Madaxweyne Biixi iyo madaxda mucaaradka oo kulan yeeshay iyo qodobada ay ka wada hadleen

0
629

 

Akhri, war-qoraalka ay madaxtooyadu ka soo saartay kulankaas

 

Hargeysa(Geeska)-Madaxweynaha JSL Muuse Biixi Cabdi ayaa shalay kulan la yeeshay labada guddoomiye xisbi mucaarad Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) iyo Faysal Cali Waraabe.

Madaxtooyada Somaliland ayaa kulankaas ka soo saartay warsaxaafadeedkan, “Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, oo uu wehelinaayo madaxweyne ku xigeenka Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) ayaa maanta qasriga Madaxtooyada kulan kula qaatay guddoomiyeyaasha xisbiyada mucaaridka ah ee UCID iyo WADDANI, Mudane Faysal Cali Waraabe iyo Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro), waxana kulankaas lagaga wada hadlay arrimo badan oo la xidhiidha xaaladda guud ee dalka.

Kulanka madaxweynaha iyo guddoomiyeyaasha xisbiyada UCID iyo WADDANI  ayaa diirrada lagu saaray:

Ø  In si wada jira  ay hoggaanka axsaabta qaranku uga wada shaqeeyaan waqtiga ugu suurta galsan ee doorashadu ku qabsoomi karto.

 

Ø  In sadexda xisbi qaran ka hawl galaan dhammaystirka caqabadaha ku gedaaman qabsoomidda doorashooyinka goleyaasha wakiillada iyo deegaanka.

 

 

Ø  In si wada jira sadexda xisbi qaran u guda-galaan soo jeedintii odayaasha ee arrimaha doorashada.

 

Madaxweynaha iyo guddoomiyayaasha xisbiyada mucaaridku waxay kulankooda iskula garteen inay wada-tashi kula noqdaan xisbiyadooda, iyaga oo u ballamay kulammo dambe oo arrimaha lagu sii gorfayn doono.”

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here