ah ugu sii qulqulaya dalalka reer galbeedka.

– Warbixintan waxa kale oo guddida sare ee golahan sirdoon ku odorosay mustaqbalka xoogga dhalinyaro ee dalalka reer galbeedka iyada oo lagu sheegay in sannadaha soo socda uu dalalka qaniga ku yaraan doono xoogga dhalinyaro ee qaban lahaa shaqooyinka muhiimka ah ee horumarka ka qayb qaadan kara.

Xooggani dhalinyaro waxa uu ku badan doonaa dalalka faqiirka ah, gaar ahaan dalalka qaaradda Afrika iyo Koonfurta Eeshiya. Xoogga dhalinyaro ee ku badanaya dalalkan faqiirka ahi waxa ay waxweyn ka beddeli doontaa xaaladda dhaqaale ee dalalkan, waxa aanay ku soo kordhin doontaa horumar la taaban karo oo dalalkani ka sameeyaan dhinaca magaalooyinka.

Ugu dambayntiina waxa ay daraasaddan odoroska ah ee golaha sirdoonka Maraykanku saadaalisay in marka si guud loo eego, uu dhaqaalaha dunidu ka sii daciifi doono halka uu hadda joogo, iyada oo bilowga hoos u dhacaa iyo daciifnimada dhaqaalaha ku imanaysaa dhaqso loo dareemi karo, lana arkee xukuumado, shirkado iyo haayado kala duwa oo la silcaya sidii ay u badbaadi lahaayeen, iyaga oo isku dayaya in ay iska caabbiyaan dhibaatada dhaqaale ee kaga iman doonta masiibada maaliyadeed ee dunida ka jirta.

Waxa aanay caddaysay in hoos u dhac iyo ururis badani ku dhici doonto dhaqaalaha dalalka dhaqaalahoodu buuran yahay. Taas oo sababaha keenaya ee ugu waaweyn ay ka mid noqon doonaan, hoos u dhac ku yimaadda xoogga shaqaale ee dalalkani helayaan, kadib marka ay dhalinyaradu ku yaraato, sababna u noqoto in wax-soo-saarkoodu aad hoos ugu dhaco, waxaa u raaci doona deymo badan oo ay dalalkani galaan, dalabka wax-soo-saarkooda oo hoos u dhaca iyo shakiga dadka dunida oo dhami ka qabaan nidaamka edegeynta dunida.

Qormadan oo tii 17 noqonaysa waxa uu Wargeyska Geeska Afrika ku soo qaatay warbixinno iyo hadallo ay mustaqbalka dunidan iyo waxa laga filan karo sannadkan cusub ee 2017ka ka yidhaahdeen dadka lafa-gura siyaasadda, dhaqaalaha iyo arrimaha bulshada ee dunida, dadka ku xeeldheer odoroska xidigiska iyo weliba xeeldheerayaal kala duwan oo qiimayntoodan ku helaya hab-raacyo.

Si kastaba ha ahaato ee wargeysku xogta uma uu soo gudbin in uu aaminsan yahay in timaaddada ay ogtahay cid aan Alle (SWT) oo taasi waa marag ma doon, waxa se in badan dhacda in dadka arrimaha odoroska iyo lafa-gurka joogtada ka dhex odorosa timaaddadu ay marar badan ku guulaystaan in ay fahmaan in waxa hadda dhacayaa uu hordhac u yahay timaaddo ka dhalatay isla xaaladdan.

Waxa uu wargeysku aaminsan yahay in faaliyuhu been sheegayo xitaa haddii hadallada uu mar sheegay run noqdaan, waxa aanu akhristayaashiisak u baraarujinayaa in shareecada Islaamku ay xaaraan ka dhigayso faalka iyo faashiga. Runta waxa soo socda oo dhanna Alle oo keliyi ogyahay. Mahadsanidin. Dhammaad.