Cali Mazruuci: Nin Weyn Oo Afrika Ka Dhintay?

0
489

Picture2Professor Cali Mazruuci ayaa shalay ku geeriyooday dalka Mareykanka . wuxuu ahaa 81 sano jir caan ku ahaa buugaagta uu ka qoray Afrika , xidhiidhka caalamiga ah , islaamka iyo siyaasadda , iyo sida kheyraadka Afrika dad kale uga faa'iideystaan .

Professor Cali Mazruuci waxaa lagu xusuusan karaa aragtidiisa ahayd in Afrika ku dhaqmi karto dhaqankeeda , xadaaradda , iyo diinta islaamka . wuxuu kaloo aad wax uga qoray in Afrika isku tashato .

Somaliland wuxuu yimid March 2006 isagoo muxaadarooyin ka jeediyay meelo ay ka mid ahaayeen fadhi wadajir ahaa oo isugu yimaadeen labada gole ee wakiilada iyo guurtida . waxaa uu tusaale u soo qaatay habka Somaliland ku guuleysatay ee nabadda hoosta laga soo unkay kadibna nidaamka dimuqraadiga ahaa lagu badhxay iyadoo diintii islaamkana wax walba sal looga dhigaayo .

Professor Cali mazruuci waxa uu tusaale u ahaa dadka aqoonyahanka ah ee Afrikaanka ah ee aan ka faanin dhaqankooda iyo dadkooda .

Alla ha u naxariistee Cali Mazruuci oo u dhashay dalka Kenya , gaar ahaan gobolka xeebta waxaa wararku sheegayaan in aas qaran logu samayn doono dalkiisa hooyo ee Kenya iyadoo maydkiisa laga keenayo dalka mareykanka oo uu ku geeriyooday.