Abaaraha Iyo Dib U Dhigista Doorashada Somaaliland W/Q Khaalid Cabdi Xirsi

0
697

Yaa Dabaanad Qaadaya In Abaaraha Wax Laga Qabanayo Hadi Doorashada Dib Loo Dhigo

1

1.           Ma Xukuumada Talada Dalka Haysaa Iyo Xisbiga Muxaafidka Ahbaa

2.           Ma Xisbiyada Mucaaradka Ah Ee Dabada Ka Riixaya Muda Kordhintaa

3.           Waa ayo cida dabaanada qaadaysa hadi doorashada dib loo dhigo in abaaraha gurmad 100 laga gaysan doono

Iyado aynu ka warqabno xaalada abaartu inay marayso meeshu ugu darnayd isla markaana ay dhimashadi xoolahu ay uso gudubtay bani, adamki sidasow tahayna xukuumada talada dalka haysa iyo bulshada reer somalilandna wixi ay ka tari karayeen ka tareen ila hadana ay wadaan, balse ila hada aan la gaarsiin gurmad dadka abaartu saamaysay qiyaas ahaan 70% dadki ay abaar la idlaran yihin,

Waxaynu ognahay xaaladaha noocan oo kale ee masiibada  in wax laga qabta ay u baahan tahay wax badan oo ay ka kow ka tahay, kharashka ama maaliyada loogu gurmanayo dadka abaartu saamaysay iyado loogu qabanayo howlo kala duwan sida. In ceelal lo qodo, raashin la siiyo, in dib u dajin lagu sameeyo loona raro dhulka uu roobku ku danbeyay ee aanay abaartu aad u samayn

Abaar  Iyo  Barwaaqo  Midna Kuma Bad Qabno                                          

Waxaynu nahay Bulsho nolosheedaba abaariyo barwaaqo ay kala goosatay, Bulsho tabar daran, had iyo jeerna ku foogan waxaan danteeda ahayn, Bulsho hadba waxa soo maraaan ku waayo qaadan ,Bulsho ilowsho badan waxaynu nahay bulsho cidii doontaaba ay ka fushan karto waxay doonto, Bulsho qabiili,iyo weliba bulsho aan aqoon lahayn xitaa kuwooda wax bartay reernimadaa ka adag, ,

Mudo kordhin doorashada dib loo dhigo garanaye waana arin sax ah in dadka abaartu samaysay loo gurmado waana arin dastuuri ah isla markana waajib ina wada saaran. 

balse somaalida tiraahda nimaan garan wax so socda waxa jooga ma garto, doorashada dib ha loo dhigo sanad ama wax ka yarba ha loo dhigo e ma xumoo hadaba arinti dib loogu dhigay ee ahayd abaarta yaa dabaanad qaadaya oo howsha abaarta galaya oo dadka u gurmaanaya,

mise waxa uu weyaan muda kordhin iyo kal iyo cadeed oo muda korodha moyaane aanay jirin qorshe kale oo uga meel yaala oo umada loogu gurmanayo.

Ma Xukuumada  Iyo Xisbiga  Kulmiye  Ayaa  Dabaanada Qaadaya

Xukuumada dadaalkeedi ma yara balse awoodeda ayaa yar waxanay ila haday samaysay guridiyo abaareed oo heer qaran ah iyo kuwa heer gobolka oo hormood ka ah gurmadka abaaraha balse waxa Iyana jirta qorshe la aan iyo aqoon laani ay ku jirto, oo aad odhan karto sidi wixi la helay haba yaradaane sideedi looma isticmaalin ama bulshada may gaadhin,

Iyadow sidaa tahay xukuumadu ma daabanad qaadaysa hadi ay mudo kordhin timaado iyado sababta u wayn ee lo kordhinaya ay tahay abaaraha  ba,an ee dalka jira wax laga qabto isla markaana ay dastuuri tahay in marka ay howlaha noocan oo kale ay jiraan in aan doorasho iyo wax kale la  qaban Karin, xukuumada ma dabaanad qaadaysa inay 100% uu  gurman doonto dadka abaartu saamaysay ha u darnaadaan deegaamada bari e.

