Reer Hargeysa Oo Ka Argagaxay Dilkii Foosha Xumaa Ee Magaalada Ka Dhacay

0
794

Picture4Hargeysa(Geeska)-Bulshada ku dhaqan caasimadda Hargeysa, ayaa dareen isku mid ah oo argagax leh ku qaabilay dilkii foosha xumaa ee loo gaystay Marxuumad Ruqiya Siciid Ayaanle, oo lagu dhex dilay guri ku yaala bariga magaalada Hargeysa, islamarkaana lagu riday god guriga dhexdiisa laga qoday.

Falkan oo ah mid argagax leh, wuxuu dhacay Isniintii toddobaadkii hore, waxase maydka la helay toddobaadkan, ka dib markii ay ciidamada Booliska iyo ehelada marxuumadu iska kaashadeen baadhitaankiisa.  Waxaana falka dilkaas u xidhan gacan ku dhiiglaha koowaad oo ay boolisku magaceeda ku sheegeen Muuna Maxamed Cabdillaahi iyo shan ruux oo kale. Sida ay saraakiil Booliska ku ag-dhawi sheegayaan waxa socda baadhitaan xoog leh oo lagu hayo guriga laga helay maydka marxuumada, oo laga baadhayo suurtogalnimada in laga helo maydad kale oo hore loo khaarajiyay. Ciidamada Booliska ayaa u muuqda inay baadhista kiiskan si hawlkarnimo ah u galeen islamarkaana guul uga gaadheen aakhirkii.

Gurigan ayaa waxa shalay si weyn ugu daawasho tagay dadweyne badan oo degen magaalada Hargeysa, kuwaas oo doonaya inay indhahooda ku soo arkaan godka marxuumadda laga soo saaray oo ah god dhawr mitir qodan.

Falkan ayaa ah mid uu noociisu ku cusubyahay Somaliland, waa dilkii ugu horeeyay ee noocan ah ee dalka ka dhaca.