Reer Berbera Waxay Yidhaahdeen Buuraha Sibidhku Wax Go’lagu Qaado Ka Weyn

1
4472

taajirGoobtu waa Berbera, dadka degan kama mid ihi, waxa se dhagahayga iyo indhahayga soo jiitay  dooda, buuqa, dacaayada, cadhada marmarka  qaarkood gaadhaysa gacan-qaadka iyo aflagaadada goobaha fadhi ku diriri-ka ee magaaladaas ka taagan.

Dadka badidiisu way xanaaqsan yahiin, waxaad moodaa in lagu soo dhex tuuray waxay ka cadhoodeen, warshada sibidhka arinkeedu inuu baryahaas taagnaa oo laysku mari waayay waan la socday, waxaanan’se moodayn buuqa magaaladda ka taagani inuu intan gaadhsiisan-yahay.

Waxaan ka soo galay Berbera dhanka magaaladda hooyada u ah kaftanka qoomiyada Somalida ee Burco, waa goor fiida ah, daalbadan ayaan ka dareemayaa indhaha iyo jidhkaba, waayo hawl culus baan soo gutay, habeenimadii goobaha fadhi ku dirirka ma tagin ee waan iska seexday. Aroornimadii hore ayaan ka soo xaadiray maqaaxida Baraadka, waxaan is leeyahay xoogaa quraaca ka cun, waxaanse markiiba i xiiso galiyay dooda halkaas ka socotay.

Berbera maaha magaalo aad u weyn, dadkeeduna badi aqoon-bay isku leeyahiin, kaftanku door hore oo aan tagay wuu badnaa, balse maanta waxa aad mooda kaftankii in cadho lagu daray, ragga qaar markay soo fadhiistaan kuraasta maqaaxida waxa lagu lahaa “Fircooniga”. Wali maan fahmin Fircooniga waxa nimankaas oo haybadi ka muuqatay loogu leeyahay, waxyar’se markaan joogay ayaan waydiiyay nin dhincayga fadhiyay Fircooniga waxa looga jeedo, waxaanu iigu sheegay in dad yar oo taageera shirkada  Dahabsiil oo warshad labaad doonaysa inay Berbera ka dhisto in magacan Firecooniga loogu yeedho.

Nin dhinacayga fadhiya ayaa nin kale isku xiiqeen, waxay dood adag ka galayeen warshadaas lama-dhisi karo iyo waala dhisayaa indhahaagaa oo shan ah. Doodu umay muuqan mid ku dhisan daliilo waaweyn. Wax inta badan markii ay isla doodayeen midkii diidanaa in magaaladaas shirkad gaar loo leeyahay ka dhisato warshada sibidh waxa uu hadalkiisa ku soo af-meeray (Buuraha Sibidhku Wax Go’lagu qaado Ka Weyn ), waxaan u fahmay inuu ninkaas leeyahay xoogaabaad soo qaadatay.

Marka si guud loo eego hadalka intiisa badan waxa uu ahaa Buurahaas shirkad gaar loo leeyahay lama siin karo, Berberina laba warshadood ma qaado.

Maxamed Maxamuud Haybe ( M.Taajir )

Taajir88@hotmail.com

Comments are closed.