Saadaasha Cilmi Falagga Ee Dunida Iyo Sannadka 2017 Faaliyuhu waa beenaale xitaa marka uu run sheego (15)

0
657

– Xidhiidhka Maraykanka iyo Hindiya ayaa aan fiicnaan doonin. In kasta oo Hindiya uu xinfiltan ka dhexeeyo Ruushka haddana kala fogaanshiyaha Maraykanka iyo Shiinuhu sooma dhoweyn doono Hindiya, oo iyadu si aad ah uga cadhoon doonta cadaadiska iyo dhaqaale burburinta uu Maraykanku ku hayo dalka Iiraan.

Hindiya waxa ay muddooyinkan dambe xidhiidh fiican la samaysay Iiraan waxa aanay aad u soo dhoweysaa Shiicada oo ay taageerto in ay awood yeeshaan, iyada oo doonaysa in ay ka horgeyso Sunniga dalka Baakistaan ee ay is hayaan Hindiya. Dhinaca kalana Iiraan waa dalka shidaalka ugu badan siiya dalka Hindiya, mar sadexaadkana dalka Hindiya oo horumar xawli ku socda oo dhaqaale samaynayaa ma jeclaysanayo dadaalka Maraykanka ee shidaalka qiimihiisa kor loogu qaadayo, arrimahaas oo isu tegey Maraykankuna aanu ka garaabi dooninna waxa ay kala fogeyn doonaan Hindiya iyo Maraykanka.

China

– Madaxweynaha Shiinaha Xi Jinping waa uu sii wadi doonaa hoggaaminta dalka Shiinaha kadib marka mar kale xilkaas loogu cusboonaysiiyo kulanka guud ee golaha sare ee ee xisbiga oo dhici doona sannadkan 2017ka. Waxa aanu dagaal adag la geli doonaa kooxaha shuuciga siyaasaddoodu adag tahay ah, taas oo neefta u soo celin doonta dalalka Taywaan iyo Jabbaan oo cabsi weyn ka qaba in siyaasiyiintaas oo taladu u gashaa ay xasiloonni darro badan ku keeni doonto dalalkooda iyo dhaqaalahooda, maadaama oo aanay ka farogelin la’aan doonin.

Dhinaca kalana warka soo noqoshada Xi Jinping waxa aan ku farxi doonin hoggaamiyaha Kuuriyada Woqooyi Kim Jong-un oo isagu jeclaan lahaa in talada Shinaha ay qabtaan siyaasiyiinta waddaniyiinta mucangagga ah lagu tilmaamo, taas oo kor u qaadi doonto xidhiidhka uu la’ leeyahay Shiinaha, oo imika aan fiicnayn kalsooni darro uu hoggaamiyaha woqooyiga Kuuriya ka qabo madaxweyne Xi Jinping awgeed.

– Saadaashan ay qortay Romina Mcguinness oo uu Geeska Afrika ka soo xigtay degelka internet ka ee wargeyska Express ee ka soo baxa dalka Ingiriiska, waxa ay si ka duwan sidii aynu hore ugu soo aragnay saadaalihii hore, Marie Le Pen  looma dooran doono madaxweynaha dalka Faransiiska, waxa aanay u dhowdahay in guuldarrada kadib ay xilka hoggaaminta xisbigeeda ka degi doonto. Iyada xisbiga qabsan doono siyaasi jaro-barad aan codkar ahayn ah oo lagu magacaabo Francois Fillon, kaas oo ay dadka Faransiiska ah u noqon doona ka fursan waa ay u codeeyaan kadib marka ay ka soo istaagaan madaxtinimada Francois Hollande.

– Dalka Jabbaan waxa uu waajihi doonaa dhibaatooyi dhaqaale oo ka dhasha barnaamij dhaaale oo uu muddooyinkan dambe dalkaas ka wado raysalwasaare Shinzo Abe. Siyaasadda lacagta oo liigaysa, kab badan oo ay miisaaniyaddu gasho, siyaasadaha dhaqaalaha ee Donald Trump oo ah mid wadaniyaddu ku badan tahay iyo shidaalka qiimihiisu kacayo oo is biirsaday ayaa sii xumaynaya dhaqaalaha Jabbaan.

– Xaaladaha colaadeed ee Suuriya oo qaboobi doona ayaa hoos u dhigaya tirada dadka qaxoontiga ah ee ku yaacaya qaaradda Yurub, laakiin tahriibka Afrikaanku waa uu sii socon doonaa, sababaha sii kordhinayana waxaa ka mid noqonaya dhibaatada isbeddelka cimiladu ku hayo Afrika oo si weyn u sii kordhin doonta dhibaatada dhaqaale iyo xasilooni darrada siyaasadeed ee awalba jiray.

– Donald Trump isla marka uu xilka la wareego waxa uu bilaabi doonaa tallaabooyin uu ku tirtirayo wax badan oo ka mid ah dhaxalka uu ka tegey madaxweynaha hadda ee Barak Obama.

– Xabbad joojinta dalka  Suuriya ee ay ka shaqaynayaan Ruushka iyo Turkiga ayaa keenidoonta nabad soo afjarta colaadda dalkaas ka socotay muddada Shanta sano ka badan. Waxa aana sii socon doona dagaallada ka  dhanka ah ISIS oo la doonayo in dib looga qabsado deegaannada dalka Suuriya ee ay hadda haystaan.

– Raysalwasaaraha Ingiriiska Theresa May ayaa ka shaqayn doonta sidii wada  xaajoodka ka bixista Midowga Yurub ee dalkeedu u soo afmeermi lahaa bilaha u horreeya sannadkan 2017ka.

– Dalka Holland doorashooyinka ka dhici doona waxaa  ku guulaysanaya siyaasiga xag-jirka dhinaca midigta ah ee Geert Wilders. Ninkan oo si aad ah uga soo horjeeda Islaamka ayaa hore wacad ugu maray in haddii uu raysalwasaare ka noqdo dalkiisa uu xidhi doono masaajidda, Qur’aanka mamnuuci doono, isla markaana dalka ka qaban doono afti uu kaga baxo midowga Yurub.

Madaxweynaha qunyar socodka lagu tilmaamo ee dalka Iiraan Xasan Rawxaani ayaa la kulmi doona mucaaradad adag oo kaga imanaysa kooxaha mucangagga ah, kadib marka uu ku dhawaaqo in uu doorashada dambe isu soo taagi doono. Waxa aanay u eeg tahay in doorashadaas natiijada ka soo baxdaa wax weyn ka beddeli doonto mustaqbalka siyaasadda arrimaha dibadda ee Iiraan, saamayn dheerna ku yeelan doonto Bariga Dhexe iyo meelo kale oo dunida ka mid ah.

Heshiiska hadda jira ee uu Rawxaani la galay Maraykanka iyo quwadaha dunida oo ah kan sababta u ah in dalka Iiraan laga qaado badh ahaan cuno qabatayntii muddada dheer saarnayd, waxaa mad madow gelin doona madaxweynaha la doortay ee Maraykanka Donald Trump.

– Raysalwasaaraha muddada dheer ku fadhiyey kursiga ee dalka Jarmalka Angela Merkel ayaa noqon doonta dhufays wax badan laga difaaco wada jirka midowga Yurub,  La soco……………