Saacadda Ugu Horreysa Maalin Kasta Ayaa Sees U Noqonaysa Guul Aad Ka Gaadho Hawl-Maalmeedkaaga (3)

0
545

Hargeysa (Geeska)- Waa qaybtii saddexaad ee qormadii uu Geeska Afrika afsoomaaliga u rogay ee ka hadlaysay muhiimadda ay saacadda ugu horreysa maalintu u leedahay shaqada uu qofku qabanayo maalinta inta hadhay, iyada oo tusaale u soo qaadanaysa dad caan ah oo sheegaya waxa ugu horreeya ee ay maalintooda shaqo ku bilaabaan.

– Caadayso in maalin kasta saacadda koowaad ee shaqadaada aad ku bilowdo arrin isku mid ah oo aan aad u dhib badnayn, si aanad uga caajisin. Tusaale ahaan caadayso in aad akhrido jus ama Jus badhkii ama xitaa bogag Qur’aanka Kariimka ah ka mid ah subax kasta.

–  Ku dadaal in hawsha aad saacadda koowaad ee maalintaaa ku bilaabaysaa ay noqoto mid waqti go’an maalin kasta aad bilowdo, waqti go’anna aad ku joojiso, si marka dambe ay naftu ugu aragto caado oo ay ku adkaato in ay jarto. Ama maalinta si un ay u qaban weydo ay dareento in hawl muhiim ahi ka maqan tahay.

– Xeeldheerayaasha Qaar ayaa ku taliyey in qofku subax kasta inta aanu hawlmaalmeedkiisa gudogelin uu ku bilaabo saddex daqiiqo oo ah xamdi Alle iyo in uu naftiisa baro in ay qirato dheeraadka iyo wanaagga uu helay ee looga baahan yahay in uu ka faa’idaysto. Dabcan Allihii siiyeyna uga mahadnaqo. Tusaale ahaan qofku ha samaysto buug yar oo subax kasta saddexdiisa daqiiqo ee shaqada ugu horreysa uu ku qoro, shay kasta oo markaas uu xasuusto oo uu is leeyahay waxa uu mudan yahay in laga xamdi-naqo isaga oo muujinaya in uu ku faraxsan yahay, tusaale ahaan, caafimaadka, xaaska/sayga, carruurta, kartida iyo badqabka jidh ahaaneed, socodka, aragga, cuntada iyo wax kasta oo uu dareemayo in uu yahay nimco weyn oo mudan in uu ka mahadnaqo kuna farxo, dhibaatana malaha haddii waxyaabaha qaar ay muddo dheer maalin kasta soo noqnoqdaan, waxa uun iman karta maalin ay ka maqan yihiin liiska, maadaama oo aanay adduunyadu mar kasta dhamays ahayn, maalintaas uu waayo, marka uu qori waayo ayaanu xasuusan doonaa qiimaha ay kala maqan tahay.

— U fiirsiga: Waxaa muhiim ah in qofku uu caado ka dhigto in uu subax kasta shaqada horteeda naftiisa ku tababaro in ay 7 daqiiqo maskaxda faaruq ka dhigto si ay u fiirsi u samayso. Caadooyinka maskaxda bani’aadamka ku abuuran waxaa ka mid ah. In la arko maskaxda qofka tagtadii (Wixii hore u soo maray) uun ku dheggen, ama inta ay taariikhdii soo martay iska illowday timaadada uun ku mashquulsan kana fikiraysa. Ku dadaal in aad maskadaada ku tababarto in aanay tagtadeedii wada illaawin, iyada oo aanay warwar iyo xanuun ku noqonayn balse keliya ka dhiganaysa waayo-aragnimo iyo duruus ay ku cibro qaadato, sidoo kale timaadadeedana aan illaawin oo aan addoon u noqon wax hore u dhacay oo dhammaaday. Taasina sida ugu habboon ee ay ku iman kartaa waa in qofku isaga oo deggen maskaxdiisa ka shaqaysiiyo oo uu dib u xasuusto waxa ay soo martay ee u baahan in ay duruusta ka barato iyo waxa u dhiman ee ay tahay in ay qabato iyada oo ka taxaddaraysa qaladkii hore oo kale. La soco…