Xukuumadda oo sheegtay inay Midowga Afrika ka dhaadhicinayso qaddiyadda madaxbanaanida Somaliland

0
675

 

Somaliland oo la weydiiyay sababta Ereteriya iyo Koonfurta Suudaan ay beesha caalamku u aqoonsatay, Somaliland oo ka horaysayna isaga dhego tirayso

Hargeysa(Geeska)-Xukuumadda Somaliland ayaa beesha caalamka ku canaanatay inay weli ka maagayaan aqoonsiga Somaliland, waxaanay xukuumadu sheegtay inay dedaal ugu jirto inay qaddiyadda Somaliland ku dabo-gasho Midowga Afrika.

Wasiirka arrimaha dibadda Somaliland Yaasiin Maxamuud Faratoon oo dhawaan u waramay wargeyska The Reporter ee ka soo baxa magaalada Addis Ababa, waxa la weydiiyay sababta ay beesha caalamku si isku mid ah ugu eegi waydayday qadiyadaha Somaliland, Ereteriya iyo Koonfurta Suudaan, iyadoo Somaliland labadan wadanba kaga hordhawaaqday madaxbanaanideeda, waxaanu Wasiir Faratoon ku jawaabay  “Arrintaasi waxay u taalaa inay Beesha caalamku ka jawaabto. Runtii ma garanayno sababta aay Beesha caalamku uga faaganayso inay na aqoonsadaan. Somaliland waxay leedahay dhammaan sharciyadii iyo shurudiihii qaran lagu noqonayay oo ay ku jiraan aftidiii shacabkayaga oo si cad u sheegtay mawqifka shacabka Somaliland. Waxaanu si adag u aaminsaahay hal qodob.  Somaliland ugu dambayn waxay heli doontaa madaxbanaanideeda. Wuxuu ahaa Midow Mutadawancimo ah oo aanu la galnay Soomaaliya.  Laakiin markii ay reer Somaliland dib ula soo noqdeen xorriyadoodii, waxay si cad oo ay xaq u leeyihiin uga baxeen Midowgii Soomaaliya.”

Wasiir Faratoon ayaa la weydiiyay inay leeyihiin qorshe ay kaga hawgalayaan Qaramada Midoobay iyo Midowga Afrika oo culays lagu saarayo aqoonsiga Somaliland, waxaanu yidhi

“Waxaanu isku dayaynaa sida ugu wanaagsan ee aanu awoodno. Mawqifkayagu waxa weeye inaanu diirada saarno inaanu beesha caalamka qaddiyadayada hordhigno oo aanu sida ugu wanaagsan isugu dayno inay beesha caalamku ogaato waxaanu doonayno. Waxaanu isku dayaynaa inaanu qaddiyadaya ku dabo-galno Midowga Afrika iyo xidhiidhada kale ee diblomaasiyadeed ee gobalka aanu ku leenahay.”

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here