Reer Borama Oo La Yaaban Maayar Iyo Maayar Xigeenka Oo Noqday Dhallinyaro Isu Muuqda

0
589

Picture5Hargeysa(Geeska)-Iyadoo guud ahaan inta badan goleyaasha deegaanada ee sannadkii hore la doortay laga dayrinayo shaqadooda oo ay dad badani aaminsanyihiiin in doorashadoodii lagu hungoobay, ayaa haddana magaalada Borama waxa haysata dhibaato u gaar ah oo kaga imanaysa maayar iyo maayar xigeenka oo ah laba nin oo dhallinyaro ah.

Tan iyo markii loo doortay maayarka Md. Saleban Xasan Xadi  iyo maayar xigeenka Borama Md. Maxamed Faarax Dheerayste,  waxa ay labadan masuul noqdeen kuwo isu muuqda oo uu midba mid kale la raadinayo dabin iyo dagaal. Toddobaadkii hore waxa u dambeeyay oo ay warbaahintu werisay inay labada masuul gacanta isula tageen iyagoo ku sugan xafiiska maayarka oo ah xafiiska halbawlaha u ah hawlaha shaqo ee ay golaha deegaanku u hayaan magaalada laga soo doortay. 

In laba masuul isula tagaan dagaal gacan ka hadal ah, waa ceebm, mana aha  wax ku qurux badan xilka ay magaalada u hayaan, haddiise ay markii hore dagaalameenba waxay ahayd inay iska xakaameeyaan wax kasta oo markaas ka dib sii murgin kara khilaafkooda. Laakiin taasi may dhicin.

Labadii maalmood ee u dambeeyayna waxa ay soo kala saareen laba qoraal oo labaduba amar ah oo ka soo horjeeda milgaha dawladnimo iyo xilka maayarnimada magaalada Borama ee lagu aaminay. Iyadoo ay labada masuul kala leeyihiin laba shaqo oo uu xeerku u kala jideeyay, haddana waxa magaalada laga dareemayaa inay noqdeen laba masuul oo inta ay iloobeen xilkii ay hayeen uu xifiltan ka dhexeeyo. Waxaanay xaaladoodu gaadhay in xataa masaajidada Borama lagaga hadlo Jimcayaasha, ka dib markii ay sida qoraaladooda ka muuqata ay sabab u noqdeen in dadweyne isku dhacaan. Bal akhri oo dhugo warqadda uu maayarka Degmada Borama 6-dii bishan u qoray maayar xigeenkiisa. “Sidaad la wada socotaan waxa beryahan dambe soo bax-baxaayay dambiyo isku dhac oo ah shaqadii aan guddoomiye xigeenka [maayar xigeenka] u xilsaaray oo noqotay in masaajidadu khudbadaha nagu soo daraan, khaladaad amaro isku dhan oo ka soo baxay guddoomiye xigeenka awgood. Sidaas awgeed waxa guddoomiy xigeenka la faraynayaa inuu joojiyo shaqada dhulka ilaa khaladaadka la saxaayo, ilaa amar dambe.”

Maayar xigeenkiina muu noqon maayar masuulnimo muujiya ee isna wuxuu qoray qoraal jawaab ah oo si weyn uga soo horjeeda anshaxa dawladnimo, “Anigoo tixraacaaya warqadda sumadeedu tahay Ref/DHB/M/097/2014 ee uu qoray guddoomiyaha golaha deeganka ee Borama waxaan idinku wargelinayaa  guddoomiyuhu aniga shaqo igama joojin karo, waayo iima xilsaarin wax shaqo ah, waayo guddoomiye iyo guddoomiye xigeenkaba waxa isku mid ah u wada dooraty golaha deegaanka ee Borama. Haddaba, shaqada waxa joojin kara golaha oo keliya, shaqaduna way soconaysaa.”

In laba masuul oo noocan ahi ay xil u qabtaan magaalada Borama oo ah magaalada halbawle u ah Somaliland waa ayaan darro, waxaana golaha deegaanka iyo odayaasha magaalada la gudboon inay ka taliyaan bal sidii loo sixi lahaa labadan masuul islamarkaana loo heshiisiin lahaa, sababtoo ah haddii uu khilaafkoodu intan muuqata dhaafo waxa ay dhaawac ku keeni doonaan shaqadii loo xushay inay dadweynaha u qabtaan, taas oo imikaba fadhiid noqotay.