Colaadii Deegaanka Gaashaamo Oo Qabaowday, Suldaan Maxamed Xirsi Qani Oo Jigjiga Ku Sugan Iyo Madaxweyne Siilaanyo Oo Ergo Guurti Ah Ku Xoojiyey

0
785

gaashaamoHargeysa(Geeska)-Xiisadii colaadeed ee ka taagnayd deegaanka Gaashaamo ee deegaanka Somalida Itoobiya oo ay maleeshiyaadka Liyuu Boolisku ku laayeen dad xoolo dhaqato ah oo deegaankaas ka soo jeeda, ayaa lagu soo waramayaa inay degtay, ka dib markii ay bilaabmeen wada hadalo iyo dedaalo xaaladda lagu dejiyay.

Wada hadaladaas, ayaa sida la sheegay waxa hormuud ka ah Madaxweynaha is maammulka Somalida Itoobiya Cabdi Maxamuud Cumar, oo hore ugu baaqay nabadgelyo islamarkaana martiqaaday Suldaan Maxamed Suldaan Xirsi Qani oo ah Suldaanka Beelaha Habaryoonis oo isna ku sugan magaalada jigjiga ee caasimadda dalka Itoobiya, waxaana la sheegay inuu kulan dhex maray Madaxweynaha Kililka iyo Suldaan Maxamed Xirsi Qani la iskula qaatay dhawr qodob oo ay ugu horeeyaan in dagaalka la joojiyo islamarkaana wada hadal la bilaabo, kulan balaadhan lagu qabto magaalada Gaashaamo kaas oo la filayo inuu ka qayb galo Madaxweynaah is maamulka Somalida Itoobiya.

Geesta kale, Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Siilaanyo ayaa magaalada Jigjiga ee dalka Itoobiya u diray ergo ka socota golaha guurtida oo ay ka mid yihiin ruug cadaaga nabadaynta caanka ku ah ee Xaaji Cabdikariim Xuseen Cabdi-waraabe iyo Md. Muxumed Aw Cabdi oo ah guddoomiyaha guddiga joogtada ah ee golaha guurtida, si ay uga qayb qaataan dedaalka lagu soo dabaalayo nabadgelyada deegaanka gaashaamo oo ay dadweynaha degeni aad uga gadoodeen falalka ciidanka Liyuu Booliska oo u badan reer ka mid ah reeraha degen dhulka Somalida Itoobiya, waxaanay ergadaas guurtida ka socotaa shalay gaadheen magaalada jigjiga.

Colaada gaashaamo ayaa waxa sababay ka dib markii ay kooxda Liyuu Boolisku dhibaateeyeen dadka tuulada raqda ee deegaanka gaashaamo, waxaana falkaas ka gadooday dadka deegaanka oo ku tilmaamay mid gardaro ah oo aan la aqbali Karin, waxaanay liyuu Boolisku dab qabadsiiyeen magaalooyin ka tirsan deegaankaas iyagoo laayay dad xoolo dhaqato ah. Laakiin Madaxweynaha Ismaamulka Somalida Itoobiya ayaa ka dib dagaalkaas soo saaray baaq nabadgelyo ah.