Muuse Biixi Oo Beeniyay Warar Sheegaya Inuu 4 Milyan Oo Dollar Kaga Tanaasulay Murashaxnimadiisa Xisbiga KULMIYE

0
708

Picture5Hargeysa(Geeska)-Guddoomiyaha xisbiga talada dalka haya ee Kulmiye Muuse Biixi Cabdi, ayaa si adag uga dhawaajiyay in aan wax muddo kordhin ah loo samayn doonin madaxweynaha, isla markaasna doorashadii madaxtooyadu ay wakhtigeeda ku dhici doonto.

Guddoomiye Muuse sida oo kale waxa uu ka jawaabay hadalo warbaahinta qaarkeed ay qoreen oo sheegayay in hankiisa musharaxnimo arimo dhaqaale uu uga tanaasulayo,sida oo kale waxa uu daboolka ka qaaday in shirweynaha dhawaan u mudaysan in uu Kulmiye qabsado aan lagaga hadli doonin musharaxa xisbigaas u matali doona doorashada madaxtooyada.

Waxa uu sidan ku sheegay guddoomiye Muuse Biixi waraysi gaar ah oo uu siiyay Xamse Cali Bulbul oo ka tirsan tilifishanka qaranka, waxaanu ugu horayntii isaga oo ka hadlaaya arinka muddo kordhinta uu yidhi“Waxaanu rabnaa in doorashada wakhtigeedii lagu qabto, Dadaalna waanu ugu jirnaa. Waakii madaxweynuhu isagoo baarlamaanka la hadlaya yidhi saacad in lay kordhiyo diyaar uma ihi. Annagu waxaanu ku soconaa sida distoorku dhigayo shantii sano markay dhamaadaan in doorashadii la qabto. Waanu ku dadaalaynaa cid walbana inay ku dadaasho weeye, wixii awoodeena ka baxsan Ilaahaybaa ku shaqo leh, laakiin annagu mawqifkaanu ka taaganay waa kaas.”

Gudoomiyaha Kulmiye oo hadalkiisa sii wataa waxa uu intaasi ku daray “ Waanagii wada jir u saxeexnay in doorashada wakhtigeedii lagu qabto saddexda Xisbi Qaran iyo Komishanka Doorashooyinku, Madaxweynuhuna waxa uu warqad u diray Qolada inaga caawisa xaga doorashada, Xukumaddana waa ka diyaar xageeda wixii dhaqaale ah ee kaga soo hagaagaya.”

Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye waxa uu sidoo kale beeniyay warar sheegayay in lacag gaadhaysa afar Milyan oo Doolar loo siiyay si uu uga tanaasulo Musharaxnimadiisa 2015-ka “ Horta kalmadaas ah Lacag baa la siiyey meesha kuma jirto, Xataa wax-wax aan afka ku haboonayn ayaa jira, Qadiyada iyo masuuliyadda Qaranku wax iib gala maaha, waana wax aad u liita waxaasi waanan arkayay qaar waxaasi qoray, wax laga jawaabana maaha waa Arin aad u qaab daran. Ta Musharaxnimadu shirkan kuma jirto wakhtigeediina ma joogno, Marka wakhtiga Musharaxnimada la gaadho dabcan dad badan ayaa xaq u leh inay ku yimaadaan is-sharaxaad. Markaa xiliga la gaadho ayaa laga wada hadlayaa yaa musharaxa sidaynu wax nidhaahnaa laakiin hadalkaasi imiku waa wax iska macno daro ah.”