“Waxaan Hubaa Haddii Aan Warancade Laga Dhigin Wasiir Oo Uu U Yeedhi Lahaa Xasan Sheekh Inuu Yeeli Lahaa”

0
625

Hargeysa(Geeska)-Guddoomiyaha xisbiga mucaaradka ah ee UCID Eng.Faysal Cali Waraabe, ayaa ku celiyay in xisbigooPicture6du aanu aqoonsanayn waxa ka soo baxa wada hadalada Somaliland iyo Somaliya.

Waxaanu xukuumadda ku dhaliilay inay tahay mid aan lahayn istaraatiijiyad wada hadalkaas ay ku wado iyo kalsoonida inta badan ee shacbiga Somaliland, waxaanu sida oo kale jawaab u diray wasiirka arimaha guddaha. Waxaana sidaas ku sheegay isaga oo la hadlaayay tilifishanka HCTV, waxaanu hadalkiisa ku bilaabay sidan “Wada hadalada Somaliland iyo Somaliya waa arin qaran, xisbi qudha oo gaar u lihin ma jiro,taasi waatii keentay inaan isku wada tagno oo aanu London tagno oo Turki tagno oo aanu ku faa’idnay,waxaa is waydiin ah maxaa loo badalay habkii hore maaha arinku dano shaqsi ah iyo Faysal ayaa laga saaray toona, miyaa lagu qasaaray wada shaqayntii sadexda xisbi ee aniga madaxweynii Hore,Siilaanyo iyo intii kale ee wufuuda ahayd, haddii wada hadalka Somaliland iyo Somaliya aynu ka yeelan wayno wadatashi xaq waxaanu u leenahay inaan la furno Somaliya wada hadal oo aanu waliba ka midho dhalin karno ayaa muuqata, laakiin in hadalka la badalo oo la yidhaahdo Faysal ayaa yidhi waan tagayaa, waa wax ay juhaladu ku hadlaan,anigu ma ihi nin looga baqaayo inuu Somaliland wax yeelo, inuu wax taro mooyaane.Dawladani maaha mid la gali garta wada hadal Somaliya, waayo mid dhisan maaha oo haysta  istaraatijiyad,tabtaas xisbiga Waddani sheegay haday baxaan oo aanay talo qaran ku bixin waxii ay idinla galaan Soomaaliyeey ma soconayso, kalsoonidayada ma haystaan oo boqolkiiba 15 kaliyaata ayaa taageersan.”

Guddoomiye Faysal oo ka jawaabaya hadal uu Cali Warancade ku duray, wuxuu yidhi  “Ina Warancade bilaa mabda’ ayuu igu sheegay, laakiin anigu waxaan leeyahay mabda’ kuma faani kartid, waxaad ahayd UDUB oo waxaad tagtay Waddani, hadana KULMIYE, ninkii markaan madasha dhisaayay albaabka madasha taagnaa sow ma tihid ee aanu ka shiraynay ee la yidhi ma u soo daynaa ee lama aaminaayo la’yidhi, anigu waxaan hubaa haddii aan Warancade laga dhigin wasiir oo uu u yeedhi lahaa Xasan Sheekh inuu yeeli lahaa.”