Saacadaha Shaqada Ee Adduunka Oo Celcelis Ahaa Ku Soo Ururay Saddex Saac Oo Keliya Maalintii Halkii Siddeed Saac Laga Rabay Iyo Sababta Oo La Ogaaday

0
849


Hargeysa (Geeska)- Cagajiidka iyo hagrashada oo ka mid ah dabeecadaha dunida casriga ah ku sii badanaya ayaa sabab u ah in saacadihii shaqada ee shaqaaluhu tiro ahaan hoos ugu dhacaan intii laga rabay.
Cilmibaadhis dhowaan la sameeyey ayaa muujisay in qofka shaqaalaha ah ee caadiga ahi uu maalintii 3 saac oo keliya ka shaqeeyo 8-dii saac ee waajibku ahaa in uu shaqeeyo, weliba saddexda saac in ay ka dhiman yihiin 7 daqiiqo. Saacadaha soo hadhay oo ah 5 saac iyo 7 daqiiqo ayaa ay daraasaddu sheegtay in uu qofku maalin kasta ku lumiyo cagajiid iyo ku mashquulid hawlo aan loo diran oo ay ugu horreeyaan eegista iyo baadhista baraha internet ka ee ay bulshadu ku xidhiidho, booqashada shabakadaha internet ka ee wararka iyo macluumaadka laga daalacdo, hadalka kutiri-kuteenta ah ee shaqaalaha dhexdooda ah, sigaar soo nuugista iyo nususaacaha, iyo guud ahaan hawlo la mid ah oo aan shaqada wax xidhiidh la lahayn.
Daraasaddu waxa ay qirtay in hakadyada shaqada la dhexgeliyaa ay muhiim u yihiin dardargelinta maskaxda iyo caafimaadka qofka labadaba, sidaa awgeed ay fiican tahay in qofku uu maalintii helo daqiiqado yar oo uu shaqada dhexgeliyo si uu u nasto, laakiin nasiibdarrada jirtaa ay tahay in dadku daqiiqadahaas aanay ku koobnaan ee ay ay saacado ka dhigtaan iyaga oo weliba aan nasashadii loo baahnaa qaadanayn ee ku mashquulaya internet ka iyo sheekada shaqaalaha dhexdooda ah.
Dhinaca kale waxa ay daraasaddu dadka loo shaqeeyo kula talisay in ay shaqaalahooda u sameeyaan dardargelin iyo tababarro shaqo oo joogto ah, si wax-soo-saarkooda shaqo uu u kordho, una horumaro.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here