Runtu ma Fanta: Maxaa xayiray aqoonsiga Somaliland: Doorka Aragtida hoggaanka iyo horseednimada

0
659

 

Indha ku garaad laha iyo dhaayo ku garaadlaha Somaliland waxay ka simanyihiin aragtidan caadiga ah ee filaysa in aqoonsigu ka imaan doona dalalka debedda oo aan dareen u lahayn xaqiiqada ah in goolka aqoonsiga laga dhalin karo dalka gudihiisa, haddii garasho, qorshe iyo dedaalkeeda mintitnimo ah la helo . Awoodaha ugu waxtarka badani waxay ku jiraan horuumar laga gaadho siyaasadda  arrimaha gudaha. Taas oo fure u ah ku qanaca ay ku qancaan dalal shisheeye  ee taageera dimoqoraadiyada Somaliland oo aan hubo in ay u heellan yihiin in ay arkaan maamulka dalka Somaliland ka jiraa oo gaadha heer waar-karyaa (Sustainable level), kana gudbi karaya caqabadaha adag ee hor-taagan iyo kuwaa la fili-karo intaba.  Adduunweynhu, Gaar ahaan kuwa dimoqoraadiyada taageera waxay ugu horrayn wax kasta uga qiyaas qaataan aragtida dalka lagu hoggaaminayo. Aragtidaaasina waa in ay tahay mid ku salaysan qorshe cilmiyeed dalku leeyahaay oo ku dhisan qawmiyada ama waddaniyada ee aan ku dhisnayn aragti qabiil ama mid kooxaysan oo damaanad qaadaysa xuquuda kofka, karaamadiisa iyo noloshiisaba iyo sinaanta bulshadu u simantahy Hanti-qaybsiga iyo Aoodbsigaba, arrimahaas oo dhan oo la oggyahay in ay yihiin kuwa gaadhistoodu waqti dheer u baahan tahay, laakiin baahidu maanta waa in wdadii dhabta ahayd lagu hubsada in cagta la saaray.  

 

ISKU-DHEELITIRKA ARAGTIDA IYO QORSHAHA: Qorshuhu waa in uu leeyaha laba qaybood oo is-dhamaystraya, mid ku wajahan siyaasada arrimaha gudaha iyo mid ku wajahan siyaasadda arrimaha debedda. Haddii aynu soo qaadanu qorshaha siyaasadda arrimaha dibedda waxaa loo baahan yahay, ka sokoow, aragti stiraatiijideeda ee waqtiga dheera ku salaysan oo leh mid dhexe iyo mid waqtiga gaaban ah. Waxaana in qorshaha waqtiga dheeri si cad u kala qeexaya arrinka kala mudnaanshaha dalalka iyo dawladaha dunida asaga oo kala xaddidaynaya oo kala caddaynaya wax dalkasta laga rabo, kaas oo ku salaysan marba heerka xidhiidka diblomasiyadeed marayo. Masalan, Dalalka adduunku kuwo badan oo ka mid ah, gaar ahaan kuwa dimoqoraadiga taageera ayaa Somaliland la leedahay aqoonsi aan rasmi ahayn (De-Facto recognition) oo maanta Somaliland dunida kula dhaqanto. (Halkan waaxaan ka xumahay in aanan halkan ku soo ban-dhigi karayn waxayaabaha shaqo ahaan xidhiika dibeddu ka qaban karo baahida aan weli la daboolin, maxaayeelay waa arrimo ay tahay in aanay debedda nooga bixin). Waase muhiim ah in la fahamo Xidhiidhka derejada aqoonsiga loo yaqaano aqoonsiga aan rasmiga ahayn (DE-Facto Recognition) waxtarkiisa iyo sida ay tahay in loo qiimeeyo.  

 

Hase ahaatee, qorshaha aragtida ku salaysani waxuu xoogga saaraa arrinta kala mudnaanta (priorities) oo ah arrin aad u muhiim ah, Msalan dalkasta oo dalalka ama  ururrada caalamiga ah, ama ku heer goblba  waxaa muhiim ahi waa aqoonsiga heerka DE-Facto, oo oggol in loola macaamilo sidii dawlad madaxbanaan. Hase ahaatee, halkan waxaa loo baahan yahay in la oggyahay macnaha uu leeyahay aqoonsiga heerka (De-Facto). Dawladda oggol macaamilka heerka noocaas ahi waxay ka dhigantahay aqoonsi buuxa oo aan rasmi ahayn.  Bal hadda aan soo xiganu sharciga caalamigu waxa uu ka qabo arrinta.

 

‘’De-Facto Recognition  also entails a willingness to carry on official relations, without necessarily saying anything about particular form those relations take’’ Discussion in the US Congress on Palestine-Israel Issue.

haddaba, waxa aanay dadka Somaliland iyo guud ahaanba Somalida, inta badani, weli garr-waaqsan macnaha taariikheed ee shirkii London 2012 ee laga soo saaray  go’aankii caanka ahaa ee Somalida oo  dhan u danta ahaa. Maxaa yeelay waxu jeexay jidkii Somalidu ku Hessian kari lahayd oo runtii loo arakay wada hadalada labada dhinac oo waxa uu ku dhammanayana u sii gogol xaadhay, oo ah laba midkood; Madax-banaani Somaliland ama Confederation laba dal oo dimoqoraadi ah oo si siman oo xor ah ugu midaysan  qaabkan Confederation, kuwaas oo meel fog iska dhigay caqiidada  siyaasadeed ee Somali—Irredentism kuna beddesha Somaliyo Dimoqoraadi ah oo is-nabad geliya dadka kalena nabadgelisa. Haddaba, ayada oo laga duulaya isbeddelka qotada dheer leh  ee adduunweynaha ka socda iyo saamaynta uu Geeskan Africa ku yeeshay waxay duruuftu khabaysaa  in sida ugu fiican uguna dheg degga badan dalku uga faaiideysto xidhiidhkan ah De-Facto ee dunidu siisay Somaliland oo siinaya fursad in dalkan laga badbaadiyo duufaanada isbeddelka iyo khatarahahiisa halista ah ee soo foole. Waxaana looga badbaadi karyaa waa in xoogga la saaro laba arrinmood; midda hore waa dibu-heshiinta iyo midaynta dalkan kala qaybsan, iyo midda kale oo ah in laga hawlgal sidii loo soo xasilin lahaa dawlad wayn oo golaha amaanka ku jirta duufaanada soo socda la isaga gudbo.  Masalan, haddii Taiwan khatari debedeed kaga timaado waxy haystaa dal weyn oo diyaar u ah difaacoodo, xidhiidhka De-Facto oo ay la leedahay USA ayaa u damaanad ah. adamjibril47@gamail. Lasoco Runt Ma Fanta      

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here