Roobka Gu’ga Oo Ka Curtay Magaalada Boorama

0
181

Boorama (Geeska) – Magaalada Boorama ee xarunta Gobolka Awdal waxa ka da’ay Roob lagu qabowsaday, kaasi kaw u noqonaya Curashada Roobka gu’ga ee sannadkan.

Roobka oo Dadweynuhu ku farxeen ayaa da’ay Galabnimadii Jimcaha Maanta iyo Fiidnimadii Caawa, sida ay Geeska Afrika u sheegeen Dad ku sugan Magaaladaasi.

Curashada Roobka Gu’ga ee ka bilaabmay Magaalada Boorama ayaa ku soo beegmay xilli Goobo ka mid ah Somaliland laga soo sheegayo biyo yaraan, sida Gobollada bariga Somaliland.

Roobkan ayaa sidoo da’ay xilli ay Dadweynuhu ka cabanayaan kulayl, inkasta oo lagu jiro bisha March oo Cimilada Geeska Afrika isku beddesho kulayl, maaddaama oo Cirku tusan yahay.

 

Geeska.net/Hargeisa Office

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.