Ethiopian Airlines Oo Joojisay Duulimaadyadii Ay Ku Tagi Jirtay 30 Waddan

0
632

Addis Ababa (Geeska) – Shirkadda Diyaaradaha ee Ethiopian Airlines ayaa Xalay ku dhawaaqday inay 30 Waddan ka joojisay duulimaadyadii ay ku tagi jirtay, Xanuunka Coronavirus dartii.

Maareeyaha guud ee Shirkadda Ethiopian Airlines, Tewolde GebreMariam ayaa shir-jaraa’id oo uu Xalay Addis Ababa ku qabtay wuxuu ku sheegay in Shirkadda diyaaradaha  ee Ethiopian Airlines ay khasaartay boqol iyo sagaashan Milyan oo dollar xanuunka Coronavirus dartii.

Maareeyuhu wuxuu intaa ku daray in dalal ay Tiradoodu gaadhayso 20 Waddan ay joojiyeen in diyaaraddu tagto Dalalkooda, dalalkaasi oo isugu jira Sucuudiga iyo Dalal Afrikaan ah.

Tewolde GebreMariam wuxuu sheegay in Shirkadda diyaaradaha ee Itoobiya ay joojisay duulimaadka 30 Waddan, waxaana dalalkaa ka mid ah:- Baxrayn, Suudaan, Masar, Magaalooyinka Washington iyo Chicako, Jabuuti, Kuwait, Lubnaan iyo Dalal kale.

Waxa kale oo uu Maareeyuhu tilmaamay in dalal kale oo Yurub ah ay diyaaraddu qaadi doonto oo keliya Dadka muwaadininta ah ee u dhashay dalalka iyo Dadka haysta degannaanshiyaha rasmiga ah.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here