Raysalwasaraha Somaliya Oo Sheegay Natiijada Ay Ka Rabaan Wada Hadalka

0
666

 

YAAMuqdisho(Geeska)-Raysalwasaaraha Somaliya Cabdi Faarax Shirdoon, ayaa mar kale ku celiyay natiijada ay dawladiisu kadoonayso wada hadalada Somaliland iyo Somaliya, taas oo uu ku sheegay dib u soo celinta midnimadii burburtay.

 

Mr. Saacid, oo shalay hadal ka jeediyay magaalada Muqdisho, wuxuu sheegay inay wada hadalada labada dal dib u bilaabmi doonaan, “Waxaanu dib u bilaabaynaa dhawaan wada hadaladii isku kaayo xidhayay annaga [Somaliya] iyo walaalahayga reer Somaliland, waxaanan ku kalsoonahay inay meelsan ku dhamaan doonaan.” Ayuu yidhi Mr. Saacid, oo intaas raaciyay “Wax badan ayay taariikhdu u haysaa dadka reer Somaliland, midnimadu waxay ku timid dedaal xoogiisu ka yimid dadka Somaliyeed, gaar ahaan gobolada Somaliland. Haddana midkaa iyo mid ka badan ayaan uga fadhinaa”

Wuxuu isagoo aragtidiisa midnimada sii sharaxaya uu yidhi “Anigu kama laalaabto midnimada, siyaasada aanu qabnaana waxay ku cadahay dhukumantigayaga iyo dastuurka, dadkuna midnimo ayay rabbaan”.