Odayaasha Beesha Badhasaabkii Hargeysa Oo Baaq U Diray Madaxweynaha

0
752

G-G-_Maroodi_jeex._Axmed_Cumar_Xaaji__Xamarji_-600x450Hargaysa( Geeska ) Gudidda iyo odayaasha beesha uu ka dhashay badhaasbkii hore ee la xidhay ee gobalka Hargeysa Axmed Cumar Xamarji ayaa ka waramay kulan ay la qateen madaxweynaha, waxaanay codsadeen in sida ugu dhaqsaha badan lagu soo taago maxkamad gudoomiyahii hore ee gobalka maroodi jeex.

Xubnahan isugu jira gudida iyo odayaasha ayaa warbaahinta ugu waramay kulan la qaateen madaxweynaha isla markaasna ay ku heshiiyeen in maxkamad u furan warbaahinta iyo umadda kaleba la horkeeno badhsaabkii hore ee gobalka Maroodijeex, si loogu cadeeyo ama wax loogu waayo danbigii lagu soo oogay. Waxa kale oo ay xubnahan oo ku hadlaayay afka beesha uu ka dhashay Xamarji ay sheegeen in dadkoodu ay isdajiyaan isla markaasna ay ilaaliyaan amaanka dalkooda.

Ugu horayntii Oday Mahdi Xasan Cawad oo ka waramaaya kulankii ay la qateen madaxweynaha, isl markaana beeshooda baaq u soo jeedinayaa waxa uu yidhi“Ragaas markaanu nahay odayaasha reerka waxaanu ka aragnay madaxweynaha dalka, sidii ay ahayd baanu uga wada hadalnay dacwadii aan sidanay waanu gudbinay oo madaxweynuu waa uu naga dhagaystay, waxa uu noo dhagaystay si aad iyo aad ixtiraam u leh, hufnaantaasu waxay noqotay inaan is garawsano waxaan isula nimid, intaas kadib heshiiska aanu madaxweynaa ku soo kala nimid waxa uu ahaa wado sharci oo ceebreeba oo sharciya oo dalka u taala oo ah maxkaamad madaxbanaan inay eedaasu gaadho oo ay ku raacdo cida wax lagu eedeeyay ama ay kaga hadho, balankaas madaxweynuu waa uu naga qaaday, waanu ku sugaynaa waa xidhiidhka qudhaata ee aanan ka been sheegayn ee aan ku balanay.” Isaga oo hadalkiisa sii wata oday Mahdi Xasan waxa u yidhi “Waxaan u dhaafaynaa beesha aan ka soo jeedno ee warkan uu u socdo arin inaga xun oo maanta laysku qanjiidhsadaa ma jiro, warbaahnitana waxaan u marinaynaa colna kuma maqnin, duulaana kuma maqnin, qabiilana ma mudaharaado oo sharci uma ogala, tuur tuurna malahin ee waan ku dacwad sheeganay arinkan, waanan ka dacawad sheeganaynaa ilaa dhamaadka.Waxaan tix galinaynaa waxii wanaaga ee qarankayga aan kaga mid nahay ee aan qarankayga la wadaagno.”

Odhay Axmed Cali Gaas oo dhankiisa ka mid ahaa dadkii shirkaas jaraa’id ka hadlay ayaa isaguna yidhi “Madaxweynaa waan is aragnay si fiican ayaan ku kala gar qaadanay, codsibaanu ula tagnay, codsigaasuna waxa uu ahaa inay nimankaasu helaan maxkamad furan oo saxaafadu joogto oo umaddu dhagaysanayso, marka u horaysa madaxweynaa wax ka sugaynaa codsigii aanu ula tagnay oo muddo soo daahay, waxaanan leenahay mudane madaxweyne waan kaa sugaynaa codsigii inaad fuliso. Nimanka la eedaynaayo ee xidhan, waxa lagu eedaynayaa wax dhaw oo baabuur dushii ah, nin wax baabuur saaran lagu eedaynayaana baadhis iyo muddo qaadasho iyo in wakhtiga lagaga lumiyo wax baabuur saaran ma gayo.waxaan leenahay halakeeno maxkamad sida ugu dag daga badan.”

Dhalinyaro iyo cuqaal iyo odayaal kale oo halkaas ka hadlay ayaa dhankooda  iyaguna sheegay in madaxweynaa ay ka codsanayaan in sida ugu dhaqsaha badan lagu hor keeno maxkamad furan, waxa kale oo ay beeshooda u soo jeediyeen inay ilaaliyaan nidaamka dalka.