Ibrahim-Dhegaweyne Oo U Mahadceliyay Qurbe-joogta Somaliland

0
674

Picture4Hargeysa(Geeska)-Afhayeenka madasha wada tashiga iyo toosint qaranka Mujaahid Ibrahim Cabdillaahi Xuseen (Dhegaweyne) ayaa u mahadceliyay qurbe-jooga Somaliland oo uu sheegay inay taageero la garab istaageen madasha wada tashiga.

Qoraal kooban oo uu Mujaahid Ibrahim shalay soo saaray ayaa u qornaa sidan: “Anigoo ku hadlaya afka Madasha Waatashiga iyo Toosinta Qaran wxaan mahadnaq iyo bogaadin u dirayaa dhammaan dadweyna reer Somaliland ee qurbaha ku nool sida ay hiil iyo hooba isula garabtaageen Madasha iyo wadan jacaylka iyo lexajeclada ay wadankooda u muujiyeen. Runtii waa wax aad loogu farxo wadaniyadda aad muujiseen ee geesinimada ku dheehantahay.

Waxa xusid mudan in intii aanu ku dhawaaqnay Madasha Wadatashiga iyo Toosinta in dadweynaha reer Somaliland ay ididiilo soo gashay oo ay ogaadeen in ay wadankooda ilaashanayaan oo ay meel uga soo wada jeedaan gudo iyo debedba.”