4 Jeer Oo La Isku Dayey In Qabriga Nebiga (SCW) La Soo Faqo Iyo Sida Mucjisada Ah Ee Alle U Badbaadiyey (6)

0
654

Picture6Hargeysa (Geeska)- Waa qormadii 6aad ee taxanihii uu wargeyska Geeska Afrika uu akhristayaashiisa kula wadaagayo qisas ka waramaya marar la isku dayey in qabriga Nebiga la soo faqo balse siyaabo aynu mucjiso ku sheegi karno ay u baaqatay:

Sida qisadu u dhacday:

Amiirkii Muslimiinta Nuuraddiin Sinki oo sida aynu hore u soo sheegnay ahaa amiir Alle ka cabsi badan ayaa habeen habeennada ka mid ah ku riyooday Nebigii (SCW) oo inta uu farta ugu fiiqo laba nin oo cawl-cawlan ku leh, “ii gurmo… iga badbaadi labadaas..!!”

Boqorkii isaga oo aad u naxsan ayaa uu hurdada ka booday, kuma uu noqon ee inta uu sara kacay ayaa uu sunne tukaday, kadib dib ayaa uu ugu noqday hurdadii… Cajiib, Mar labaad ayaa uu isla riyadii hore arkay, isaga oo yaabban ayaa uu haddana kacay oo inta uu weysaystay oo uu tukaday uu dib ugu noqday hurdadii, waa yaab ee, mar saddexaad ayaa uu isla manaamkii arkay. Laakiin markan inta uu sara kacay ayaa uu yidhi, “Hurdo iima taallo…” Khaliif Nuuraddiin Sinki waxa uu lahaa gacanyare wasiirkiisa koowaad ahaa, oo ahaa nin aad  ugu wanaagsan diinta, markiiba waxa uu u yeedhay wasiirkiisaas koowaad, waxa aanu uga waramay waxa ku dhacay, si uu talo uga bixiyo. Wasiirka koowaad oo magaciisu ahaa Jamaaluddiin Al-Mawsili ayaa isaga oo la yaabban boqorka waxa uu ku yidhi, “Oo markaa maxaa ku fadhiisiyey? Imika bax oo tag Madiina, cidna ha u sheegin waxa aad u socoto iyo waxa aad aragtay midna” Nuuraddiin Sinki, taladii wasiirka koowaad ayaa uu qaatay oo isla habeenkiiba waxa uu u diyaar garoobay safar ku waajahan Madiina, oo dowladdiisa hoos imanaysay, waxa aanu sii kaxaystay Wasiirkii koowaad Jamaaluddiin.. La soco…

Sida caadiga ah dadkii reer Madiina waxa ay isugu soo baxeen soo dhoweynta Khaliifka iyaga oo aad ugu dhegtaagaya in ay ogaadaan bal waxa uu safarkiisani daaran yahay. Waxaa la isugu soo ururay Masaajidka Nebiga (SCW) oo uu boqorku ku soo degey, kadib waxaa hadal u kacay wasiirkii koowaad ee boqorka, si uu dadka ugu sheego hadallo ay hore isaga iyo boqorku isula soo ogaayeen, waxa aanu yidhi, “Suldaanku waxa uu Madiina u yimi, keliya booqasho uu ku soo siyaaranayo Nebiga (SCW). Waxa kale oo aan idiin sheegayaai n boqorku uu Madiina u soo qaaday maal fara badan oo uu ugu talo galay in Muslimiinta Sadaqo loo siiyo, sidaa awgeed waxaa la idinka codsanayaa in aad soo qortaan magacyada dadka Faqiirka ah ee reer Madiina, si maalkaas wax looga siiyo” Dadkii iyaga oo faraxsan ayaa ay dib ugu noqdeen guryahooda waxa aanay isu abaabuleen in ay qoraan liisaska dadka baahan ee ka qayb galaya maalka Suldaanku u keenay. Sida lagu yaqaanno bani’aadamka marka sidan oo kale loo sheego in lacag iyo adduun la qaybinayo qof kastaa waxa uu jecel yahay in uu ka qayb galo, sidaas oo kale ayaanay u dhacday arrinta reer Madiina oo waxaa isa soo qoray dhammaan qoysasii ku noolaa magaaladan Barakaysan oo doonaya in ay ka qayb qaataan xoolaha Islaamka ee loo qaybinayo. Dabcan waana sida ay doonayeen Suldaan Nuuraddiin Sinki.

Maalin loo ballamay ayaa ay dadkii oo dhami isu yimaaddeen si ay u soo qaataan xoolaha boqorku qaybinayo, (Xilligaas aad uma ay badnayn dadka Madiina deegaanka ku ahaa), Nuuraddiin Sinki waxa uu soo fadhiistay goobtii lacagta lagu qaybinayey, wasiirkiina waxa uu bilaabay in dadkii oo safaf ugu jira uu u qaybiyo, ujeedada Nuuraddiin Sinki u fadhiyey waxa ay ahayd bal in dadkan uu ka dhex raadiyo labadii nin ee uu riyada ku arkay iyada oo uu Nebi Muxammed (SCW) uga cabanayo, kuwaas oo uu si fiican wejiyadooda iyo muuqaalkooda u xasuusan yahay, maadaama oo saddex jeer oo kala duwan ay riyadiisa ku soo noqdeen. Dadkii liisaska ku qornaa waa loo wada qaybiyey maalkii laakiin weli Suldaan Nuuraddiin Sinki ma arkin labadii nin, isaga oo yaabban ayaa uu dadkii dib u weydiiyey, “Waar bal dib isu waraysta in ay jirto cid aan qaadan xoolahan la qaybinayo” waxa ay ugu jawaabeen, “Maya ee waa aanu wada qaadannay” Mar kale ayaa uu haddana ku celiyey, “Bal hadda aad uga fikira oo dib xusuustiina ugu noqda” La soco…