Runtu ma Fantaa: Doorasho iyo dimoqoraadiyad ama.?W/Q:- Adam Muse Jibril

0
781

Picture1waa run, oo horaa loo yidhi runtu way qadhaadhahay. Mar wa ba se ma qadhaadha ee waa marka ay ka hortimaado cid doonaysa in ay ka weecato waddada toosan ee runta ka turjumaysa. Waa Runtii lagu casilay Shikhii wayna Sh. Cabdiraxmaan Ibna Khalduun, lix boqol oo sano ka hor, waa Runtii lagu maxkamadeeyey faylsuufkii waynaa ee Soqraad (Socrates) 399 BC, markii uu runta ka sheegay cilmiga falsafada, Xiddigiska, iyo Ariimahii  diimihii waqtigaas. Waa Runtii lagu maagay, raggi waaweyna ee reer Maras (Egypt) sida Maxamuud Amiin Al-Caalam, Maxamed Sayd Axmed, Dr. Daaha Xueen, waa tii lagu diley Dr. Xuseen Muruwa (Lubanan), waa tii lagu tooriyadeeye qoraagii waynaa Najiib Maxfuud. Waa tii huqda iyo ciilka ku dishey Abwaan Gaarriye. Maantana, runta ma Fanta?

Laba mashruuc oo kala  ah Dawaanglinta Madeniga ah iyo  Deywaan-gelina Codbixiyayaasha, waxaa u dhexeeya Runta maanta taagan ee lama huraanka ka dhitay in runta loo hiiliyo.Runtaas oo ah, Somaliland waxay  wax ku tahay (xagga indhaha caalamka) waa doorashada saldhigga u ah habka dimoqoraadiyada. Taas la'aanteedna Somaliland hal shilin ka gooyso suuqa (sayladaha) siyaasadaha iyo qaabka ay Caalamka u dhigeen quwadaha waaween ee reer galbeedku ee laga soo bilaabay 1648 markii sadexdii dawladood ee dunida markaas u talinayey (Holly Roman Empire, France iyo Spain) ay googosha u xaadheen waxa taariikhda loo yaqaan ''Westphalian State model''. ka dibna lagu dhamaystiray qaabka maanta jira ee Qaruumaha Midoobey (UN system) oo sida caddaalad-darrada ah Quwadaha waaween ee reer Galbeedku maanta ugu amar ku-taaglaynayaan dunida inteeda kale.

Daywaan-gelinta Medeniga ah waa loo baahanyahay, laakiin maanta loo dhiman maayo. Dibu-dhigeeda iyo la'aanteeda toona  maanta ku damimayso isha yar ee keliya ee inoo ifaysaa oo ah doorashada iyo dimoqoraadiyada. Daywaan-gelina medenigu waaa shaqada dawladaha hoose oo ay ahayd in la bilaabo sannadihii aynu bilawnay  doorashooyinka. Dibu dhaca dawaan-gelinta cod-bixiyaasha iyo doorashadu se waa Somaliland ha gasho wiriq oodan, oo aanay ka bixi karin, waa Somaliland ha ku rambasto heerka ay maanta joogto oo yaanay hore u socon waa caalamka ha ka go'do, waa halla dayriyo.

Runtu way qadhaadhahay, laakiin looma dhinto. waxaan leenahay xisbiga Kulmiye aakhirka way idin anfici doontaa, waa ku caafimaadi doontaan, sharaf  baad ka qaadi doontaan. Waar Odayga ka daaya jiho-wareerinta,  ha ka walaacinina runta ee u oggolaada in uu dhiirrado, oo hore u dhaqaaqo, oo isbeddel sameeyo, in uu  doorashada qabto waqtigeeda. Danta qaf walba runta ayaa maslaxaddu ugu jirtaa, xataa hadday  waabeeyo ka qadhaadhahay.

 adamjibril@hotmail.com