Xuukumada Beesha caalamka maxa uga qorshaysan, xukuumadu xiidhih ma la samaysay,  proposals ama warbixino sax ah ma u dirtay oo ay kaga waramayso halka ay xaaladu  marayso iyo habka ugu haboon ee loogu gali karo, haday noqoto kharashaadka ku baxaya iyo cida ka shaqaysanaysaba, mise waxa Iyana iska noqonaysa uun in sidi horeba u dhacday aayar inta la so maro waxyarna la siiyo la idhaahdo abaaraha ayaanu u kuur galaynay, kuurgalka macluumada iyo warbixin baa ka so baxee meeday, ku darsoo waxa Iyana arinta uu baahan in aad loo eego, sida ay u shaqeeyaan gudida abaaraha oo dhalishoodu aad u badan tahay gurmad loogu dhiibay abaarahana aa naan si waanagsan u maamulin, haba u darnaato ganacsatada iyo bulshada reer Somaliland ay ugu deqeen lacag aad u badan oo ku dhawaanaysa laba million dollar, 2 million dollar  iyo boqolaal kun oo dollar oo ay qurbo joogta reer Somaliland so direen,xukuumaduna sida ay ino shegeen inay  ku wareejiyeen gudiga abaaraha oo aan ilaa hada cidna lo sheegin halka ay martay, sida lo qorsheeyay, cida la siiyay, 

Oo hadi in uun si fiican lo maamuli lahaa dalka wax badan loogu qabanlaha, haday noqoto ceelal biyoodyo aad u tiro badan iyo biyo xidhoono waawayn loo sameeyo, raashino la siiyo dadka,iyo  dib u dajin dadka lagu sameeyo, intaaso dhan lagu samayn kari lahaa manta ma ay jogteen halka ay marayso xaalada abaartu.

Xisbiyada Mucaaridka Ee Mudo Kordhinta Daba Ka Riixaya Ayaa Dabaanad Qaadaya

Xisbiyada mucaaradka ah xaalada abaaraha wax way ka qabteen inkasto ay tamartoodu iska yar tahay hadana waxa la odhan kara waxay qabteen, haday noqoto raashin ay ugu geeyeen dadka, biyo ay u qaybiyeen qaybo ka mida goobaha ay abaartu ka dhacday, inkasto nimaad xumo badan ku jirtay oo ay inta gawaadhi badan la isla daba galo aad garan karto kharashka baxaya ee dadka ku baxaya shidaalada ku baxaya qaadka ku baxaya i

Hadaba Xisbiyada mucaaradku ma iyaga dabaanad qaadaya hadi muda kordhinta dooarashada ee dabada ay ka riixayaan ee ina leeyihin umada ayan u naxayna oo doorasho lama gali karo wax ma u qabanayan dadka abaartu saamaysay oo umada ma u gurmayaan mise inta marka ay safar kenya ah tagaan iyago sifaha ay ku tageen aanu sharciba ahayn isla markaana aanay hayadihi shaqada ku laha aanay la socon inta hotel 5star ah iska dagaan oo ay iska so  raaxaystaan sawiro qurxoona iska so qadaan  ayay ina odhani abaarihi Ayaan wax uu doonay iyo xoolihi ayaanu furayna  mise sidoodi ayay masaakinta macaluushu ka muuqato sawiro la soo gali aan anshaxa iyo baniadamnimada ku jirin.

yo sawiro tiro badan oo lala galayo dadka oo aan wax macno ah ku fadhiyin loonasa baahnayn oo ka haboonayd inay nimaad wanaagsan dadka waxa ku gaadhsiyaan haba yaraato waxa ay bixinayaane wa hadi ay donaayan inay dalka hogaamiyaane.

ARMAY ROON TAHAY INAYNU ILAAHAY U NOQONO DUNUUBAHA BADAN ISKA DAYNO, DULMIGA IYO CADAALADA DARADA KA DHEERAANA, ALLAH BARIGA BADINO, RIBADA IYO CAADAYSIGA XARAAN CUNIISTA ISKA DAYNO, ILLE DABMI DHAAF WAYDISANO, IYO INU RAXMADISA INO SHUBO RAXMADA ALLE MOOYE TU KALE INA QABOOJIN MAYSE, ISLA MARKAANA AYNU ISKA DHEX WADO GURMADKA ABAARAHA IYO DOORASHADA SHARCIGEENANA ILAASHANO IYADO

DABMI DHAAFE, DUCO NAGA AQBAL

DAACAD AAN DULMI AQOON IYO DAALINBA OGSOONE

RAXMADI DUSHOO NO DA, DAN SUGAYNAAYE DA’IN NAGU CAAWI,

DALAG CIIDA LA BEERIYO IYO DAGAL BARWAAQA LEH

DIRI MEELA DAMAL LA HADHSADO IYO DIXI KA SO SAARE

DIIF IYO HARAADBAN QABNA DAD IYO DUUNYABE’

DARUURAHA CIRKIYO ROOB DEGDEGA DAAIN NAGU CAAWI, Abwaan Halbeeg

ALLA HA SAHLO

W/Q:  Khalid A. Hirsi

                Hargeisa Somaliland

           Hasskhaled2@gmail.com